Sign in to follow this  
Cowke

Sheikh Sharif Is Bringing American Troops To Somalia

Recommended Posts

Cowke   

CSSforces1.jpg&cat=1&pid=2605&cache=fals

 

blackwateragents-250x200.jpg

 

CSSAlliance-240x200.jpg

 

Shirkad Maraykan ah oo Askar khaas ah u direysa Somaliya iyo Heshiiska illaalinta DFKMG

 

October 17, 2009 filed under EDITORIAL, NEWS IN SOMALI

 

Cumar Siciid

Horseed Media

 

Waxaa soo shaacbaxay heshiis la sheegay in lala saxiixday Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo ah kuwa ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah u dirta dalalka Dunnida Sadexaad, shirkadan oo la sheegay inay illaalin doonto Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Heshiiska shirkadan ayaa waxaa shaaciyey Jariirada (Grand Rapids Press newspaper) ee kasoo baxda dalka Maraykanka.

 

Heshiiskan ayaa la sheegay in loo saxiixay shirkada lagu magacaabo CSS Global Inc oo fadhigeedu yahay gobalka Machigan. Shirkadan ayaa ah mid ciidamo u khaas ah u dirta dalalka shisheeye, isla markaana inta badan gacan siisa Ciidamada Dowlada Maraykanka.

 

Shirkadan ayaa horey uga soo shaqeysay dalal ay kamid yihiin Ciraaq iyo Afghaanistaan, waxaana la sheegay in heshiiskan ay waday Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhiiri gelineyso Dowlada Maraykanka.

 

Wararka soo baxaya ayaa lagu sheegay in Dowlada Maraykanka oo aan xiligan wakhti u hayn ciidamo ay si toos ah ugu dirto dalka Soomaaliya, ay dhiiri gelisay shirkadaha dhanka amniga gacanta kasiiya inay ciidamo ayaga u khaas ah u diri karaan dalka Soomaaliya.

 

Heshiiskan ayaa lagu sheegay in shirkada CSS Global Inc ay askar khaas u ah oo horey uga soo mid ahaan jiray ciidamada Maraykanka oo ay ku jiraan askarta sida khaaska ah loo tababaray ee (Special Forces) iyo booliiska dalka Maraykanka ay u diri doonto dalka Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaana lagu sheegay warbixinta laga soo xigtay maamulka shirkada CSS, in askartooda ay tagi doonaan Soomaaliya, isla markaana tababaro iyo weli hawlgelinta gacan kusiin doonaan Ciidamada DFKMG Soomaaliya.

 

Horey ayay u jireen eedeynmo loo soo jeediyo shirkadaha noocaan ah oo Qandaraaska ka qaata dowlada Maraykanka, kuwaasi oo lagu eedeeyo inay wixii ay doonaan ku kacaan sida shirkada Blackwater oo hada dacwad ka dhan ah ka socoto dalka Maraykanka, kadib markii la sheegay in dad ku xasuuqeen dalka Ciraaq.

 

Hadaba shaacinta heshiiskan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii uu dalka Maraykanka safar ku tagay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed. Wafdigaasi oo sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Chicago ee dariska la ah gobalka Machigan ee dalka Maraykanka, halkaasi oo la rumeysan yahay in wafdiga Madaxweynaha kula kulmay xubno ka socda Shirkadan CSS. Walow horey loo shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafigiisa ay halkaasi u tageen inay Jaaliyadda Soomaalida la kulmaan.

 

Mr. Chris Frain oo ah madaxa guud ee Shirkada CSS Alliance oo ah shirkada dusha ka maamusha shirkadan amniga qaabilsan ee CSS Global Inc, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiskan ku aadan gacansiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

 

Chris iyo Tim Frain oo walaalo ah, ayaa aasaasay shirkadan Corporate Security Solutions (CSS)

 

Mr.Frain oo wareysi siiyey jariirada ayaa sheegay in hawl culus ay hortaal iyo sidii ay u xoojin lahaayeen dowlada awooda yar ee Federaalka Soomaaliya.

 

Mr.Frain ayaa ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo tirada ciidamada ah oo ay shaqaalesiin doonaan oo loo diri doono Soomaaliya, asagoo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay arrimahan xasaasi u aragto isla markaana aysan dooneyn in xiligan la shaaciyo wax faah faahin ah oo saameyn ku yeelan kara shacabka Soomaalida iyo waliba kooxaha ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

 

 

Qoraal uu soo saaray nin lagu magaaco Cali Hassan Guled oo ay Jariirada ku sheegtay inuu yahay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Maraykanka, ayaa lagu sheegay inuu si weyn usoo dhaweenayo heshiiskan, isla markaana uu aaminsan yahay khibrada shirkadan inay wax weyn ka tari doonto dowlada Soomaaliya.

