Liibaan Posted October 14, 2009 Shacabka Gudaha Soomaaliya Shacabka SSC Ee Gudaha Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyay Hogaanka Cusub Ee SSC Ee Nairobi Lagu Doortay- Lasanod Online Wednesday, October 14, 2009 Laascaanood,(Lasanod Online)Shacabka SSC ee gudaha ayaa si wayn usoo dhaweeyay Hogaanka Siyaasada ee mandaqada SSC looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya- Shacabka oo dhawaanihii ugu danbeeyay si wayn isha ugu hayay Dhankaa Nairobi iyo Hotelada shirarku uga socdaan beesha SSC degta ayaa qaybo kamid ah Gunaanadkii shirarkaas ay muujiyeen beeshu dareen wanaagsan oo horseedaya guulo ay ku hamiyayeen in qaybo kamid ah la gaadhay. Caasimada gobolada SSC ayna deganyihiin shacabka ugu badan mandaqada ayaa ahayd meesha ay ka baxaysay xuuraanka ugu badan ee hadal haynta shirka beesha SSC ee Nairobi,taasoo ahayd mid hadalhayntiisu ay ku badatay goobaha dadku iskugu yimaado ee magaalada Laascaanood, Dareen ka duwan farxad qofka dushiisa ka muuqata oo ay samayn karayaan ma jirto shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood taasoo aynan u saamaxayn amingooda iyo xaalada ay ku jiraan balse waxaa mar keliya is qabsaday magaalada Meheradaha layskugu yimaado,Xaafadaha iyo sidoo kale khadka isgaadhsiinta ee gudaha wargelinta ah in shirkii Nairobi qaybo kamid ah lasoo lagu guulaystay taasoo ahayd in beeshu yeelatay Hogaan iyo sidoo kale golayaal xukuumad oo ka talisa umada aayeheeda. Shacabka oo wadnaha farta ku hayay ayaa farxad la kowsaday taasoo ahayd in sidii shirarkii horre dhici jirtay in kana uu noqdo mid guulo laga gaadhi waayay, Khadka isgaadhsiinta ayaa Maalinamadii lagu dhawaaqay hogaanka Siyaasada gobolada SSC Ee markaas loo doortay Madaxwayne Dr:Saleebaan Xaglatoosiye iyo Madaxwayne ku xigeen Col:Cali Sabarey,wuxuu noqday mid mashquula dadkuna waxay iska wacayeen taleefanada gacanta lagu qaato iyo kan kale ee guryaha la dhigto,iyagoo isku hanbalyaynayay HANBALYO DAWLAD AYNU LEENAHAY AYAA LAGU DHAWAAQAY,Farxadu waxay noqotay mid dadku ka simanyihiin, Shacabka oo dareenadooda ka bixinayay shirka beesha ee Nairobi waxay tilmaameen inuu yahay mid loo baahnaa,iyadoo dadka qaar kamid ah ay ku doodayaan maxaa shirka gudaha loogu qabanwaayay balse fikirkaas shacabka SSC mid wacan ayay ka qaateen kaasoo ah in maanta Burburku soomaali ku dhacay ay noqotay in taladeeda meel dalka ka baxsan lagu soo dhiso haddii gudaha la imaanayana wax dhisan la keeno oo hawl gala taasna ay Soomaalida kala simanyihiin,shirarka gudaha ay badato faragelintu talada SSC ayba mar walba jirto fara gelin kaga timaada dhanka maamulada hareeraha ka xiga. Shacabku waxay ku bogaadiyeen dadka isku jira Isimada iyo Aqoonyahanada ee ku guda jira talada iyo midnimada beesha inay halkaas kasii wadaan mar walbana shacabku ay heelanyihiin diyaarna ay u yihiin inay sugaan natiijada shirka Nairobi. Wariye: Cabdiqani I. Goox ________________________ Jaaliyada Dabada ku nool Reer Minnesota oo Taageerey Shirkii Nairobi News {Minneapolis}14-10-09Ka dib markii in dhaweyd shir loo fadhiyey wadanka Kenya, magaalada Nairobi, ayaa waxa ka soo baxay guulo wax ku oola, taabanayana danaha dadka Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC). Gudoomiyaha Jaaliyada SSC iyo dhamaan jaaliyada SSC ee ku nool Minnesota, oo si buuxda u taageeray baaqii ka soo baxay shirkii Nairobi. Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Khaliif Jaamac oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirka hadana ku sugan magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku booriyey in si buuxda loo taageero GUULIHII ka Soo BAXAY shirka iyo Hamada ay u leedahay dadka ka soo jeeda Sool, Sanaag, iyo Cayn. Gudoomiyaha ayaa ka codsaday jaaliyada Minnesota in ay isku yimaadaan oo ay xaflad weyn u sameeyaan ay ku muujinayaan taageeronimadooda. Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay dad inta isku yimaadaan in ay waxa wada gaadhaan, iyagoo ka duulaya dano gaar ah iyo mid guud. