General Duke Posted October 8, 2007 M/weyne Yuusuf oo gaaray Baydhabo Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-Oktober-2007 Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay xilli baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshayaal lagula xisaabtamayo xukuumada Geedi. Mr Yuusuf iyo xubnaha uu hor kacayo ayaa saaka ka duulay garoonka Aadan Cadde , iyadoo intii uu baxayay si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho. Waxaana la ogeyn ujeedka ka dambeeya safarka madaxweyne Yuusuf ee magaalada Baydhaba inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan safarkaasi . Ilo wareedyo gaar ah ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Yuusuf ee Baydhabao uu la xariiro sidii baarlamaanka dowlada KMG uu u dhameyn lahaa qilaafka u dhaxeeya isaga iyo ra`isul wasaare Geedi. Waxa uuna safarka iminka ee Mr.Yuusuf ee uu Baydhabo ku jooga ayaa soo baxaya xilli baarlamaanka dowlada KMG ah uu su`aalo weydiinayo qaar ka mid ah wasiirada oo wax laga weydiinayo wax qabadkooda . Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 8, 2007 Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Baydhabo ka dagey. 8. oktober 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka duuley magaalada Muqdisho isagoo gaarey Magaalada Baydhabo oo xarun u ah baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Max'ed Nuur ,Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumada Cali Maxamed Geedi. Madaxweyne Yuusuf ayaa la kulmaya gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayagoo kala warqaadanaya xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya iyo walibaha howlaha Xukuumada Soomaaliya oo waqtigeedu ku e'eg yahay Sida qaar ka mid ah baarlamaanku ku doodayaan 13 -Bishan. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Aaden Madoobe ayaa ka wada hadlaya Mooshinada sidoo kale ka socda magaalada Baydhabo ee ku aadan dhamaantooda Xukuumada hada jirta ee uu hogaamiyo Cali Maxamed Geedi ,ayadoo lafilayo in ay ka soo saaraan shirarkaasi Go'aamo wax ka badalaya Xukuumada hada jirta. Madaxweyne Yuusuf ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu hortagayaa baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shirsan wuxuuna warbixin guud kasiinayaa intii uu Muqdisho joogey waxyaabihii uu qabtey iyo waliba Khilaaf lugu waramey in uu dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo raysalwasaare Cali Maxamed Geedi. Faahfaahin ku saabsan Socdaalka Madaxweynaha kala soco Shabakada AllPuntland.com Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 8, 2007 Waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu Horkacyo oo kabooban Labada Gole ee Dowlada Soomaaliya. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa markii uu kasoo degay gegeda diyaaradaha ee magaalada baydhabo waxaa si heer sare ahugu soo dhoweeyay wafti uu horkacayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Sheekh aadan maxamed Nuur (Sheekh aadan Madoob) Isimo,Ururada Bulshada rayidka ah Dhalinyaro,Haween ,Aqoon yahano, iyo Dadwayne aad u faro Badan. Waxa sidoo kale safarka Madaxwaynaha ku weheliyay Saraakiil Sar sare oo Ka tirsan Ciidamada nabad sugida u jooga Soomaliya ee Amissom iyo kuwa Soomaaliya iyo weliba Ethiopia iyadoo la filayo in maalmaha fooda inagu soo haya uu soo gaaro magaalada Baydhabo Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaliya prof Geedi. Ka hor intuu aanu Ka soo duulin Magaalada Muqdisho Madaxwaynuhu ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay Amaanka Magaalada Baydhaabo gaar ahaan Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Airporka . Markii uu madaxwaynuhu kasoo degay Garoonka diyaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Madaxwaynaha Loo Soo gelbiyay dhanka aqalka Madaxtooyada Magaalada baydhobo Halkaasi oo uu kulan kulan gaaba kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Kulankaasi oo Saxaafadu aanay ka qayb galin wax faah faahinana laga haynin. Mudane Yuusuf ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamaanka horgeeyo Go’aamadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaliyeed ee Magaalada muqdisho lagu soo gabo gabeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Golaha wasiirada Banaanka Laga qaadan karo. Imaanshaha Madaxweyne Yuusuf ee Baydhabo ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa Iyadoo Magaalada baydhabo laga wado Qaban qaabada Lagu doonayo in lagu Qabto Xaflad lagu maamuusayo Sanad guuradii 3Sedexaad ee kasoo Wareegtay Xiligii Madaxweynaha Soomaliya Loo doortay Hogaanka ugu Sareeya ee Dalka Soomaliya Kaasi oo ku Beegan 10/10 /2007-da. Sidoo kale Imaantinka Madaxwaynuhu wuxuu ku soo beegmayaa Xili uu Axdiga Qaranku uu qorayo in Hadii Xukuumadu Federaalka ay gaarsiin waydo Gobolada Dalkalaga soo bilaabo ilaa iyo markii xukuumad La dhisay iyo 12ka Bishan ay Xumadu dhacayso Hadii Anaa lahelin Xeer Jajab kale oo Madaxda Dowladu ay ku heshiiyaan. X.F gudaal yare Gudaal18@hotmail.com Allsanaag.com Quote Share this post Link to post Share on other sites