Sign in to follow this  
MoonLight1

Breaking News: Alshabab HI kicked out of Mahadaay.

Recommended Posts

War deg deg ah: Ciidamada Maxaakiimta Islaamka oo dib ula wareegay goor dhoweyd degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe oo saaka ay dagaalo ka dhaceen

 

Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa goor dhoweyd abaarihii 9:00 subaxnimo ee saaka la wareegay maamulka iyo gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ka dib dagaalo muddo kooban socday oo halkaasi ku dhexmaaray iyaga iyo xoogaga Xisbul Islaam ee halkaasi labo todobaad ka hor qabsaday, sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan.

 

Dagaalkan oo bilowday ka dib markii ciidamada maxaakiimta Islaamka ay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen degmadaasi ayaa keenay in halkaasi ay isku fara saaraan iyaga iyo ciidamadii horey degmada ugu sugnaa ee ururka xisbul Islaam, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayeen dagaalka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiic darayankooda laga maqlayo goobo ku yaala hareeraha degmadaasi waxaana warar daqiiqado ka hor soo baxay ay sheegayaan in ciidamada maxaakiimtua la si buuxda ula wareegeen degmadaasi laguna arkayo wadooyinka iyo Suuqyada degmadaasi iyagagoo wata gaadiidka dagaalka,

 

Macalin Daahir Cadoow Calasow oo ahaa Gudoomiyaha maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ay in ay kala eryeen xoogagii halkaasi ku sugnaa ka dib weerar ay ku qaadeen degmadaasi isla markaana la wareegeen xoogaga Maxkamadaha islaamiga, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu weli ka socdo duleedyada degmadadaasi lamana oga ilaa hada qasaaraaha ka dhashay dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha islaamiga ee taabacsan dowalada kmg oo dib uga laabtay magaalada Mahadaay oo ay saakay la wareegeen iyo Ciidamo ka tirsan Al shabaab oo degmadaasi gaaray.

 

Posted: 6/4/2009 8:23:00 PM

Shabelle: MAHADAAY

 

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee taabaxsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa dib uga laabtay degmada Mahadaay kadib markii saakay ay la wareegeen degmadaasi.

 

 

 

Dagaal degmadaasi ka dhacay ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay ilaa 3-ruux oo ahaa dhinacyadii halkaasi saakay ku dagaalamay.

 

 

 

Gudoomiyaha maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Sh/dhexe Sheekh Daahir Cadoow Calasoow oo saakay Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay degmada Mahadaay uu ahaa in ay la galeen kooxo uu ku tilmaamay in ay yihin Islaam diid sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Kadib markii ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan dowladda KMG ay barqanimadii maanta isaga laabteen degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa kadib waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa ka tirsan Xisbul Islaam.

 

 

 

Gudoomiyaha Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe Sheekh C/raxmaan Xasan Xuseen ayaa insa xili uu la hadlayay Idaacada Shabelle waxaa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay sugaan Ammaanka dadka ku dhaqan degmada Mahadaay oo uu sheegay in ay qal qal galiyeen ciidamadii saakay weerarka ku soo qaaday.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u kacsan xiisadda degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe,waxaana qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool soo fod saartay cabsi ay ka qabaan in dagaalo ay halkaasi ka dhacaan maadaama sida la sheegay labada cidanba ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH:Dagaal Xooggan oo goordhow ka qarxay degmada Hodon & barakac baahsan oo halkaasi ka socda.

 

 

(04-06-2009)Xaafadah a Tarabuuka, Taleex, & Kasa pp., ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda & kooxaha ka soo horjeeda, waxaana leysku adeegsanayaa hub aad u culus iyadoo uu dagaalku ku soo siqayo dhinaca Afrikan Village.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa weerar dhowr jiho uga qaaday kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo xarumo ku leh degaanada uu dagaalku ka dhacay.

 

Wararka na soo gaaraya qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay la wareegeen Saldhigga degmadaas Hodon iyo dhowr goobood oo kale, waxaana dagaalku uu weli u socda si xowli ah iyadoo labada ay kala helayaan gurmadyo caabboon.

 

Weli lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaan ka socda degmada Hodon ee soo gaarey dadka rayidka ah, marka laga reebo laba ruux oo dhaawac iyagoo ah jidadka laga qaaday.

 

Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku haray degaanada Hodon, ayaa bilaabay iney si dhuumaaleysi ah uga baxsadaan guryohoodii iyagoo is biimeynaya.

 

Dagaallada ka socda Muqdisho ayaa u muuqda ii soo buur aan kuu soo buuree, welina lama hayo qolo intey meel qabsatay ku negaatey ilaa iyo intii ay dagaalladaani bilowdeen.

 

http://dalkanews.com /news.php?readmore=4 187

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this