Member-sol- Posted March 30, 2009 Tan iyo intii uu Gobolka Shabeeladda Hoose ku dhuftay Cudurka Shuban Biyoodka waxa uu Ururka Xisbul Islaam Dhakhaatiir iyo Dawooyin kala gedisan gaarsiiyay Dhowrkii Maalin ee u danbeysay Dadka tabaaleysan oo ku dhaqan Deegaano iyo Tuulooyin kala gedisan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka oo ku dhibaateysnaa Deegaano aad ugu fog fog Magaalooyinka. (Daawo Sawirada) Shabakadda Somalimirror oo Goob joog ka ahayd Dadka ay Dawooyinka Gaarsiiyeen Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul islaam ayaa ahaa Dad Reer Miyi u badan isla Markaana aad ula Ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ama Daacuun Caloolaha oo Xiliyada Abaaraha iyo kuleylaha Dilaaco. Meelaha ay Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ay gaarsiiyeen Dawooyinka iyo Gargaarka Caafimaad waxaa kamid ahaa: Degmada Wanla-weyn. Deegaanka Yaaqbariweyne. Deeegaanka Ceelbashiir. Deegaanka Toora-toorow. Iyo Deegaanka Haakaw Dhamaan Deeganadaas aanu soo sheegnay iyo waliba Tuulooyinka iyo Baadiyaha ku hareereysan waxaa ka dilaacay isla markaana faro ba’an ku haya Cudurka Shuban Biyoodka oo ay u sii dheer tahay Biyo la’aan iyo Abaar Saameysay Dadkii iyo Duunyadiiba. Those fallen Ill -supplies of cholera medication for the full story visit> http://www.somalimir ror.com/2009/03/29/w arbixin-xisbul-islaa m-oo-deeq-dawooyin-a h-gaarsiiyay-dad-uu- soo-ritay-cudurka-sh uban-biyoodka-oo-ku- dhaqan-g-shhoose/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Member-sol- Posted April 3, 2009 Warbixin:- Xisbul Islaam oo Mar 2-aad Dawooyin & Biyo Gaarsiiyay Tuulooyin ka tirsan G/Sh.Hoose oo ay ka jiraan Abaaro & Cudurka Shuban Biyoodka By Somalimirror on 3 Apr, 2009 7:40 PM in Main, Wararka, Warbixinnada Xoogagaga Xisbul Islaam ayaa Markii 2 baad waxa ay ka fuliyeen Deegaano Dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sh. Hoose Mashruuc loogu Magacdaray:{ مشر ;وع أغا ;ثة متض ;رر¡ 0; مرض ; الك ;لي 5;او 75;لج 601;اف} waxaaney Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyin kala gedisan oo ay Dadka Tabaaleysan ugu tala geleen gaarsiiyeen Deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ee ku dhibaateysan Deegaano aad ugu fogfog Magaalooyinka. Goobaha ay Biyaha, Teendhooyinka, Dhaqaatiirta iyo Dawooyinka Gaarsiiyeen ayaa waxaa ka jiray Dhibaato Xaddhaaf ah oo isugu jirta Xaga Biyo la’aanta, Cudurka Shubanbiyoodka oo ka dilaacay, Abaaro baahsan iyo dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi Karin. Garagaarka ay u fidiyeen Xoogaga Xisbul Islaam Dadkan Dhibaateysan ayaa ka koobnaa: in kabadan 10 Booyadood oo Biyo ah , Dhaqaatiir Caafimaad, Dawooyinka lagula tacaalo Cudurka Daacuunka Caloolaha , Gaadiid lagu soo daabulo Dadka uu Cudurku soo ritay iyo Teendhooyinka lagu Karaantiilo Dadka Dhibaateysan. Goobaha Xisbul Islaam uu gaarsiiyey Gargaarkan kala gedisan oo ay meeliba meesha kale ka darneyd isla markaana Hoostaga Gobolka Sh.Hoose ayaa kala ahaa sida tan soo socota: 1. Tuulada Libaaaxley. 2. Tuulada Danakuus. 3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne. 4. Tulaadad Kabahereg. 5. Tuulada Showli-Mareer. 6. Tuulada Xabaal-Shire. 7. Tuulada Cadaydheere. 8. Tuulada Haakow. 9. Tuulada Galbooy. 10. Deegaanka Ceelbashiir. 11. iyo Deegaano kale oo ka farcama kuwa aanu soo sheegnay oo iyana Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyinba ay Gaarsiiyeen. 