Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Celebrates EID 2009: Pics

Recommended Posts

Garowe: Madaxweyne Faroole oo waxyaabo badan ka hadlay.

20. september 2009 

 

APL

Tool

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay Salaadii Ciidul Fidriga ee magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana Puntland.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu ku dheeraaday ka hadalka Amaanka, Siyaasada iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida, oo uu dhamaantood qodob-qodob uga hadlay, isagoo wax laga xumaado ku sifeeyey ugu horeyn in dadka Puntland ama Soomaaliyeed ay qaar sooman yihiin.

 

Puntland wuxuu sheegay in aan laga kala soomi doonin, isla markaasna ay dawladdu qaadan doonto go'aan cad oo ku aadan arrintan, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed daganaansho iyo Alle udhawaansho.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in amaanka Puntland uu hada sugan yahay, tan iyo markii uu xilka Madaxweyne-nimo qabtayna, uu wax badan ka qabtay xaaladaha amaanka oo ay ugu horeeyaan Garowe, Galkacyo,Qardho iyo Bosaso, oo uu sheegay in ay waxqabad wanaagsan oo amaanka ah ka sameeyaan.

 

Dr. Faroole wuxuu cadeeyey in ay wali jiraan dad badan oo amaan daro wada, isagoo xaqiijiyey in ay kudaba jiraan ciidamada amaanka ee dawladda Puntland ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Puntland inay taageero walba siiyaan ciidamada amaanka, si buu yiri loo soo qabto dadka dambiyada galay ee ku sugan ciida Puntland, isagoo ula jeeday cid walboo ku dhaqaaqda talaabo ka soo horjeeda horumarka iyo nabadgalyada Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha Burcad Badeeda Soomaalida, wuxuu ka sheegay in aad ula dagaalameen Burcad badeeda, oo ay wax badan ka qabteen, ayna hada Xabsiyada Puntland ku jiraan dad badan oo burcad Badeed ah, kuwaas xukuman, qaarkoodna ay hada dacwad ku socoto lana baarayo in ay Burcad yihiin iyo in kale.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay dawladdisa ka go'an tahay ladagaalanka cid kastoo dooneysa in ay noqoto Burcad Badeed iyo kuwa hada ku jira, isagoo fariin udiray dadka Burcad Badeeda ah oo ugu baaqay in ay deg deg faraha ugala baxaan arrimahaasi, ayna Xukuumadiisa hadii ay qabato dadkaasi ay kala kulmi doonaan xaalad adag.

 

C/rixmaan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyey dalalka Caalamka oo uu sheegay in ay qaarkood masuuliyada burcad badeeda ay qeyb lixaad leh ku leeyihiin, oo ay ku taageeraan lacago Madax furasho ah oo ay bixiyaan.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu sidoo kale soo qaaday dagaalada iyo rabshadaha dagaal ee ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka wada ee dawladda Soomaaliya, AMISOM iyo Mucaaradyada in ay joojiyaan dagaalada, oo ay miiska wada xaajoodyo ay ku dhameystaan wixii ay dagaal ku gali lahaayeen, isagoo cadeeyey in dagaal Soomaaliya ay ku soo jirtay 20-sanno, wax xal ahna ay ku keeni weyday.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay qodobo kala gedisan, waxaana sidoo kale ayana ka hadlay Madashii Salaada lugu tukunayay qaar ka mid ah culumada Diinta Islaamka ee Puntland oo aad uga hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this