Sign in to follow this  
General Duke

Banadir admin: Bacadle market to be restored

Recommended Posts

Maamulka Gobalka Banaadir oo ka shanqariyey in dib loo hawl-gelin doono Bacadlihii weynaa ee Xamar Weyne

 

Mogadishu, Isniin, Juun 25, 2007

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay dayactir ku sameeyaan Xarunta Bacaadlaha Degmada Xamar weyne si Ganacsatada ay halkaasi uga hawlbilaabaan.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tegay dhismaha Bacaadlihii hore ee Degmada Xamar weyne ayaa ka shanqariyay in Bacaadlahaasi uu u hawlgeli doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho Dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali “Dhagax-tuur” oo Xarunta Bacaadlaha kula hadlay ayaa ka shanqariyay inuu Bacaadlahaasi loo hawlgeli doono sida ugu shaqsiyaha badan, wuxuuna u mahadceliyey dadkii gacanta ku hayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay.

 

Md. Dhagaxtuur, waxa uu ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay ka qeyb qaataan Dayactirka uu u baahan yahay Bacaadlaha, isaga oo intaasi raaciyay in ganasatada ay keeni doonaan xarunta Bacaadlaha si ay u wada qiimeeyaan waxa uu u baahan yahay oo dayactir ah.

 

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, waxa uu warbixin ka dhegeystay Cusmaan Maxamed Cawaale (Beynoos), oo ku hadlayey magaca dadkii gacanta ku hayey dhismaha Bacadlihii hore, wuxuuna Baynoos faahfaahin ka bixiyey sida ay ugu soo dhabar-adeegeen ilaalinta dhismahii Bacadlaha, isagoo sheegay inay jiraan qeybo ay ku dhaceen madaafiic, oo aad u burbursan.

 

Dowladdii Kacaanka, ayaa dhistay dhismahaasi, oo qaab ahaan u dhisan Suuq Casri ah oo lagu iibiyo badeecadaha kala duwan. inkastoo aan Dhismahaasi la hawl-gelinin tan iyo markii la dhamaystiray dhismahaasi

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka G/Banaadir oo maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha bacadlihii hore ee X/weyne

 

Ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha Bacadlihii hore ee ku yiilay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho kaasoo ay gacanta ku hayeen shaqsiyaad Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad arintaasi la xiriirtana ay saaka ka dhacday isla bacadlahaasi.

 

Cismaan Maxamed Cawaale (Beynoos) oo ahaa shaqsigii gacanta ku hayey bacadlahaasi mudadii 16-ka sano aheyd ee dalka ay ka jireen burburka iyo Fowdada oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in bacadlahaasi uu yahay mid qalabkiisu ay u dhan yihiin, isla markaana intiisa badan ka badbaaday burburka madaafiicda, wuxuuna tilmaamay Beynoos in dhibaato aad u far badan ay ka soo mareen sidii ay bacadlahaasi uga badbaadin lahaayeen burcada iyo tuugada, isagoo sheegay in ay ILAAHAY mahadii ay tahay haddii maanta dowlad Soomaaliyeed ay kala wareegeyso xilkiisa.

 

Ku-xigeenka duqa magaalada ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo hadalo ka jeediyey munaasabadaasi ayaa uga mahad celiyey dadkii bacadlaha gacanta ku hayey mudada 16-ka sano aheyd ee la soo dhaafay, wuxuuna sheegay iney yihiin geesiyaal taariikhda ka galay meel wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu howl gelin doono bacadlahaasi dhowaan, dibna loo furi doono Suuqii X/weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Bacadle market :confused: :confused: never heart of this market

 

do you have some old pictures pleas

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Bacadle market :confused: :confused: never heart of this market

 

do you have some old pictures pleas smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this