1. Tuulada Libaaaxley. Dhibaatada ka jirtay Deegaankan ayaa aheyd amaba la dhihi karaa waa tii ugu darneyd ee ka dhacda aagaas , ilaa 71 Ruux ayaa 4 maalmood gudahood ugeeriyaatay Cudurka Daacuun Caloolaha waxaana halkaa ka taagnaa dhibaato aad u weyn oo ay ka mid tahay Biyo la’aan , Cudurka Shuban Biyoodka oo fara ba’an ku haya , Abaaro baahsan iyo Baahi dhan walba leh. Tirakoobka ay sameeyeen Odoyaasha Deegaanka Libaaxley ayaa ahaa sidatan: Tirada Guud ee uu cudurku soo ritay Tirada Dhimatay Tirada hada jiifta Tirada caafimaaday 345 Ruux 71 Ruux 24 Ruux 250 Ruux Dhibaatooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay Shabakadda Warbaahinta Somalimirror kula kulantay Deegaankan waxaa kamid ahaa ilaa dhowr Haween ah oo uu Daacuunku ka soo tuuray Caruurtii ay Uurka ku sideen. Dhaqaatiirta Xisbula Islaam ayaa Daaweyn iyo gargaar Deg Deg ah u fidiyey Dadkaas aadka u dhibaateysnaa waxaanay gaarsiiyeen ilaa dhowr Booyadood oo Biyo ah sidoo kale Xisbula Islaami ayaa u dhisay Dadkaa Tabaaleysan Teendhooyin lagu Karaantiilo , ugu danbeyntii Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejiyey Odoyaasha Libaaxley Dawooyinkii ay ugu tala galeen oo ka koobnaa ilaa 10 Kaartoon oo Faleenbooyin ah, Cirbado Farabadan, dhowr Gasac oo kaniiniyaal ah, dhow killo oo ORS ah , cloriiniyo iyo Dawooyin kale oo badan. 2.Tuulada Danakuus Deegaankan oo ay hoosyimaadaan ilaa 57 Tuulo ayaa waxa ka jiray iyadana dhibaato aad u baahsan oo ay ka mid tahay Cudurka Shuban Biyoodka oo Dadkii si safmar ah u soo ridanaya, Biyo la’aan ,Abaaro, Nafaqodaro iyo dhibaatooyin kale. Markii aanu gaarnay Tuuladan ayaanu aragnay Dad isugu jira Caruur iyo Odayaal, Rag iyo Dumar oo uu soo ritay Daacuunku ayna daadsan yihiin Goof Qorax ah oo aad u kuleyl badan isla markaana aanan haba yaraatee wax Biyo ah heysanin. Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa u Fidisay gargaar Degdeg ah Dadka Tabaaleysan waxaana Goobta soo gaaray Dhowr Booyadood oo Biyo ah oo ay Maalgeliyeen Xisbul Islaami waxaaney waxbixinta ay soo gudbiyeen Odoyaasha Deegaanka ee ku saabsan Dhibaatada Cudurka Daacuunka lagu sheegay sida tan: Tirada Guud ee uu Cudurku haleelay Tirada dhimatay Tirada hada Jiifta 50 Ruux 20 Ruux 30 Ruux Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaami ayaa ugu danbeyntii ku wareejiyey ku dhawaad 20 kaartoon oo Faleenbooyin ,Cirbado, ORS, Clorin iyo Dawooyin kalaba Dadka Deegaanka iyo Odoyaashoodaba. 3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne. Deegaanka yaaq-Bariweyne oo hada ka hore Xisbul Islaami ay Daawo Gaarsiiyeen ayaa waxa ay ahaayeen Caruur Dhamaan Dadka hada u jiifo Cudurka Shubanka waxaaney si weyn ula il darnaayeen Nafaqadaro iyo Cudurka Dacuunka. kalkaaliye Caafimaad oo ku sugan Deegaanka Yaaq-Bariweyne laguna magacaabo Xuseen C/lle Yacquub oo Shabakadda Somalimirror uga war bixiyey Xaaladaha Cudurka Daacuunka ee ka jira Deegaanka Yaaq-Bariweyne iyo 2 Tuulo oo hoos tagay isla markaana Daawada ka qaata Y.Bariweyne oo kala ah Kabahereg iyo Showli-Mareer ayaa sheegay sida tan: Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay Tirada Dhimatay Tirada hadda jiifta Tirada Bogsatay 186 Ruux 25 Ruux 13 Caruur ah 148 Ruux 4. Tuulada Kabahereg Tidada Guud ee uu haleelay Daacuunka Tirada Dhimatay Tirada Bogsatay 60 Ruux 22 Ruux 38 Ruux 5.Tuulada Showli-Mareer Tirada Guud ee uu haleelay Daacuunku Tirada Dhimatay Tirada hadda jiifto Tirada Bogsatay 34 Ruux 6 Ruux 18 Ruux 10 Ruux Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa sedexdan Tuulo u dhigay Dawooyinkii ay ugu talagaleen Deegaanka Yaaq-Bariweyne oo Saldhiga