Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Media reaction to the [ONLF's Siilanyu-Gaboose Trail]. read all about it..

Recommended Posts

Maxaa Sababay Inay Somaliland Noqoto Waddo Halaq Oo Ay Batalyano Ciidamo Hubaysani Si Fudud Uga Gudbi Karaan?

 

Qalinkii :C/risaaq Suudi Nuur

 

Maah maah Soomaliyeed baa jirta oo tidhaahda Nin Sigtay Ma Nabad Gelin..

 

Saaxiibayaal waxaad is barbar dhigtaa qisaddii soo martay Cigaal Shiidaad iyo tan maanta Somaliland ku dhacday, waxa la arkay maalin maalmaha ka mid ah Cigaal shiidaad oo geed hoostii ka ooyaya, markii loo yimid ee la waydiiyey waxa ku dhacayna wuxuu dadkii tusay subxaanyo uu u sheegay inay martay dibintiisa sare iyo sankiisa inta u dhexaysa.

 

Markii ay dadkii u sheegeen in aanay subxaanyadu waxba qaniin wuxuu ku jawaabay “Waan ogahay in aanay subxaanyadu waxba qaniin, waxaanse kasii ooyayaa oo aan ka boqo qabaa in dibintayda sare iyo sankayga dhexdoodu uu noqdo waddo halag”.

 

Waxaad mooddaa in arrintii Cigaal Shiidaad ka sii afeef dhigtay ay ahayd tan maanta ka dhacday xeebaha Somaliland, waxaana duhur dharaareed ka soo degay Somaliland batalyano ciidamo hubaysan ah, si xarago leh ayay u dhex mareen dhulka Somaliland waxaanay gaadheen halkii ay rabeen.

 

Xisbiga UDUB iyo Daahir Rayaale hore ayay u baabiiyeen Somaliland tan maanta dhacday oo kalena lama arag, waxay ummadani u baahantahay isbedel uga reeya ee uma baahna is bedel uga sii dara.

 

Madaxweyne muhiimadda koobaad waxaad siisaa ilaalinta nabadgelyada waxaanad is bar bar dhigtaa taliyihii hore ee ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland Md. Cismaan Jibriil Xagar iyo taliyaha cusub ee aad magacawday, haddii taliyihii hore meesha ku haboon yahay soo celi adiga oo aan u eegin xisbiga uu ka soo jeedo.

 

Hadaba madaxweyne Siillaanyo waxaan kugula talin lahaa labada qodob ee kala ah

 

inuu qabyo tiro golaha xukuumadda si ay ummaddu ugu jeedsato waxa laga qabo iyo ilaalinta nabadgelyada.

 

Maxkamadaha dalka gaar ahaana kuwa Hargeysa min derajada koobaad ilaa maxkamada sare raga joogaa waxa ay bilaabeen “Sawir Lacageed Yaa Wuxuun Sida”.

 

Waxayna soo saaraan xukuno tiro badan oo boobsiis ah iyaga oo ka faa’iidaysanaya xiliga kala guurka.

 

Madaxweyne ilaalinta gaadiidka dowladda waxaad u magcawday guddu heer qaran ah intii aan xilka lala kala wareegin, ummadda ku dooratayna waxay u baahnayd caddaalad inla helo, dadweynihii caddaalada u baahnaa inta siddii jinac duulaanka lagu cariyey garsoorayaasha ayaa looga tagey.

 

Haddii aad booqato guriga guddoomiyaha maxkamada sare Maxamed Xirsi Oomane, gaadiidka hortaagan iyo dadka is weydaaranaya ee ay dacwaduhu ka yaalaan maxkamada dalka waxaad moodaysaa in aad hortaagan tahay huteelada waayeyn ee Hargeysa oo lagu qabanayo xalfad heer qaran ah.

 

Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Maxaa Sababay Inay Somaliland Noqoto Waddo Halag Oo Ay Batalyano Ciidamo Hubaysan Ahi Si Fudud Uga Gudbi Karaan?

 

Waxaa taa lagu macnayn karaa habacsanaanta ka muuqata xukuumadda cusub oo la mid ah siddii Qarandidii Dayax oo shan iyo toban ah tidhi BILEEY BIL KHAYR.

 

Maah maah Soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda Is ilaalinta ayaa ka wanaagsan is daaweynta.

 

Isku soo wada duubo marka ay xeedho iyo fadhaal kala dhacaan waxba soo kordhin mayso guddi la magcaabaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Daakhiliga Oo Xukuumaddiisa Ka Difaacay Eedo Mucaaridku Uga Soo Jeediyey Maleeshiyo Xeebaha Galbeedka S/land Ka Soo Degay Oo U Talaabay Ethiopia

“Xeebaheena Gaar Ahaan Halkan Maanta Laga Soo Dajiyay (Maleeshiyaadka), Hore Waxa Loogu Tuhunsanaa Shidaal,Tahriib Iyo Hub Inay Hore Uga Socdeen Dhacdadani Maaha Mid Kow Ah Ee Waa Mid Daah-furtay Oo Fashilisay Jidkii Hore” Wasiirka Daakhiliga Dr. Gaboose

 

Hargeysa, September 16, 2010 (Haatuf) – Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka difaacay xukuumaddiisa eedo ay mucaaridku uga soo jeediyeen Maleeshiyo hubaysan oo bishan 10-keedii si qarsoodi ah uga soo degay xeebaha galbeedka Somaliland gaar ahaan xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya.Wasiirku waxa uu sheegay in aanay Amaanka dalka kaga Mashquulin marnaba xilalka iyo magacaabista xukuumadda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this