Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Wadahadal maanta Jowhar uga bilaabanaya Puntland iyo Dowlada Federaalka

Recommended Posts

Wadahadal maanta Jowhar uga bilaabanaya Puntland iyo Dowlada Federaalka.

 

 

Warkii: Sep 30, 2005

 

Jowhar:- Maanta ayaa lagu wadaa in ay magaalada Jowhar ka bilowdaan wadahadalada ay yeelanayaan dowlad Gobaleedka Puntland iyo Dowlada Federaalka.

 

Wadahadaladan ayey ka qeyb geli doonaan xubnaha matalaya dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Puntland iyo Guddi uu dhawaan ku dhawaaqay Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Federaalka Cabdalla Deerow Ishaaq .

 

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay ka munaaqashoodaan arrimaha khayaaraadka dabiiciga ah oo ay dowlada Puntland ku talo jirto in baaritaano lagu sameeyo.

Illaa iyo hada labada dhinac ayaa carabka ku haya in shirarkan uu wadatashi yahay isla markaana ka gaabsanaya in ay ka hordhacaan waxa kasoo bixi doonaa shirarkan.

 

Wafdiga ka socda Puntland oo shalay soo gaaray magaalada Jowhar ayey kamid yihiin:

Md.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiirka Maaliyadda Puntland.

 

wafdiga_Puntland_ee_yimi%20_jowhar.jpg

 

Md.Cabdullaahi Cali Xirsi, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

 

Md. Cabdiraxmaan Dhegaweyne, Wasiirka Caafimaadka.

 

Md.Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle Geesood, Wasiirka Warfaafinta.

 

Md. Barkhad Cali Saalax, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

 

Xubnahan oo kasoo dhoofay shalay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, ayaa waxaa shalay kusoo dhaweeyey Airporka Magaalada Jowhar wafdi ka socda dowlada Federaalka.

 

Xubnaha ka yimid Puntland ayaa lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar in ay la kulmaan madaxda dowlada Federaalka ee Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

 

mad_geedi_iyo_wafdiga_puntland.jpg

 

Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa khilaaf xoogleh soo dhexgalay kadib markii Puntland ay heshiis la gashay shirkad shisheeye oo baaritaan ku sameysa macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

 

Xasan%20_Abshir.jpg

 

Arrintaasi ayey dowlada Federaalka ku tilmaamtay mid loo baahan yahay inay ayadu noqoto midda maamusha dhamaan wixii khayraadka dalka Soomaaliya ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this