General Duke Posted November 28, 2006 Col. Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid, iyo ilaa 37 gaari oo tikniko oo uu wato ayaa galabta gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. iyadoo ciidamadiisa ay maanta madaafiic isdhaafsadeen kuwa maxkamadaha deegaanka Bandiiradleey. Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Nov 28, 2006 Ciidamadaan uu wato Col. Cabdi Qayb-diid ee soo garay magaalada Hobyo, ayaa waxaa magaalada Hobyo ku soo dhaweeyey odayaasha deegaanka. Ciidamadaan, oo tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa 3 boqol oo askari, ayaa afhayeen u hadlay Cabdi Qayb-diid uu sheegay in ay qorsheynayaan in ay difaac adag dhigaan deegaanada ku dhawdhaw magaalada Hobyo, si ay uga ilaaliyaan ciidamada maxkamadaha inay soo galaan Hobyo. Col. Cabdi Qayb-diid, ayaa waxa uu si weyn ugu ola-oleynayaa in uu dagaal la galo ciidamada Maxkamadaha oo doonayo in ay la wareegaan maamulka gobolka Mudug. Ciidamada uu Cabdi Qayb-diid galabta keenay magaalada Hobyo, ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay madaafiic xoogan saakay is-weydaarsadeen ciidamadiisa iyo kuwa maxkamadaha ee ku sugan deegaanka Bandiiradleey. Col. Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo ay maxkamadaha dagaal kaga soo saareen Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in uu weeraro ciidamada maxkamadaha ee ku sii siqaya gobolada dalka. Xuseen Axmed Hobyo Mudug Quote Share this post Link to post Share on other sites
XOG-ogaal Posted November 28, 2006 war duke wood another dayniile baa noo soo heshay hobyo waa another idmaale iyo dayniile warkaa waxba ka majiro Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 28, 2006 ^^^Maybe, but they usually do not fabricate news regarding their own areas. Qaybdeed has been there a month or so back... Quote Share this post Link to post Share on other sites