Abwaan Posted August 22, 2007 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf” Waxaan fahamsanahay in Jendayi Frazer ka been sheegtay Dowladayda, Anaga Saxaafadda waxaan siinay xoriyad” Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa cambaareeyey warbixintii hay’adda dhowrista xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ee ku eedeenaysay dhamaan qeybaha ku lugta leh rabshadaha ka socda dalka Soomaliya inay mas’uul ka yihiin xadgudubyada baahsan ee ka dhanka bani’aadamka. C/llaahi Yuusuf oo haatan ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isla markaana hay’ada warka soo saartay ay aaminsan tahay in xadgudubyada ka dhacay Soomaaliya badankooda ay ka dhaceen Muqdisho ayaa Madaxweynuhu sheegay in kooxaha muqaawamada ay tahay in lagu cambaareeyo xadgudubyada xaquuqda aadanaha ee ka dhacay Soomaaliya. Hay’adda dhowrista xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxay ku sheegtay warbixinteeda in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay bam-gareeyeen gobo ay degan yihiin dad rayid ah si aan kala sooc laheyn. Warbixintan oo horey si wada jir ah u diideen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Maxkamadihii Islaamiga oo warbixinta qeyb kaga jiray ayaa haddana diidmada Madaxweynaha Dowladda Federaalka waxay qeyb ka tahay sida kooxaha Soomaalida mar kasta u diidayaan in lagula xisaabtimo waxyaabaha dalka ka dhacaya. Sidoo kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa iska fogeeyay oo diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Jendayi Frazer, gabadhaas oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay caburinayso Saxaafadda xorta ah,wuxuuna yiri Madaxweynuhu in Jendayi runta ka been sheegtay. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com This Page! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 22, 2007 And I thought they schooled him about practicing America’s courtesy when addressing her top diplomats. Old habits die hard indeed . Or is it a case of : Dammeeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 22, 2007 Originally posted by xiinfaniin: Or is it a case of : Dammeeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa! loool...the old guy slept in 1960 something markaas baa iskuul ugu dambeysey...intii ka dambeysey qaxar, cabsi iyo halaag buu ku dhammaystay. Quote Share this post Link to post Share on other sites