General Duke Posted June 25, 2007 Maamulka Gobalka Banaadir oo ka shanqariyey in dib loo hawl-gelin doono Bacadlihii weynaa ee Xamar Weyne Mogadishu, Isniin, Juun 25, 2007 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay dayactir ku sameeyaan Xarunta Bacaadlaha Degmada Xamar weyne si Ganacsatada ay halkaasi uga hawlbilaabaan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tegay dhismaha Bacaadlihii hore ee Degmada Xamar weyne ayaa ka shanqariyay in Bacaadlahaasi uu u hawlgeli doono sida ugu dhaqsiyaha badan. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho Dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali “Dhagax-tuur” oo Xarunta Bacaadlaha kula hadlay ayaa ka shanqariyay inuu Bacaadlahaasi loo hawlgeli doono sida ugu shaqsiyaha badan, wuxuuna u mahadceliyey dadkii gacanta ku hayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay. Md. Dhagaxtuur, waxa uu ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay ka qeyb qaataan Dayactirka uu u baahan yahay Bacaadlaha, isaga oo intaasi raaciyay in ganasatada ay keeni doonaan xarunta Bacaadlaha si ay u wada qiimeeyaan waxa uu u baahan yahay oo dayactir ah. Dhinaca kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, waxa uu warbixin ka dhegeystay Cusmaan Maxamed Cawaale (Beynoos), oo ku hadlayey magaca dadkii gacanta ku hayey dhismaha Bacadlihii hore, wuxuuna Baynoos faahfaahin ka bixiyey sida ay ugu soo dhabar-adeegeen ilaalinta dhismahii Bacadlaha, isagoo sheegay inay jiraan qeybo ay ku dhaceen madaafiic, oo aad u burbursan. Dowladdii Kacaanka, ayaa dhistay dhismahaasi, oo qaab ahaan u dhisan Suuq Casri ah oo lagu iibiyo badeecadaha kala duwan. inkastoo aan Dhismahaasi la hawl-gelinin tan iyo markii la dhamaystiray dhismahaasi Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 25, 2007 Maamulka G/Banaadir oo maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha bacadlihii hore ee X/weyne Ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha Bacadlihii hore ee ku yiilay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho kaasoo ay gacanta ku hayeen shaqsiyaad Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad arintaasi la xiriirtana ay saaka ka dhacday isla bacadlahaasi. Cismaan Maxamed Cawaale (Beynoos) oo ahaa shaqsigii gacanta ku hayey bacadlahaasi mudadii 16-ka sano aheyd ee dalka ay ka jireen burburka iyo Fowdada oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in bacadlahaasi uu yahay mid qalabkiisu ay u dhan yihiin, isla markaana intiisa badan ka badbaaday burburka madaafiicda, wuxuuna tilmaamay Beynoos in dhibaato aad u far badan ay ka soo mareen sidii ay bacadlahaasi uga badbaadin lahaayeen burcada iyo tuugada, isagoo sheegay in ay ILAAHAY mahadii ay tahay haddii maanta dowlad Soomaaliyeed ay kala wareegeyso xilkiisa. Ku-xigeenka duqa magaalada ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo hadalo ka jeediyey munaasabadaasi ayaa uga mahad celiyey dadkii bacadlaha gacanta ku hayey mudada 16-ka sano aheyd ee la soo dhaafay, wuxuuna sheegay iney yihiin geesiyaal taariikhda ka galay meel wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu howl gelin doono bacadlahaasi dhowaan, dibna loo furi doono Suuqii X/weyne ee magaalada Muqdisho. Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted June 25, 2007 Bacadle market :confused: :confused: never heart of this market do you have some old pictures pleas Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted June 25, 2007 Bacadle market :confused: :confused: never heart of this market do you have some old pictures pleas Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 26, 2007 Its the old one, quite large actually and built up. No pictures if I get any I will update you. Quote Share this post Link to post Share on other sites