General Duke Posted September 7, 2009 Buug Cusub: Daahfurka Taariikhda Xaaji Cali ********** Posted to the MOL September 3, 2009, 8:38 pm Waxaa Xaflan Daahfur Buug oo aad loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Horumarka iyo Cilmibaarista Punland (Puntland Development and Research Centre). Daahfurkaasi wuxuu ku saabsanaa buug cusub oo ka hadlaya taariikhda Faqiic, Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali **********). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise. Xaaji oo ahaa Caalami noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale. Xafladda waxaa furay madaxa PDRC, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, isagoo u mahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo qoraagaba, muujiyayna sida uu ugu faraxsan yahay in Daahfurkaan lagu qabto xarunta uu madaxda ka yahay. ka dib waxaa hadalkii qaatay laba aqoonyahan oo kala ah Hormuudka Kulliyada Waxabarshada ee Garoowe (GTECH) Dr. Cabdirasaaq Shoole iyo Dr. Cabdulqaadir Cabdi-Khadar Nuur, iyagoo labada aqoonyahan ay ka mid ahaa dadkii soo akhriyay buuga labadiisa qaybood ee carabiga iyo soomaaliga ah, iyagoo sharaxay nuxurka buugga iyo sida ay u arkaan iyo baahida loo qabo taariikhaha dadkii soomaaliyeed ee magaca weyn bulshadooda ku lahaa in la qoro walibana loogu magac daro goobaha muhiimka ah ee bulshada si loo xasuusto looguna hirto wanaagoodii Kadub waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Shiikh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna faahfahin dheer ka bixiyay buugga oo uu sheegay inuu uruurintiisa bilaabay 1957. Wuxuu Sh. Aw-Jaamac tilmaamay in buugaani uu taabanayo oo keliya qaybo ka mid ah taariikh nololeedkii xaajiga, xog badanina maqan tahay meelaha uu wax ku tuhmayo oo hadda wax laga heli karana ay ka mid tahay Bombay oo masajid uu xaajigu dhisay ku yaal, Zinjibaar oo iyadan xog badan laga heli karo iyo gabar masaari ah oo macalimad ka ah kuliyad beeraha ah oo maqaal ay soomaaliya ka qortay ku soo qaadatay gabay carabi ah oo uu tiriyay oo aan lahayn qaybo ka mid ah. wuxuu kaloo qoraagu codsaday cid kasta oo xog ka haysa inay u soo gudbiyaan, sidoo kale cidii ku aragta wax khalad ah buuga inay u soo gudbiyaan. ka dib su'aalo ayaa laga waydiiyay waxyaalihii uu ku qoray buugga iyo meelaha uu ka helay xogaha ku jira. Intaa kadib waxaa daahfurkii erayo gunaanad ka soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxaa. Buuga waxaa hada lagu iibinayaa oo qudha gudaha dalka , iyadoo la filayo inuu dhawaan soo gaari doono wadamada ay ku sugan yihiin qurba-joogtu. Wixii taariikh kooban ah oo ku saabsan Xaaji Cali iyo Musanafaadkiisii (Kutubtii Islaamiga ahayd ee uu qoray) waxaad ka heli kartaa: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted September 8, 2009 Woow Masha allah. I have been waiting almost a year for this book. Thanks for posting this Duke Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 8, 2009 You welcome sis, Haji Ali is an important historic figure and his story should be told to this generation. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 8, 2009 where i can get hold of copy - source please? it would be interesting to see what it adds to the oral bit and pieces and whether or not it includes all the myths about him?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted September 8, 2009 The book was needed, as I myself not so long ago indeed have been going by Haji Cali Cabdirixmaan's nick of Sheikh Fikhikhyarre in here. Sayid one should know that is if he is to be taken serious in the literature scene of our country, one should have known atleast that the author of this great book is a Legend himself and that by him calling as he did a few months back in London, that all the somali literature lovers indeed beat themselves to it, as he's one amongst the biggest literture celebrities the country has and indeed a national asset as that. A few years back when he came to Garoowe, the streets were lined and Adde Muse and Afqurac with the rest of the Puntland Government were indeed welcoming him a hero's welcoming with the Somali blue and white star overwhelming the airport and the city itself the same with his Bosaso arrivial. He is a halyeey and national treasure of literature and a jewel amongst Somali history readers, in fact he is the one and only legendary figure of Aw Jaamac Cumar Ciise. Be not doubtful therefore that he will deliver and to none you should have more respect and reverence in Somali literature in general and history literature in particular but to him, Mudane Aw Jaamac Cumar Ciise. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kyz Posted September 8, 2009 Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayyadii Sh. Cali Cabdiraxmaan FiqqiKhayrre (Sh.Cali), tiriyey abbaarihii sannadkii 1835tii badhtamihii Sh. qarnigii 18aad. Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada. Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay. Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye. Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene Sabab bay idiin noqon mar ay badan su’aashiiye. Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa. Xayteen Allaa xaakimoo xukunki juusaaye Wax Xadiiska laga sheegayaa xaal aan fududayne Xisaab li’i wax loo geyn Jannada nimuu xoreeyaaye Bal xusuusta xaashida wax dhigan nin iyo xaalkiisa. Khayteen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaarnaane. Deelyeen daliilkii cilmigu waa kan daahiraye Daarahakan loo baxay mar bay wada dumaayaane Intaan mawdku soo degin intaan dabaqa lays geynin Nin walaw naftaada u dedaal Aakhiraa darane. Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna. Siinyeen sidaad aadmi tahay waad silloontahaye Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy seegtay taladiiye Nin waloo suldaan ihi ka socoy soof wuxuu dhaqaye Sakadayska bixi yaad ku dhicin solayga Naareede. Shiinyeen shar baa loo kiciyo shuqul an toosnayne Sharcigii Ilaah laga tegyoo looma soo shiro e Aakhiro wexeer sharrax u dhigan waa shiddiyo khoofe Shayddaan ha raacina ayuu shaal idiin luline. Saadyeen wax saadiqa ninkii soomay Ramadaane Sadaqo u ratiba waalidkiin waydin sugayaaye Ninba saaka wuxuu geystey baa saaddanbaw imane Salaaddana ha deynina Jannaa la isku siiyaaye. Dayteen wax doornimo la biday col iyo duullaane Nin waliba anaa duul batuu dad ugu faanaaye Wixii dunida joogiyo la waa dawladii sare e Dabka baxaya yaan laysku ridin deregga hooseeya. Caynyeen nin caasiyey Ilaah cadhadi waw meel e Cunsur oo dhan baa lagu ridaa lagu ciqaabaaye Cilmigiyo Quraankiyo intii caadadii Nebiya Bal cuskada Allaa caaddiloo inna caqiibayne. Qaynyeen maxaa laga qoslaa qaylo waa badan e Maantii Qiyaamuhu dhecee ruuxa laga quusto Ninba qayb wuxuu falo markii qoorta loo geliyo Allahayow dartaa nagu quwee Qaaddir waa adiye. Fayteen anaa faro leh iyo labo fadhdhoo geel ah Haddii faan waxtaro gaaladaan lagu fidneeyeene Wax ka fiican Naartiyo ninkii laga fogeeyaaye Bal fekera wexeer idinku furan hawsha faraheeda. Qaafyeen qubuurahani waa wada qabiilkiine Haddaad qooshkan mooddeen inaan layska qabanaynin Qadka waxaan ku dhaartaa inaan qolona waarayne Qalbi li’idinaa soo ma arag galabba waa qayre. Kaafyeen Kariimow adaa noo karaamadaye Kurbi adag ninkii qabeyba wuu ku cuskanaayaaye Wixii jiraba waad kaafidaa keli ahaantaaye Allow naga kalkaal dunidatani waa kabaal jabaye. Laanyeen lihiin ma lihinoo kuma lulmoodtaane Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne Nin laxaad lehow haysu filin inaadan laabmeyne Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye. Miinyeen Macbuudow adaa lagu muraadaaye Mulkigaaga adigaa leh oon lagugu maagayne Adigaa masiibada ceshoo noo miciin fala e Allahayow ku soo magangalnoo kuu martaan nahaye. Nuunyeen niyaayiro la waa nolol la eegaaye Intay nabaddu joogtaa arlada lagu nimcaysnaaye Nabsigeed hadduu galay muggeer gelinba waa nooce Neeryaa Ilaah soo rogiye yaan niyo xumaysnaane. Wowyeen werdiga lama maqloo waano laga baydhye Asaxaabihii kuma warramin waxaydin yeeshaane Wanaag kuma galaan xoolahaan xaq u wanbaarnayne Wariisada wexeedii la cunay Weyne ma illaabo. Hayteen kuwii hodon ahaa haatan waa dane e Iyaguba waxay hayn jireen wayagaa huraye Hawo been ah lama raaco iyo hal aan ku haynayne Waxa haybaddii helay Ilaah nimuu hadeeyaaye. Yayteen an yaabaye maxaa yaradka loo qaatay Wixii laga yakhaafoba maxaa loogu yididiishey Nin yatiin dulmiyey Aakhiraa laga yamxeeraaye Allahayow yaqiin lama hayee noo yassir amuurta. -------------------- Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna Quote Share this post Link to post Share on other sites