Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabble update: troops ready for security

Recommended Posts

Maamulka Shabeellada Hoose,Xubno Wasiirro iyo Xildhibaanno ka soo Jeeda Gobolkaas oo Maanta Shirey.

 

Waziiriinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda G/Sh/Hoose oo la kulmey Maamulka Cusub.

 

05/30/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC 30 May 2007.

 

Maamulka cusub ee Gobolka Shabeeellada Hoose iyo Wasiirka Arrimaha Golaha Wasiirada Khaalid Cumar ayaa maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho, shirkaas oo lahaa laba ujeeddo oo kala ah:

 

• Inay isbartaan Wasiirada iyo Maamulka Gobolku.

• Iyo talo dardaaran la siinaayey maamulka cusub.

 

Ugu horreyntii waxaa hadalka qaatey Guddoomiyaha cusub oo salaamey dhammaan xubnaha maamulkiisa iyo Wasiirka khaalid Cumar iyo Xildhibaan Fiqi, wuxuna sheegey inay maanta la joogaan Wasiirada iyo Xildhibaanada shucuubta ka soo jeedda Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo uu sheegey inay yihin kuwa ayaga oo dhan soo magacaabey. Waxaa dhamaan magacayadooda midmid u sheegey xubnaha ku jira maamulka ee min Degmo illaa Gobol.

 

Ka dib wuxuuu Guddoomiyahu hadallo kooban u jeediyey xubnaha ka socda labada Gole ee DFKMGS wuxuuna u sheegey in dadka faraha badan oo fadhiya ay yihiin maamulka lex Degmo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, wuxuuna sheegey inay ka maqan yhiin Degmooyinka Afggooye iyo Wanllaweyn oo nalagu wargeliyey in maamulkooda horey loo dhisey waxna laga saxayo dhowaanna ay ku soo biiri doonaan maamulka.

 

Wuxuuna hadalka ku soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Golaha Wasiirada Khaalid Cumar, wuxuna xubnaha cusub uu uga warramey taariikhda uu soo marey maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna sheegey in muddo dheer laga wada hadllaayey, hase yeehee nasiibdarro noqotey in lagu heshiin waayo. Wuxuu qirey in maamulkan asaaskiisa ay dhigeen Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, Prof Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka.

 

Wasiirku wuxuu maamulka kula dardaarmey inay dhaxda xirtaan oo maamulka dhulkooda xajistaan wuxuuna uga digey wax la yiraahdo khilaafaad oo runtii buu yiri nasiibdarro nagu ahayd inaan annagu iskhilaafno taasna muddo dheer dib u dhigtey magacaabista maamulka Gobolkan.

 

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsadey in Gobolkan dhaqalaha ka soo baxaya uu ku filan yahay gebi ahaan dalka Soomaaliya, wuxuuna xubnaha cusub ku booriyey inay si adag u shaqeeyaan illaa ay ka gaaraan in la waayo qof faqri ah oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegey in dhowaan Maamulka cusub iyo Xildhibanada, iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolku ka casuuman yihiin tuulada Daanyeereey ee degmada Awdheeglle, waxaana casuumaaddaas bixiyey sida Wasiirku sheegey Saldanadda ee Sulddaan Buuwe.

 

Ka dib waxaa labada mas’uul ee shirka daadihinaayey saxaafaddu la yeelatey wareysyo gaaban, waxayna ku hormareen Guddoomiyaha Gobolka waxa la weydiyey waxa shirku ku saabsan yahay, wuxuuna ku jawaabey inay taloooyin iyo isbarasho ay la yeeshaan Wasiirada iyo Xildhibaanada soo dhisey maamulkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Loo Diyaariyey Sugidda Nabadgelyda Gobolka Shabeellada Hoose oo Diyaar ku ah Goroonka Balli-Dooglle:

 

05/31/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC 31 May 2007.

 

Ka dib markii la dhisey Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa la heley warar sir ah oo ku saabsan in la diyaariyey ciidamo lagu minjixaabinaayo maamulkaas kaas oo ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo horjeeda maamulkaas oo beryahanba cabashooyin ka jeedinaayey saxaafadda.

