DA_BEAST Posted March 21, 2003 waxaan idinku soo dhoweynayaa qolkaan oo aan ugu talo galay in dhallinyarada soomaaliyeed ee ku kala nool adduunka iney kuwada sheekeystaan iskuna dhaafsadaan wixii ra'yi ah ee ay rabaan iney ka hadlaan marka walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaan qolkaan lagu qorin waxaan aheyn af-soomaali sababtoo ah waxaad umoodaa inaan ku daalay af ingiriiska oo aan maalin walba iyo saacad walba aan wax ku qoro mana rabo inaan ilaawo afkeyga hooyo. walaalayal waxaan jeclahay inaan qolkaan uga wada hadalno wax walboo ku saabasan bulsho weynta soomaaliyeed meel walbaba haka joogaan adduunka. waxaana dhallinyarada soomaaliyeed ka codsanayaa wiilal iyo gabdhaba iney ku dhiibtaan wax walbo ee ay rabaan iney wey diiyaan dhallinyarada kale ee soomaaliyeed wax walbana waad uga hadli kartaan ha ahaado fanka,suugaanta,gabayada,geeraarada iyo xittaa buraanbur war xittaa madax shub waa inaan ooga hadalnaa marka walaalayaal kusoo dhowaada qolkaan wacan walibana idinkoo aaminsan inuu MININKA MININKIINA YAHAY.mahadsanidiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites