Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Three Radio Stations Suspended and the US will Think about the Issue

Recommended Posts

Mogadishu 06, June.07 ( Sh.M.Network) Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay wareegatada dowladda KMG ah ee Somalia ay ku xirtey 3 idaacadood oo madax banaan oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo Washington ay sheegtay in ay dabagal ku sameyneyso arintaan.

 

 

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, Michel Renirberger

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, Michel Renirberger ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka walwalsan tahay talaabada dowladda KMG ay ku xirtey 3da idaacadood ee kala ah Shabelle Media Network, HornAfrik iyo Idaacadda Qur'aanka kariimka (IQK).

 

" Saxaafadda xorta ah waxa ay muhiim u tahay dalka Somalia iyo guud ahaan caalamka, waana in loo ogolaadaa Umadda Somaliyeed in ay war ka helaan saxaafadda xorta aha sida saxda ah" Ayuu yiri Michel Renirberger oo warkaan siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho wax yar ka dib markii ay soo baxday wareegto ka timid xafiiska Ra'isulwasaaraha oo lagu xirey idaacadaha shabelle, HornAfrik iyo IQK.

 

Hadalka Renirburger ayaa ku soo beegmay xilli maanta dowladda KMG ay soo saartay wareegto ay ku xireyso idaacado madax banaan oo ku yaala caasimadda, iyadoo wareegtadaasi ay u qorneyd sidaan:-

 

 

Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.

Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.

Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.

Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.

 

Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik, Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris, Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo dowlad diidnimo.

 

Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.

 

Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.

 

Howl-wacan.

 

Wareegtadaan waxaa ku saxiixnaa:-

 

Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah

Madoobe Nuunoow Max'ed

 

 

Wareegtadaan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Qeybdiid oo faahfaahin ka bixiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Waa markii labaad oo dowladda KMG ah ay xirto idaacadaha SHabelle, HornAfrik iyo IQK, iyadoo sidoo kale horey dowladda KMG ah ay xirtey xafiiskii Aljazeera ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

what do you expect from this lot... they equate leadership, with ability to subjugate and curtail fundamental rights… no vision and as the Liberians say they must be LESS busy!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this