Paragon Posted November 12, 2004 Gocasho Waa Islaamaa Gabay waa inuu murtida gaabis ka ahaanee Waa inuu gubaa cadowga iyo gaalo raacyada'ee Waa inuu ka gaabsado xumaan gacal fadeexeenee Muslimiinta waa inuu garab iyo gacanba siiyaayee Kol haddaanu gaarsiinahayn gabaygu eedowyee Waxba arartu yey ila gudbine gadalkiiyoo gaaban Xassaan Gabayadiisii anoon gaari karahaynee Gole magan sidiisii anoon kala gorfaynaynee Anoon gayni karahayn halkuu gabayga gaarsiiyey Hayeeshee wixii aan gocdaan soo gudbinayaayee Xalay galin dhaxaad iyo maraan gabaha sugaayey Guuldarrada maraan fiiriyoo galangalcoobaayey Muslimiinta gabigood maraan gees walba u eegay Falastiin maraan guruf ku tagay geedar iyo weeroo Sida loo galaayaa jirkii iga gariiraayee Waxay godobsanayaanna waa gaban yahuudeedee Golaha Amaankna ka hadal taa ma garan waydeen Koosoofa wixii gaaray baa taa ka guda waynee Waxaa gabar lafaalugay waxa gaban la dooxaayo Waxa guri la dumiyee gantaal lagu garaacaayey Waxaa lagu gubaayaa waa gacalladeeniiyee Waxa saa u galaayaanaa guruubo shaydaanee Golaha Amaanaka ka hadal taa ma garan waydeen Afartaa Ga iyo wowga iyoo ereyo gaagaaban Iyo galan garcawgii wixii aan ka gam'iwaayee Iyo Garashadaydii halkii ila gudboonaatey Afar kalena aan kuu gaddiyo waakan gabaygiiyee Maxaa Diiinta gacalkeedii ka dhigay gabi ahaantoodba Kuwaan garanin hoosaasintiyo gurucda loo jeedoo Geedigu halkii uu ahaaba garanba maayaanee Gurubaar markii laga dhigtee lagu guraabaasoo Ayuunbey waxaan guullahayn sii gorgoriyaanee Gocashadii maxaa inaka tiray guruuba meel aadyee Haddii gaban la dilo iyo haddii geel la kala qaadoo Sidaad guluf ku aabayn aabayn jirtaan waydin garataanee Sidaa ugu go'daan iyo walibageeri xumadiinna In gargaarku Diinta ay lahayd taana ma garan waydeen Soomaaliya la googoo wakaa guruubba meel aadyee Kuwii Nabiyadii gooyey bey garabsi moodeenee Goortay isla gubatey dhaheen waa in loo galaaye Gulubkii lasoo diray markuu gocosho sii beeray Gumac iyo Rasaastii markii gabanadii laysay geeridii wataa badatayoo guul darraa timidee Qofkaan garanin diintiisu waa gaala raacyadaayee Galin dhexe habeenkii markuu guuro bahalliyo Goranyada sideedii markii gees walba u rooro Shaydaan buu u galayaa haddaan Eebe garab siinee Godkii Aakhiraa ka daran gubasha naareedee Eebow nagarab sii intaan galab naloo yeerin. W.T. C/Wahaab Sh. Xasan Source: www.suxayfa.com Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 15, 2004 Thanks Jamaal . . aniguna mid baan soo wadaa i sug .... Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted November 15, 2004 Jamaal_11 maahmaahyaal maa ii bexee? wax ma isku haysaa? Share this post Link to post Share on other sites