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la sameeyo shir weyn, lagu taageerayo shirkan ka dhacay Nairobi. Mar uu Gudoomiyaha Khaliif hadalka sii watay waxa uu ka digay in aan la isku dayin in laga horyimaado , waayo dadkan shirka tagay dhamaantood iyaga ayaa is xilqaamay in ay wax u qabtaan bulshada ay matalaan, waxana fiican in la siiyo waqti ay wax ku qabtaan, laguna xisaabtamo wixii ay qaban waayaan. Gebogabadii ayaa gudoomiyaha waxa uu u duceeyey dhamaan dadkii xilka dhabarka u ritay in ALLe wax la qabto. Somali Media Abdimalik Askar Widhwidh Online News Desk...Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 15, 2009 Garaadada SSC Oo Ansixiyey Go,aamadii Shirka Nairobi Iyo Ururka Lagaga Dhawaaqay Nairobi(Jidbaale.com):-Shir xalay lagu qabtay hoyga garaarada SSC ka degan yihiin magaalada nairobi ayaa Sadexda Garaad ee ku sugan magaalada Nairobi waxa ay ansixiyeen go,aamadii ka soo baxay shirka Tolka SSC uga socday mudada labada todobaad ah, kaas oo soo gabagaboobay 11 bishan, iyada oo halkaas lagu doortay hogaaniyayaasha ururka cusub ee ka shaqayn doona midaynta iyo xoraynta deegaanka SSC ee malayshiyada Hargeysa duulanka ku soo ahayd 19 sanno ee aynu ka soo gudubnay. Garaadada ansixiyey go,aamada shirka ka soo baxay oo kala ahaa Garaadka Guud ee Tolka SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Abshir Saalax, iyo Garaad Cali Buraale ayaa halkaas loogu duceeyey hogaanka ururka Cusub waxaana ilaahay looga baryey in uu u fududeeyo hawsha ay dhabarka u riteen, kulankan oo ay ka soo qayb galeen gudiga qaban qaabada shirka, xubno ka tirsan Ururka NSUM iyo Jaaliyada SSC qaarkood ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana loo diyaar garoobayaa sidii xalad lagu soo gabagabaynayo shirka loo qaban lahaa. Iyada oo ururkan qaybihiise kale wali hadhsan yihiin sida gole dhexe oo ka kooban 18 xubnood, iyo gole fulineed ayaa waxa horyaala ururkan hawlo baaxad weyn oo ay ugu horayso sidii Tolka SSC ay taageero uga heli lahaayeen hawshan oo baaxad weyn iyo sidii ay u soo dhisi lahaayeen hay,adaha ka dhiman ururkan loogu magac bixiyey Ururka midaynta iyo horumarka Ssc soomaliya iyada oo loo dortay guddoomiye Saleeban Ciise Ahmed. xigeena Col.Cali Xasan (Cali Sabarey). Dhanka kale waxaa muuqata in dhinacaydii shirka isugu yimi ee kala watay fikrado kala duwan ay muujiyeen tanaasulaad iyadoo oo Groupkii watay fikirka ah in gebi ahaanba maamulka Puntland laga baxo oo maamul madax banaan la sameeyo ay ka tanaasuleed fikirkaas iyada oo ay qaateen in cadaadis siyaasadeed la saaro, hasa yeeshee aan la soo afjarin xidhiidhkii inaga dhaxeeyey, dhinaca kale waxaa muuqata in xubnihii ka socday Ururka NSUM ay tanaasul muujiyeen iyaga oo intii markaa ka joogtay ururka ay aad uga shaqeeyeen sidii sharciga ururka cusub lagu hagayo waxa uga samayn lahaayeen. Waxyaalaha horyaala oo ay ugu baaxad weyn tahay soo celinta deegaanka maqan ayaa laga dhursugayaa labadan xubnood iyo golayaasha ururkan halka ay saldhigaan, shirka ayaa laga sheegay in marka deegaanka uu gacanta ku soo noqdo inshaa allaahu in lala xisaabtami doono maamulka Puntland. Dadka Indha indheeya arrimaha Puntland iyo SSC ayaa ku tilmaamay go,aamada ka soo baxay shirka Nairobi oo durtaba aragtiyo kala duwan laga bixiyey in wali loo hamranayo maamulka Puntland, isla markaana uu yahay go,aankani dhanbaal loo dirayo maamulka Puntland , dhanbaalkaas oo xanbaarsan, in marka hore deegaanka gacanta lagu dhigo, iyada oo aan laysku halaynayn maamulka Puntland, ka dibna xisaab adag lalal galo. Jidbaale.com jidbaale.com@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 15, 2009 Hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi Karin, iyo taageero xad dhaaf ah ayaa shacabka SSC u hayaan hogaankooda cusub Suleiman Xaglotoosiye Allah kaa dhigo adiga iyo kuxigeenkaaga, iyo dhamaan mas uuliinta kale ee SSC sida xubnaha cusub ee barlamaanka kuwii diintooda isalaamka, dalkooda Somalia, gobolkooda Northland SSC wax tara, nabada, horumarka ,iyo midnimada ka shageeya, khaasatan xoreeya dhulkii SSC, si ee karaamada ugu soo celiyaan shacabka SSC Dhamaan ummada soomaaliyaad iyo shacabka SSC waxaan u rajeenanaa guul, gobonimo, midnimo, horumar, nabad, iyo xoriyad Quote Share this post Link to post Share on other sites