Sign in to follow this  
General Duke

Demo's meetings in support of agreement break out in Somalia

Recommended Posts

Xaflad Logu Taageerayo Heshiiskii Jabuuti oo Kadhacday Boosaso.

 

 

Kulankani oo ujeedada loo soo qaban qaabiyey aheyd Taageerida hishiiskii ay ku gaareen magaalada jabuuti DFKMG iyo Mucaaradka ayaa maanta lagu qabtey hoyga laga maamulo Degmada Bosaso ee xarunta G/Bari.

 

Maamulka G/Bari wasiiro katirsan DGPL qaybaha kaladuwan bulshada kudhaqan mag bsso ayaa goobjoog ka ,ahaa kulan ka lagu ayidayo hishiiskii jabuuti lagu gaarey magalada jabuuti.

 

Kulankan taageerada ah Eemaanta lagu qabtey xarunta D/hoose ee Magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari waxaa masuuliyiintiikasocotey DGPL kusoo dhaweeyay gudoomiyaha G/Bari Muuse geele yuusuf faroole oo isagu ah masuulka ugu sareeya G/Bari.

 

Goobta xaflada kasocotey marqura waxaa sawaxankeeda kiciyey lataliyaha Madaxweynaha DGPL Barqad Cali Saalax oo goobta munaasabada ay kasocotey dareen ahaan siweyn ukiciyey.

 

Wasiirka ganacsiga DGPL C/samad Yuusuf maxamed Abwaan oo goota kahadley ayaa sheegay in hishiiskani uu muhiim uyahay umada soomaaliyed hirgelinteedana lagala qeybgalo DFKMG iyo mucaarad Iasagoo sheegay in puntland ay tahay meelaha ugu horeeyo oo hishiiskaasi siweyn looga soo dhaweeyay.

 

Kulankan lagu taageerayohishiiska kadhacey xarunta dalka jabuuti ee maanta lagu qabtey Magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xili dalka soomaaliya oo dhami uu kasoconaya soo dhaweynta hishiiskii dhowaan kudhexmarey Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti.

 

C/xakiin Yuusuf Macalin

SBCInternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhahar: Dibad bax lagu taageerayey heshiiska ay wada gaareen Dowladda iyo Mucaaradka oo ka dhacay Dhahar

11. Juni 2008

 

Dhahar(AllPuntland)-Dibad bax lagu taageerayey heshiiskii lagu kala saxiixday dalka Jabuuti ayaa maanta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, dibadbaxaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Isimo, maamulka degmada iyo dadweyne fara badan.

 

Guddoomiyaha degmada Dhahar ee maamulka Puntland Salaad Xasan Shire oo ka hadlay dibadbaxaasi ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan qodobadii heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha Mucaaradka kaasoo uu ku tilmaamay mid horseedaya nabad ka dhalata dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha degmada Dhahar ayaa hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay taageeraan geedi socodka nabada dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in maamulkiisa uu u heelan yahay sidii loo dhiiri gelin lahaa dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay wada gaareen Dowladda KMG iyo Mucaaradka, Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo dhinaca nabada loo qaaday wuxuuna sidoo kale uu soo dhoweeyay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo la keeno dalka Soomaaliya, kuwaasi oo meesha ka saaraya joogitaanka ciidamada Itoobiya.

 

C.M.Cali

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oslo/10/june/shaaciye

bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool gobolka hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxeey siweyn u soo dhaweysay islamarkaan ay u taageereen shirka hordhaca ah ee shalay galinkii dambe ku kala saxiixdeen dalka jabuti DFKGS iyo isbaheysiga mucaaradka ah ee dib u xureynta soomaaliya.

 

hashiikaasi oo ahaa mid hor dhac ah ayaa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta gobolka hiiraan, waxaa ay shirkaasi u rajeeyeen mid miro dhala waxaayna sheegen in hadii sida loo saxiixay loo hirgaliyo lagu gaari karo guulo waxayna xuseen in labada dhinac looga fadhiyo in ay meel mariyaan hashiiskaasi hadii kale dalku uu jiridoono fowdada iyo walaahowga uu haatan ku jiro.

