Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Presidents of Somalia, Puntland state Djibouti hold talks: PICS

Recommended Posts

Ismaaciil Cumar Geelle oo qaabilay C/laahi Yuusuf & Ge.Cade Muuse

 

Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qasriga madaxtooyada Jabuuti wuxuu ku qaabilay madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cade) oo iyagu maanta gaaray wadanka Jabuuti.

 

Lama sheegin ilaa iyo iminka waxyaabaha dhabta ah ee ay ka wadahadleen sadexda madaxweyne waxaase la sheegay in kulankaasi uu yimid ka dib markii Ismaaciil Cumar Geelle uu marti qaad u fidiyey C/laahi Yuusuf iyo Gen.Cade Muuse.

 

Warar aan si buuxda shaaca looga qaadin ayaa sheegaya in kulankaasi lagu soo qaaday arimaha Soomaaliya gaar ahaan hanaanka dib u heshiisiinta ee ka soconaysa wadanka Jabuuti ee ay wado Qaramada Midoobay, iyadoo kulankan uu ku soo beegmayo xili ay Madaxweynaha DFKMG ah iyo Madaxweynaha Puntland siyaabo kala duwan u mucaaradeen natiijada heshiiskii Jabuuti, waxaana ay ku tilmaameen heshiiskaasi in uu yahay mid aan dan ugu jirin ummada Soomaaliyeed, isla markaana ay saxiixeen sida hadalka loo dhigay dad aan matalin shacabka Soomaalida.

 

Fartuun Cali Axmed

SBC International Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda federaalka iyo Puntland oo ka dhoofay magaalada Garowe

Horseed Media

Garowe

 

Madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi ayaa saaka ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Kanooko ee magaalada Garowe.

 

Mas’uuliyiin ku dhow dhow madaxtooyada ayaa Horseed Media u xaqiijiyay in labada mas’uul ay u ambabaxeen dalka Jabuuti ka dib markii ay casuumad ka heleen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa ay ku saleysan tahay casuumadda, iyadoo magaalada Jabuuti uu ka socdo kulan dhexmarayo dowladda kmg ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Heshiiskaasi ayaa qodobo ka soo baxay ka mid ahaa awood qeybsi oo ay dowlada Puntland xalay ku gacanseyrtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo saakay ka duulay Garoowe

4. December 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa saakay ka ambabaxay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Garoowe, iyadoo safarka labada mas’uul iyo wafdiga ay hoggaaminayaan uu ku wajahnaa dalka Jabuuti sida ay ku warameen xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

 

Madaxweyneyaasha Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa safarkooda uu ahaa mid la qorsheynayey, iyadoo aan la ogeyn ujeedadiisa hase ahaatee warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in marka ay Jabuuti gaaraan kadib ay u sii duuli doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halka warar kale ay tilmaamayaan in laga yaabo iney u sii gudbaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Gen. Cadde Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shalay shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa uu ugu soo horjeestay heshiiskii ay dhawaan ku gaaraan dalka Jabuuti Ergada madaleysay Dowladda KMG iyo Mucaaradka Asmara garabkiisa Jabuuti, waxaana arintan siyaabo kala duwan ay dadka Puntland u arkeen in ay tahay siyaasad cusub oo ku soo korortay Puntland.

 

Dhinaca kale waxaa Madaxweynaha Dowladda KMG mudadii uu ku sugnaa magaalada Garoowe wuxuu kulamo kala duwan uu la yeeshay Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Puntland, Isimada iyo waxgaradka kale oo uu kaga hadlayey arrimaha doorashooyinka ee dhici doono bilowga sanadka dhalan doona.

 

Wadahadalo uu Madaxweynaha Federaalka ku doonayey in uu ku dhexdhexaadiyo musharaxiinta iyo Xukuumadda, guul daro ku dhamaadeen kadib markii uu Madaxweyne Yuusuf ka horyimid qodobo ay musharaxiinta doonayeen in wax laga badalo, kuwaasoo ku saabsanaa doorashada la qaban doono iyo soo xulida baarlamaanka Puntland.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool we have already rejected it adeer & no one can force ina Yusuf Yey go ask Mesfin & Melez.. :D

 

President Yusuf came to Djibouti in his own time and style where are all the naysayers talking about he was not able to come there. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

8_8.jpg Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla

 

9_3.jpg Xasan Daahir Afqurac oo ah Madaxweyne ku Xigeenka Puntland iyo Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi Cade .

 

7_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djibouti: Madaxweynaha Dowladda KMG oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

4. December 2008

 

Djibouti(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo gaaray Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xernaa.

 

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda Djibouti, kaasoo socday mudo Labo saacadood ah, ayaa waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in labada dhinac ay ugu hadlayeen Shirkii dib u heshiisinta ee dhawaan Djibouti ku dhexmaray Dowlada KMG iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta garabka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sh. Axmed, iyadoo si weyn ay ugu hadleen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jibouti wararka sheegaya in Madaxweynaha DKMG uu ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan dhex maray mucaaradka iyo dowladda.

 

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tegay dalka Jibouti ayaa wuxuu la xariiraa casuumaad uu Ismaaciil Cumar Geelle u fidiyay dhigiisa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo shalay naftiisa qaadacay heshiiskii Jabuuti.

 

Wax faah faahin ah lagama soo bixin kulanka Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jibouti, waxaana kulankaasi ku wehliyay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse, inkastoo wararku ay sheegayaan in Yuusuf iyo Cadde loogu yeeray sidii ay u taageeri lahaayeen heshiiskii Jibouti isla markaana sare loogu sii qaadi lahaa dib u heshiisiinta.

 

Madaxweyne Yusuf iyo xubnaha ku weheliya safarkiisa ayaa waxaa la filayaa inay maalinta berri ah ka ambabaxaan Jamhuuriyadda Djibouti, iyagoo dalal kale oo deriska ah u sii gudbi doona gaar ahaan waxaa la hadal hayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

 

AllPuntland, Djibouti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this