Sign in to follow this  
General Duke

UN defends pull out from clan court occupied areas...

Recommended Posts

QM oo difaacday go'aankii ay Shaqaalaheeda ugala baxday Gudaha Dalka Somalia.

 

Muqdisho, Jimco, 27 October 2006 Simba Radio

 

Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, ayaa daafacday go'aankii ay Shaqaalaheeda ugala baxday Gudaha dalka Somalia, ayada oo sheegtay in dalka Somalia uu yahay dal qatar ku ah shaqaalaheeda.

 

Laakiin Jamciyadda Qurumaha ka dhaxesya, waxa ay caddeysay in weli ay adeegsaneyso shaqaale Soomaali ah iyo Muwaadiniin si Howlaha ba'aadannimada ay usii socdaan

 

Isku xiraha Deegaanka iyo Bani'aadannimada QM ugu qaabilsan Somalia Eric Laroche, ayaa sheegay in go'aankii Shaqaalaha QM looga soo saaray dalka Somalia uu ahaa mid lama huraan ah , sababtoo ah buu yiri waxaa la helay warbixino sheegay in Shaqaalaha Shisheeyaha ah lagu Bartilmaameedsan a yo Gudaha dalka Somalia.

 

"Waaxda Ammaanka ugu qaabilsan QM ayaa sheegtay in dalka Somalia uu qatar ku yahay Shaqaalaha Shisheeyaha ah ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa” ayuu yiri Mr. Eric Laroche.

 

Eric Laroche, waxa uu sheegay in QM ay kordhin doonto Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka howl galaya Gudaha dalka Somalia, islamarkaana sare loo qaadi doono Awoodooda howlgalineed si ay ugu guuleystaan buu yiri inay kaalmooyinka loo baahan yahay siiyaan dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah.

 

Jamciyadda Qurumaha ka Dhaxeysa, ayaa sheegtay horaantii Bishan in halista iyo amaan Darrada ay ka laba jibaarantay Gudaha dalka Somalia, kadib markii la dilay sooro talyaani ah oo ka howl galeysa xarunta SOS ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Madaxweynaha KMG ah ee Somalia uu ka badbaaday isku day lagu qaarijin lahaa.

 

QM, waxa ay sheegtay in kiisaskaasi amni darro iyo suurta galnimada ah in bara kac uu ka dhaco gudaha dalka Somalia, ay dad badan oo ku nool Somalia qatar geliyeen, ayada xaaladdii Bani Aadannimana ay sii xumaatay.

 

Phillippe Lazzarini, oo ah u qeybvsanaha Xafiiska Arriamha Ban'aadanimada ee QM ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano UNOCHA, ayaa sheegay in Somalia iminka ay u baahan tahay maal gelin , si loo weeciyo xaaladaha adag ee soo wajahan, waxaana uu codsaday Mashruuca QM ee dab yaaqada sanadkan lagu daro muhiimadiisa dalka Somalia.

 

Jamciyadda Qurumaha ka dhaxesya, ayaa codsatay 324 milyan oo dollar si loogu maal geliyo Mashruucyo kala duwan oo laga hir gelinayo Gudaha dalka Somalia.

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this