Sign in to follow this  
General Duke

Asmara group angry at not getting invited Saudi response

Recommended Posts

jedah.jpg

Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo gaashaanka u daruuray heshiiskii Jeddah

Last Updated::2007-09-17 22:56:25

 

Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu gaashaanka u daruuray heshiiskii ay xalay qalinka ku duugeen masuuliyiintii DFKS iyo hogaamiyashii dhaqanka ee ku sugan magaalada Jeddah

Sheekh Sharif oo dhowaan loo doortay ururka dib u xoraynta Somaliya oo u warramayay laanta afka carabiga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskani uu san ahayn dadaal loo qaaday dhinac dib u heshiisiinta ,waxana uu sheegay in shirkani uusan ahayn mid dib u heshiisiined bals uu ahaa mid dadka lagu kala qaybinayay .

 

Sheekh Sharif waxaa uu intaa ku daray in walaalaha Sucuudiga laga filayay in ay garab istaagan walaalahooda Somaliyeed balse ay u muuqdeen in ay xoojinayaan heshiiskii fashilmay kaas oo bur burinaya waxa ka haray midnimadii Somaliya

 

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Sucuudiga oo si kulul uga jawaabtay waxa ay u casumi wayday kooxaha mucaaradka Somalida

Last Updated::2007-09-17 23:15:42

 

Maxamed Alsofa oo ah xubin ka tirsan golaha Shuurada ee dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabay sababta ay dawlada Sucuudiga casumaad ugu fidin wayday--

kooxaha mucaaradka ku ah dawlada Somaliya maadaama ay dalkeeda ku casumtay DFKS talaabadas oo qayb ka ah dadaalka dib u heshiinta Somaliyed

 

Waxaa Maxamed Alsofa uu sheegay in dadka Somaliyeed ee ay dawlada Sucuudigu casumaada u fidisay ay yihiin aqlabiyada Somalida kuwaas oo xal waara u raadinaya dadkooda ,kooxaha kale ee mucaaradka ahina aysan ahayn kuwa ka muhiimsan dhinaca uu Sucuudigu casumay .

 

Waxana uu intaa ku daray in ururada Islaamiga ah meel kasta oo ay joogaan aysan lahayn aragtiyo ay ku xalinayaan mashaakilada jira ,waxana uu intaa raaciyay in madaxweyne Cabdulahi Yusuf uu ku baaqay in Somaliya loo diro ciidamo african ah iyo kuwa carbeed oo nabad ilaalin ah loo diro Somaliya kuwaas oo hoostaga QM

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Sacuudiga oo sheegtay in kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya aysan muhim ahayn iyo Sheekh Shariif oo warkaas ka jawaabay

 

{Somaaljecel News Network} Jiddah/Casmara:- Sarkaal u hadlay Golaha Shuurada ee Wadatashiga dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Muxamed Al-Zofa ayaa guul ku tilmaamay go'aankii Boqortooyada Sacuudiga ay ku casuuntay madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyada Soomaalida ee shirkii Muqdisho lagu qabtay ka qeyb galay.

 

Al-Zofa waxa uu sheegay in aysan muhim ahayn in dowladdiisu casuunto kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, waayo ayuu yiri kooxaha mucaaradku waxay ka mid yihiin dadka Soomaalida, mana aha wax sidaa u tiro badan, laakiin dadka ku kulmay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa ah buu yiri intii ugu badneyd dadka Soomaaalida, kuwaasi oo sida uu sheegay xal u raadinaya dhibaatooyinka dalkooda ka taagan.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna gaashaanka u daruuray oo ku sheegay mid aan waxtar laheyn heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo xubnaha dhaqanka ay ku saxiixeen magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Isagoo Wareysi gaar ah siinayay laanta afka carabiga ee BBC-da ayaa Sheekh Shariif oo sidoo kale ah Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxkamadaha Islaamiga ah, waxa uu ku sheegay in wadahadalada Jeddah aysan matalin dadaallada la doonayo in loogu guuleysto dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

"Ma jirin wax dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Soomaaliya, shirka la sheegay inuu Muqdisho ka dhacayna waxa uu ahaa shir dadka lagu kala qeybinayay" ayuu yiri Sheekh Shariif oo sidoo kale sheegay in wax dowladda ah aysan ka jirin dalka Soomaaliya, dalkana ay ka taliyaan ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay dalka.

 

Isagoo ka hadlayey Heshiiskii Jeddah ayaa waxa uu Sheekh Shariif yiri "Walaalaheena Sacuudiga waxa laga filyayay inay garab istaagaan walaalahooda Soomaaaliyeed, laakiin hadda waxa ay u muuqataa inay doonayeen inay sare u qaadaan shirkan fashilmay ee murugada leh, si loo burburiyo midnimada Soomaaalida".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this