u ah labada kale waxaana lagu wareejiyey in ka badan 10 Kartoon oo Faleenbooyin, Cirbado , Kaniiniyaal, ORS, Clorin iyo Dawooyin kale. 6. Tuulada Xaabaal-Shire Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa kulan dheer oo ay la yeesheen Odoyaasha Tuulada Xaabaal-shire waxa ay kaga dhegeysteen Warbixin ku aadan dhibaatooyinka Cudurka Shuban biyoodka iyo Biyo la’aanta Baahsan ee Deegaanadaa ka jirtay waxaana Deegaankan hoostaga ilaa 70 Tuulo waxaana ka jira dhamaan tuulooyinkaas Biyo la’aan waxaana lagadaa fuustada biyaha ah hadiiba lahelo waayee 70,000 ilaa 80,000 oo Sh/Sooomaali ah. Kiisaska Cudurka Daacuunka ee loo soo gudbiyay Shabakadda Somalimirror ee Tuuladan ayaa ahaa sida tan: Tirada Guud ee uu Daacuunku halelay Tirada dhimatay Tirada haatan Jiifto Tirada Bogasatay 50 Ruux 12 Ruux 15 Ruux 23 Ruux Dhowr Booyadoo oo Biyo ah iyo Dawooyin Gaaraya ilaa 10 Kaartoon ayey Odoyaasha Deegaanka gudoonsiiyeen Dhaqaatiirtii iyo Saraakiishii ka socotay Xisbula Islaami. 7.Tuulada Caday Dheere Odoyaasha Deegaanka ayaa uga war bixiyey Xaalada Nololeed ee ka taagan Deegaanka Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotaya Xisbul Islaami waxaaney sheegeen in ay Cudurka Daacuunka u dheertahay Biyo la’aan Baahsan iyo Abaaro Culus, waxaney kaga warbixiyeen Xaaladaha Cudurka Shuban Biyoodka Sida soo socota: Tirada guud ee uu haleelay Cudurku Tirada Dhimatay Tirada haatan Jiifta Tirada Bogsatay 40 Ruux 10 Ruux 10 Ruux 30 Ruux 8. Tuulada Haakow Tuuladan Gudaheeda waxaa 24 saac ee ugu danbeeyey ugu Geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka ilaa 6 Ruux oo ay 3 Caruurtahay Sedexna Dumar tahay Sida uu inoo Xaqiijiyey Gudoomiyahay Tuulada Haakow Macalin C/llaahi. Sarakisha iyo Dhaqaatiirta Xisbul Islaam ayaa Gaarsiiyey Deegaankan Dadooyin kala gedisan. 9.Tuulada Galbooy Tuuladan Dhibaatada ugu weyn ee ka jirta waxay aheyd Biyo la’aan waxaaney Gaarsiiyeen Saraakiishii iyo Dhaqaatiirtii ka Socotay Xisbul Islaami ilaa Dhowr Booyadood oo Biyo ah Deegaankan iyo Deegaanada ku hareereysanba waxaaney ahaayeen Dadku kuwa aad u ooman. 10. Tuulada Ceel-Bashiir Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-Bashiir Sh. Xasan Ibraahim (Xasan Boor) iyo Odoyaasha Deegankaas ayaa ugu horeyntii uga warbixiyey Xaalada Deegaanka Dhaqatiirta iyo Saraakiisha ka Socotay Xisbul Islaami waxaanaey kaga warbixiyeen Kiisaska Cudurka shuban Biyoodka Deegaanka Ceel-Bashiir sidatan: Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay Tirada haatan jiifta Tirada Bogsatay 25 Ruuux 5 Ruux 20 Ruux Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejisay Odoyaasha Deegaanka ilaa 6 Kaartoon oo Dawooyin ka Cudurka Shuban Biyoodka ah isla markaana ka kooban noocwalba. Waa Makii 2-aad oo ay Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed gaarsiiyaan Dadka ku dhibaateysan Deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose Kaalmooyin isugu jira Dhaqaatiir, Dawooyin , Biyo , Teendhooyinka Karaantiilka iyo Gargaar kale, Soo tabinta Barnaamijkani waxaa iska kaashaday Shabakadda Warbaahinta Somalimirror iyo Xisbul Islaam, waxayna Shabakaddu Marwalba u taagantahay kala qeyb qaadashada Bulshadeeda tabinta waxqabadka wax loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted April 4, 2009 Wasn't Sh.Hose governed by Alshabab? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Belial Posted April 4, 2009 Good job. Xizbul islaam. We all need to support this kinda of action. Quote Share this post Link to post Share on other sites