Sign in to follow this  
General Duke

President Yuusf holds a meeting with cabinet...

Recommended Posts

Yusuf oo ka hadley safarkiisa

1 Feb 1, 2007, 08:57

 

Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DF ayaa maanta ka warbixiyay safararadii uu dhawaan ku tagay dhowr dal oo Africa ku yaala.

 

Madaxweyanha ayaa kulan albaabada u laaban yihiin la yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, isagoo ugu warbixiyay waxyaabihii uu kula soo kulmay kulamadii uu la yeeshay Madaxda Africa, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

 

ILo-wareed oo ku dhow Madaxweynaha oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Wasiirada ka codsaday inay iska hilmamadaan waxyaabaha ay dhexdooda iska tabanayaan isla markaana ay isla wada shaqeeyaan.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in DF ay hada kadib xoog ku xalin doonto amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

"Amniga dalka faraha ayuu kasii baxiyaa, oo rag hubeysan oo qaraxya sameynaya ayaa soo batay, sidaasi darted dulqaadkii wuu dhamaaday oo hada kadib xoog ayaynu ku xalin doonaa," ayuu yiri Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ogolaadeen inay deeqo siiyaan DF, isla markaana DF ay furi doonto kulan ay la yeelanayso qeybaha kala duwan ee Bulshada si loo dhameeyo qalalaasaha ka dhex jira DF iyo Bulshada.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadka soo socda gudahiisa ay Somalia soo gaari doonaan ciidamada Afrikaan qaarkood, waloow uusan shaacin ciidamada kusoo hormari doonaan Somalia.

 

Dhinaca kale warar aan la shaacin aya sheegaya in Madaxweyne Cabdulahi qorsheynayo safar uu ku tago magaalada Kismayo oo ilaa hada DF wax maamul ah ka dhisin.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Yuusuf uu kulan la qaato Golaha Wasiirada tan iyo markii uu shalay soo gaaray magaalada Baydhabo kadib socdaal maalmo qaatay oo uu dalka dibada ugu maqnaa.

 

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this