 

Heshiiskan ayeysan weli wax war ah kasoo saarin dowlada Soomaaliya, ayadoo uu maanta magaalada Muqdisho dib ugu noqday Madaxweynaha Shariif iyo wafigiisa, oo weli aan soo bandhigin wixii ay soo qabteen safarkoodii Maraykanka.

 

Balse hadii ay cadaato in heshiiskan ay Dowlada Soomaaliya saxiixday, waxay qeyb ka noqoneysaa heshiisyada sida qarsoodiga ah dowlada Federaalka ulla gashay shirkadaha shisheeye, ayadoo ay horey buuq weyn uga dhashay heshiis uu wasiirka Maaliyada Shariif Xassan Shiikh Aadan uu ulla galay shirkad la sheegay inay maamuli doonto lacagta Dowlada, halka uu jiray heshiis is afgarad ah oo murran weyn keenay oo uu Wasiirka Qorsheynta ee DFKMG, Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame la galay dowlada Kenya oo ku aadan dhanka xuduudaha bada Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif Axmed iyo wafigiisa ayaa 11kii bishii September ee lasoo dhaafay dowlada Jabuuti u saxiixay heshiis xarunta la dagaalanka burcad badeed looga furayo dalka Jabuuti, heshiiskaasi oo uu u saxiixay Wasiirka Kaluumeysiga Cabdiraxmaan Ibbi.

 

Dhanka kale heshiiskan qarsoodiga ah oo maanta soo shaacbaxay ee ku aadan shirkadan Maraykanka laga leeyahay ee la sheegay in ciidamo u soo diri doonto dowlada Soomaaliya, ayaa ah mid weji cusub u yeeli karta dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.

 

Waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo ciidamo toos looga keeno Maraykanka ay soo galaan gudaha Soomaaliya, waa haduu qorshahan hirgalee.

 

Dowlada Maraykanka ayaa ayadu la sheegay in ay taageersan tahay in shirkadaha amniga gacanta kasiiya ee sida gaarka ah loo leeyahay, ay gudaha u galaan dalka Soomaaliya, si ay ulla dagaalamaan kooxaha uu Maraykanka ku sheego inay gacansaar la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al Qaida.

 

Waxaa ayaduna su’aalo ay ka taagan yihiin meesha laga keeni doono dhaqaalaha ku baxaya Askartan khaaska ah ee Maraykanka ka imaanaya ee illaalin doona dowlada, waxayna warar ku dhaw dhaw Dowlada Federalka oo ay Horseed Media heshay, sheegayaan in qorshahan uu yahay mid balaaran isla markaana dhaqaalaha ku baxaya ay qeyb bixin doonto Dowlada Maraykanka, qeybta kalena laga soo saari doono Dhaqaalihii Dalka Soomaaliya loo balan qaaday shirkii ka dhacay 23kii April Brussels dalka Belguim. Shirkaasi oo Soomaaliya loogu balan qaaday dhaqaale dhan 250 milyan oo dollar.

 

Dhaqaalahaasi ayey dowlada Federaalka qorsheysay inay maareyn doonto shirkadii uu heshiiska la galay Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan oo ay horey dooda uga keeneen Golaha Wakiilada ee DFKMG.

 

Si dhaqaalahaasi qeyb looga siiyo ciidamadan ayaa waxaa loogu magac dari doonaa hawlgalkooda sida lagu sheegay Jariirada, (Hawlgalka la dagaalanka Argagaxisada iyo Burcad Badeeda Soomaaliya).

 

Walow Mr.Chris Frain oo kamid ah madaxda guud ee Shirkada CSS mar wax laga weydiiyey cida dhaqaalaha ku bixineysa hawlgalkan ayuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay lacago ka heshay beesha Caalamka iyo dalal ka tirsan Jaamacada Carabta.

 

Shirkada CSS ayaa lagu xasuustaa qandaraaskii ay ka qaadatay dowlada Maraykanka, kadib musiibadii ka dhacay magaalada New Orleans, xiligii ay halkaasi burburisay duufaantii Katrina. Waxaana shirkadaasi oo xiligaasi u shaqeenayeen 600 oo shaqaale ah qandaraas dowlada Maraykanka ku siisay inay illaaliyaan Xarumaha Muhiimka ah ee Ganacsiga.

 

Shirkada CSS ayaa sidoo kale Qandaraas ka heshay Wasaarada Difaaca ee dalka Maraykanka sanadkii 2007dii, ayadoo qandaraaskaasi uu ahaa inay ciidamada shirkadan ay illaaliyaan gaadiidka u adeega ciidamada Maraykanka, iyo waliba Qalabka dhismaha ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq. Waxaana intii ay ka shaqeenaysay dalka Ciraaq shirkada CSS uga dhintay qaar kamid ah askarteeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this