General Duke Posted December 7, 2004 Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynaayey dowladda Somaliya ayaa lagu qabtey magaalada Ottawa ee Canada December 7, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa habeenkii xaley xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynaayo dowlada cusub ee ka dhalatey somaaliya lagu qabtey barlamaanka Canada ee ku yaal magaalada Ottawa ee wadanka Canada. Xafladdaasi waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyey qaar ka mid ah ururada Somaaliyeed ee ka jira magaalooyinka kala ah Ottawa iyo Toronto, waxaana ururadaasi ka mid ahaa: - Canadian Friends of Somalia (CFS) - Somali Relief Network of North America. - Somali Centre for Family Services. - World Somali Congress. - ****** Human Rights Committee (OHRC) - Arladun Somali Canadian Society. - Horn of African Women's Organisation (HAWA) - Somali Teachers Association - iyo heyado kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Shirka waxaa kaa soo qeyb galey dad badan oo Somali ah oo ku kala nool magaalooyinka Ottawa Toronto iyo Montreal. Waxaa kaloo xafladaasi ka soo qeyb galey mudanaal ka tirsan barlamaanka Canada, waxeyna kala ahaayeen: 1. Jack Layton oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka NDP. 2. Rahim Jafar (Conservative Party). 3. Boris Wrzesnewskyj (Liberal Party). 4. Allan Tonks (Liberal Party) 5. Navdeep Bains (Liberal Party) 6. Wajid Khan (Liberal Party) 7. Jean Aufustine (Liberal Party) 8. Marlene Catterall (Liberal Party) 9. David MacGuinty (Leberal Party). 10. Katta Matca (Liberal Pary). Sidoo kale waxaa xafladaasi ka qey galey safiiro, iyo diblomaasiyiin ka kala socotey wadamada kala ah Sweden, China, Ethiopia, USA, Kenya, Italy, Eriteria iyo Egypt. Dhamaan siyaasiyiinta iyo safiirada halkaasi ka hadashey waxey sheegeen iney wadamadooda ka codsan doonaan iney taageeraan dib u heshiisiinta Somalia iyo iney gacan ka geestaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo degnaanshah Somalia. Waxaa halkaasi khudbado ka jiideyey aqoonyahano iyo indheer garato Somaliyeed oo ay mid ahaayeen Aden Esse oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladda, Prof. Maxamed Munye Qaasim, Dr. Togane, Fowsiya Cabdulkarim, iyo Daahir Xaaji Cusmaan (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii SYL, oo ay dhamaantood umadda Somaaliyeed ka codsadeen iney si buuxda u taageeraan dowladda cusub ee dhalatey, iyo sidoo kale waxey dowlada Canada iyo dowladaha caalamkaba ka codsadeen in ay aqoonsadaan ayna taageeraan dowlada Somaaliyeed. Dhinaca saxaafada Somalida waxaa ka soo qayb galay Somali TV Toronto, Markacadeey.com iyo Mudugonline.com, waxaa kaloo ka soo qaybgalay xafladaan qaar ka mida saxaafada Canada. Markacadeey.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jamster Posted December 8, 2004 Good news indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites