Sign in to follow this  
General Duke

President, PM and members of Cabinet to visit Puntland Thursday

Recommended Posts

Madaxweynaha DFKMG, Ra'isulwasaaraha, Kuxigeenadiisa & xubno kale oo Khamiista ku soo fool leh Puntland

 

SBC Exlusive-21.February.2005 Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay, balse aan si rasmi ah shaaca looga qaadin ayaa Idaacada SBC u sheegay in Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya, Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi, Sadexda Ra'isulwasaare ku xigeen iyo waliba Xubno kale oo fara badan oo ka socda Golayaasha Baarlamanka iyo Xukuumada ay maalinimada Khamiista ah ka soo degi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

 

Wafdigan uu hogaamin doono C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu wadaa in loogu soo dhaweeyo deegaanada Puntland si aad u sareysa waxaana caawa Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Muuse uu magacaabey 3 Gudi oo ka hawl gali doono soo dhaweynta Wafdiga, Amniga iyo Dajinta Wafdiga.

 

Sadexda gudi ayaa kala ah

 

1. Gudiga Soo Dhaweynta, Abaabulka iyo Hab Maamuska

 

Gudigan oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Dawladaha Hoose & Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare (waxaana idin soo gudbin doonaa Magacyada xubnaha wararkeena soo socda hadii EEBE idmo).

 

2.Gudiga Dajinta Wafdiga

 

Gudigan oo ka kooban 5 xubnood waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Maaliyada Dr.Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" (Magacyada Gudiga kale waxaan idin soo gudbin wararkeena soo socda hadii EEBE idmo).

 

3.Gudiga Nabadgalyada & Amniga.

 

Gudigan oo ka kooban 5 Xubnood waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Cabdi Xaabsade (Magacyada kale ee Gudigan waxaan idiin soo gudbin wararkeena dambe Hadii EEBE idmo.

 

Warar dheerad ah oo ku saabsan Safarka Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo waliba soo dhaweynta looga diyaargaroobayo Puntland ha ka dheeraan SBC Online.net.

 

SBC News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this