 

Hase yeeshee Dowlladda Kumeelgaarka iyo maamulka cusub ayaa waxay diyaar-gorow ugu jiraan sidii Gobolkaas loo geyn lahaa ciidamo aad u xoog badan kaas oo gacanta ku dhigi doona amaanka Gobolka, waxayna ciidamadaas diyaar ku yihiin Goroonka Diyaaaradaha ee Balli-Dooglle kuwaas oo halkaas tababar ku qaadanayey muddo 5 bilood ah. Ciidamada halkaas ku diyaarsan ayaa gaaraya ku dhowaad 5 Guuto.

 

Waxaa ciidamadaas laga qaadan doonaa 1 guuto oo lagu wareejinaayo ciidamada Booliska, kuwas oo ka qeyb qaadan doona taaba gelinta maamulka cusub. Sidoo kale waxaa ciidamadaas loo kala qeybin doonaa Shabeellada Hoose iyo Kismaanyo oo laftigeeda amaandarro ka jirto.

 

Ciidamadan oo la diyaariyey mardhow ayaa la xaqiijiyey inay sugi doonaan amaanka labadas Gobol, waxayna gacan ka heli doonaan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan la sheegin tiradooda.

 

Warkan oo aan ka soo xiganney ilo aad ugu dhow ciidamada ayaa xaqiijinaya in loo qeeybiyey mushaaraadkii iyo direeskii ciidanimo, waxaana maalmahan dhow loo qeybin doonaa hubka.

 

Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah noo soo gaarayaa hambalyo iyo boogaadin loo soo diraayo Maamulka Cusub ee laga dhisey Gobolka Shabeellada Hoose. Waxaa weli na soo gaaraya dhambaalada hambalyada ee loo diraayo guddoomiyaha cusub iyo maamulkiisa. Dhaambaalka u dambeeya ayaa wuxuu naga soo gaarey ardada wax ka barata dalka Suudaan gaar ahaan kuwa Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

 

Dhambaalka u dambeeya waxaa na soo gaarsiiyey nin ku hadlaaya magaca Xoghayaha Guud ee Ardada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo ku jirta Jaamacadaha dalka Suudaan.

 

Dhambaal-diraha oo magaciisa la yiraahdo Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegey in ururkan uu asaaskiisa lahaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose intii uu wax ku baranaayey dalka Suudaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka835

 

Maamulkan laga dhisey gobolka Shabeellada Hoose oo ahaa mid ay dhisidiisu isku raaceen inta u dhalatey gobolka uuna yahay kii ugu horeeyey intii ay soomaliya dowladd soo lahaan jirtey oo ay u taliyaan dad u dhashey deegaanka sh/hoose.

 

Waxaana Ilaahay idinka baryayaa in xilkan culus ee aad dusha u ridateen idiin fududeeyo, shacabka gobolka SH/Hoosena waxaan ujeedinayaa baaq ah in ey garab istaagaan xubnahan loo magaacabay maamulka Gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://www.ssunion.net/node/2365

 

Waxaan halkaan ka caddeyneynaa, inuu maamulka cusub ee laga dhisey gobolka shabeellada hoose inuu yahay maamul si buuxda ay u taageersanyihiin intii u dhalatey gobolkaasi meel kastaa ee ay joogaan, taageeeradaasi oo ah mid aan ka noqosho laahyn, marna aan la duri karin.

 

Maamulkaan ayaa ah curad aan qofna laga yeeleynin inuu wax ka sheego waayo waxuu ka koobanyahay dadkii u dhashey gobolka, taasi oo la sugaayey intiia ay soo jirtey Soomaaliya , ilaa iyo maanta, waxa diidanna ay yihiin kuwii ahaa, dhiig miiradka, iyo kuwii daba dhilifkooda ahaa, oo maanta waxii ka dambeeyana aan laga yeeleynin inay dib maamul gobolka ka qabtaan.

 

Gobolka Shabeellada Hoose beelaha dego waa la woda ogyahay, waxii aan ahaynna , waa la ogyahay inay yihiin koyte, gobollada kale ka yimid, saa darteed , beelaha dega oo idil waa ay isku raacsanyihiin, dhismaha maamulkaani, dhaliilse, waqtigeeda lama joogo maanta, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay sida loo dhanyahay in leys garab galo, sidii gobolka loo hor marin lahaa, taasi oo ruux walbo uu ku dhergaayo fadhigiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this