 

odayaasha iyo siyaasiinta reer hiiraan, waxay intaasi ku dareen in hashiiskani uu yahay mid lagu badbaadinayo umada soomaaliyeed oo mudo ku jirtay dhibaato waxaa ayna ka codsadeen labada dhinac in ay dalka iyo dadkuba u turaan oo ay siduu yahay u qaataan hashiiska iyagoo sidoo kale kooxaha haatan diidan hashiiskaasina ka dalbaday in ay badbaadinta umada soomaaliyeed ka qeyb qaataan badbaadinta dalka iyo umadda.

 

siyaasiyiinta reer hiiraan oo aay ka mid yihiin cabdi c/lle qujuc iyo siyaasiyiin kalaba waxa ay qabaan shirkani hor dhaca oo u horseedi karo nabad ku soo dabaalid gayiga soomaaliyeed oo dhan waa hadii sida loo saxiixay loo hirgaliyo.

 

si kastaba hashiiskan ayaa dhamaan umada soomaaliyeed waxaa uu galiyay yididdiilo hordhca ah oo looga gudbi karo dhibaatada haatan uu dalka iyo dadkuba ku jiraan.

 

c/raxmaan max'ed (xaam)

shaaciye.com

b/weyne

 

 

SHABAKADDA W. SHAACIYE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wind of Change By; Hussein Salad

Posted to the MOL June 10, 2008, 2:45 pm

 

This is my spontaneous reaction when I heard the peace accord between Somali TFG and the opposition (ARS). I have just started to jot down what ever came in my mind and decided to publish it to share with the millions of Somalis around the world that welcomed the accord as one tremendous step towards lasing peace. Congratulations to all Somalis!

 

 

Not matter how it goes on the ground; it will have a profound implication in the somali political theater. The impact that is irreversible. Both foes and friends of this accord will get their ammunition from the very document that is agreed upon. The choice is however to the Somali populace. Let us pray and hope the best.

 

 

For that I have give a tribute to Sheekh Sharif rather than any body else in this delicate and difficult moment in the Somali peace process.

 

 

As the most Somalis agree with me a leader of world class is born and is here today among us. To compromise for your people is a virtue and not a weakness.

 

 

A true leader is the one who is able to predict the future, prognosis it , prepares a plan and executes it.

 

A true leader is the one who sees what the masses can not see it.

A true leader understands the circumstances that govern in his ambient out of which he devices a schema that eases the suffering of his people.

 

I am here to give the due respect to Sheekh Sharif. I believe, he is has the potential to be the future Somali president. He belongs to the layer of one of the rare valuable beings that the Somali political spectra were lucking for the last half century.

 

For now, albeit, too early, we can breathe and thank the almighty to made this happen.

 

I don’t want to jump into conclusion and play fanfare as the mess of Somalia is still unbeaten.

 

However, the peace deal between the TFG and (ARS) is something that gives hope to all of us. This is very crucial and it deserves to be cheered for.

The wind of change is now blowing the Somali savanna landscape. The alternative is havoc and ordeal and it is repugnant to Allah and to the humanity

 

We need this and the Somali folk ought to have it. We need to live in peace as any other nation in the world without being subjected to arbitrary killings, torture, humiliation or persecution.

We need to be free nation as we used to be. Free from repression and from foreign interference and humiliation. A free nation that can fly the blue flag high, with white star in the helmet.

A nation that is not feared, but respected and counted in the international political arenas.

 

We need to be able to feed our people as we have one of the most prosperous land and longest shore in Africa. Yes, Somalis deserve better leadership than we have experienced so far.

 

Peace will prevail, and the opponents of the peace deal, native or foreigners, are the real loser’s in this historic and important moment in the Somali History.

 

I am here to sing the national anthem with very load voice

“ Soomaaliyey toosooo, toosoo isku tiirsada ee hadba kina taagdaraneey taageera weligiineey

 

Best Regards

 

/Hussein Salad, Riyadh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad bax lagu taageerayay Heshiiskii Jabuuti oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Baydhabo,(WNT):-Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah baarlamaanka federaalka somalia ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad bax aad u balaaran oo lagu taageerayay heshiiskii dalka jabuuti ku dhex maray dowlada federaalka somalia iyo isbahaysiga dib u xureynta somalia.

Dibad baxayaasha oo gaarayay boqolaal ayaa socod dheer ku soo maray xaafadaha ay magaalada Baydhabo ka kooban tahay iyaga oo markii dembe isugu soo uruureen xarunta Gobolka bay oo qudbooyin uga jeediyeen Mas'uuliyiin Maamulka ka tirsan.

 

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo taageero iyo baraarujin ah oo ku aadan heshiiskii ka dhacay dalka jabuuti waxaana erayadoodu ahaayeen kuwo qiiradi ku jirto.

 

Gudoomiyaha degmada baydhabo Xasan Biikole oo Dibad baxaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si weyn ugu riyaaqeen heshiiska buuxa ee dhex maray dowlada federaalka somalia iyo Isbahaysiga dib u xureynta somalia isaga oo ku nuux nuuxsaday in heshiiskaasi uu yahay mid mudan in la taageero.

 

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiskaasi dhex maray dowlada iyo Isbahaysiga uu ahaa mid soo celiyay rajadii shacabka soomaaliyed.

 

Sidoo kalena waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii dibad baxa ka qeyb qaadanayay iyaga oo sheegay in ay taagerayaan heshiiska isla markaana ugu baaqay dowlada iyo Isbahaysiga in ay heshiiskaasi ka dhigaan mid dhaqan gala.

 

Si kastaba dibad baxaani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca dalka somalia kaasi oo lagu teegeerayo heshiiskii dalka jabuuti ku dhex maray dowlada federaalka somalia iyo Isbahaysiga dib u xureynta somalia kaasi oo ay soo qaban qaabisay Q.M.isla markaan dowlada Jabuuti ay marti galisay.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAAQ TAAGEERO: Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Canada Oo Ayidey Heshiiskii Ay Dalka Jabuuti Ku Gareen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Isbahaysiga Dib U Xoraynta Soomaaliyeed

Posted to the MOL June 11, 2008, 1:30 pm

 

Waxgarad ka tirsan Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ku-kala nool Gobolada Dalka "Canada" ayaa cod taageero ah ku biiriyey Heshiiskii dalka Jibuuti ay ku gaareen DFKM ah iyo Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed ka dib markii khadka isgaarsiinta ku-kala warqaateen

 

 

Waxgaradkaan ayaa cod dheer ku muujiyey taageerada u hayaan heshiiskaas nabadeed oo ka dhacay wadanka walaalahanahay ee reer jibuuti ayagoo mahad balaaran u soo jeediyey Shacabka Reer Jibuuti iyo Madaxweynahooda Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku timaamey inuu yahay Shaqsi baal dahab ah ka galey Taariikhda Soomaaliya

 

 

Waxgaradkaan ayaa sidoo kale u mahad celiyey Wakiilka Xoghayaha QM u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Axmadu walad Cabdalla oo runtii u muujiyey Ummadda Soomaaliyeed wax la ilaabi karin oo lagu xasuusan doono iyo dhamaan wadamadii kale oo ka geystey hashiiskaas inuu qabsoomo

 

 

kulankaas oo khadka isgaarsiinta ahaa ayaa lagu sheegey Hashiiskaas inuu yahay mid taariikhi ah oo u horseedi karo ummadda mid lagu diirsado waxeyna u mahad celiyeen Dowladda FKM ah oo ugu Horeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo RW Nuur Cade iyo Madaxda Isbaheysiga oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Fulinta Sh. Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Sh.Adan iyo dhamaan Xubnihii kala hadaba Labada dhinac ee heshiiska saxiixay ayaa u soo jeedineynaa iney ixtiraamaan, ilaaliyaanna qodobadii heshiiska si loo dhameeyo dhibaatada taagan

 

 

Uga dambeyntii ayaa lagu soo xirey taageeradaan "ALLAH BARIGA AAD KA DHARGI DOONTO WAXAA LAGA GARTAA AGAASINKIISA" waxaa ku kolsoonahay inuu guuleysan doono heshiiskaan mar hadii ay horkacayaan mas'uuliyiin shacabka soomaaliyeed aaminsan-yihiin

 

 

 

 

 

wabillaahi towfiiq

 

 

 

 

 

BY X.Maxamoud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this