Sign in to follow this  
General Duke

HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHOW

Recommended Posts

HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHOW HA ISKU DAYINA INAAD SACABADIINA KU MOOSTAAN WEBI SOO FATAHAY!!

 

 

Haddii malaayiin Soomaali ah oo ay si weyn u dilootay dhibaatadii xanuunka badneyd ee dalka ka dhacday mudadii 14-ka sano ahayd u ooman yihiin nabad, dib u heshiisiin iyo Dowlad Qaran oo samatabixisa, waxaa jira kooxo fara ku tiris ah oo diidan in la helo nidaam, kala dambeyn iyo adeegsiga sharciga, dhufeys adagna ugu jira inaan marnaba laga tallaabsan xaalada maanta taagan oo ay u arkaan inay maslaxadooda ku jirto.

 

 

Isbedelka iyo guur guurka wakhtiga ayaa sal u noqday in hannaanka ugu sahlan ee maanta masraxa siyaasadda lagu soo fuuli karo uu noqdo adeegsiga Qoriga iyo dhiig daadinta, bal dib u raac taariikhda dagaal oogayaasha maanta Wasiirada noqday ee diidan in dib loo unko dhismaha Qaranka, midkoodna maka dhex muuqday siyaasadii Dowladnimo?, 14-sano kahorse maxay ahaayeen?, waxaa kuu muuqanaya inay ge-bigoodba daaqada ka soo galeen masraxa siyaasadda kaddib ridistii xukuumadii Kacaanka, kuna soo caan baxeen habka fowdada ku dhisan.

 

 

Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee Muqdisho waxay iminka ku sugan yihiin xaalad jaha wareer ah, iyadoo durba ay hareysay rajo mugdi ah, waxaana dhabarjab weyn ku dhacay kolkii ay waayeen ifafaalaha iyo gacan haatintii beenta ahayd ee uga imaaneysay kooxo isugu jira siyaasiyiin fashilantay oo masraxa siyaasadda ku hungoobay, Ganacsato beeleed iyo ururro diimeedyo ujeeddo kala gaar ah leh.

 

 

Hoggaamiyeyaasha dagaalka haddii shalay shacabku ugu garba duubnaayeen beer laxawsi qabiil, maanta waxaa dhacay isbedel mug leh, waxayna shacabku u guntadeen inay gartaan halka ay dantoodu ku jirto taasoo ah taageerida iyo u hiilinta Dowladda Federaaliga ah ee ka soo ifbaxday shirkii mudada dheer loo fadhiyay ee uu EEBBE ku guuleysiiyay inta ay daacada ka ahayd daba qabashada inta ka hartay shacabka.

 

 

Geesinimadu ma aha sida ay dad badan u qaateen oo ah inaad ku adkeysato oo aadan dhanna uga nuuxsan mowqifkii aad hore u taagneyd, oo waa inaad wax badan ka tagtaa oo aadan ku hungoobin riyo dhalanteed ah, waxaana hoggaamiyeyaasha dagaalka ee Muqdisho la gudboon inay garwaaqsadaan inuusan haatan fikirkoodu miradhal noqoneyn, dhankoodana ay ka raacaan Tareenka nabadda inta aan meel cidlo ah looga tegin.

 

 

Baaqii 29-ka qodob ka koobnaa ee ay soo saareen hormuudkana u ahaayeen hoggaamiyeyaasha awooda Ciidan ku leh magaalada Muqdisho 12/3/05 wuxuu u muuqday awr kacsi siyaasadeed, iyadoo ruug cadaayada salka iyo baarka kala socda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ay durbadiiba caddeeyeen in qorshahan uu noqonayo Webi bacaad ku dhammaaday, haddii hoggaamiyeyaashani ay Muqdisho nabadeyn karaan maxaa ka hor istaagay mudadii 14-ka sano ahayd, xageyse ku dambeysay colaadii loo caal waayay ee sababtay in Mu-qdisho qeybo yar yar oo ay qabaa’ilo iyo hoggaamiyeyaal ka kala taliyaan u kala jajabto, aqrrinta xalay dhalay laga dhigay xal ma keeni kartaa?.

 

 

Bandhigga Mashruuca nabadeynta iyo dhismaha maamulka G/Banaadir waxaa fashiliyay markii 27/3/05 Cumar Xaashi Aadan iyo 9-xubnood oo uu hoggaaminayo ay Muqdisho soo gaareen, iyadoo la ogyahay in Cumar Xaashi awood siyaasadeed iyo mid Ciidan toona uusan ku lahayn magaalada Muqdisho, wuxuuse iska dhex jibaaxay Barnaamij uusan fulin karin isagoo garabsanaya shaqsiyaad aan ehel u ahayn siyaasadda isla markaana aan u dhalan degaanka, sida Firimbi iyo Shaawey oo kala sheegta Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada oo ay Saxaafadda aan aqoonta lagu saleyn u caleema saartay.

 

 

Dowladda Federaaliga ah waxay ku qasban tahay inay soo degto magaalada Muqdisho caasimada dalka, waase goormee?, Marka uu isbedelo muuqaalka maanta jira, waana ma dhacdo inay Dowladdu megen u noqoto maleeshiyooyin beeleedyo ka amar qaata kooxaha hadafkoodu yahay KOR iyo HOOS danna aan ka lahayn dhismaha Qaranka iyo samatabixinta shacabka, hore ayaa loo yiri «Waxaan daacad ahayn dabadey ka xumaadaan», ragga Muqdisho nabadeynteeda iyo maamul u sameynteeda fikirkeeda wata, kuwa ku dhawaaqay iyo qaarka loo xilsaarayba ma aha kuwo u daneynaya shacabka, waxayna wataan ujeeddooyin siyaasadeed, waxaanse gabagabadii leeyahay: HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHOW HA ISKU DAYINA INAAD SACABADIINA KU MOOSTAAN WEBI SOO FATAHAY!!.

 

W/Q: Muuse Max’ed Cusmaan

 

muusekiimiko@hotmail.com

 

muusekiimiko@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this