Gabbal Posted May 24, 2006 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Iyo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Shalay Kulan Uu Ku Dhexmaray Guriga Madaxtooyada Ee Magaalada Baydhabo Kulankan Qarada sharafka ah oo maalinimadii shalay uu Madaxweynaha DFKG ah Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayay ayaa waxaa shalay abaarihii 12:30 duhurnimo saacada afrikada bari uu dhacay guriga madaxtooyada ee magaalada Baydhabo. Kulankan shalay oo uu madaxweynaha ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE oo ay ku weheliyeen wafuud ay kamid ahaayeen Col. Maxamed Jaamac Labaale, Gudoomiyihii hore ee Deg/Baardheere Maxamuud Cabdi Shakuul, Aadan Cali Aadan Garabeey, C/qaadir Cismaan Jaamac iyo rag kale oo ka tirsan wafdiga Ugaas Cumar ee Baydhabo gaaray iyadoona ay kulankaasi ay ku soo biireen xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ay kamid ahaayeen Wasiirka Hantida iyo Qalabeynta Qaranka Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Guriyaynta iyo Holwaha Guud C/raxmaan Yuusuf Diiriye iyo Xildhibaan C/rasaaq ***** Biixi ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku soo afmeermay heer jawi is af garansho iyo hanaan deganaan sida ay Gedonet u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay. Fadhigan shalay ayaa waxaa xubno kamid ahaa wafuudii ka qeybgashay oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ay Gedonet u sheegeen in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu wadfigaasi ku soo qaaday arrimo la xiriira hanaanka waxqabad ee DFKG ah ee ku aadan Gobolka GEDO. Inkastoo aysan weli jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay labada dhinac ayaa haddana waxaa ay warar kale oo aan ka helnay ilo ku sugan Baydhabo oo aan qadka teleefoonka kula xiriirnay ay sheegayaan in kulankaasi uu ku saabsanaa qado sharaf iyo wadatashi hase ahaatee ilaa iyo iminka lama oga waxa ay ka wadahadleen Madaxweynaha Iyo Wafuudii Ugaaska. Ma'ahan Markii ugu horeysay oo ay wada kulmaan Madaxweynaha Iyo Masuuliyiinta Beesha SADE ee ku sugan Magaalada Baydhabo. Iyadoona ay ahayd maalinimadii jimcihii aynu ka soo gudubnay kaddib markii uu hoygiisa magaalada Baydhabo uu ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Madaxda ugu sar sareysa DFKG ah oo ay kamid ahaayeen Madaxweynaha, Ra'isul Wasaareha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. M G gedonet-Gedo-Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites