General Duke Posted July 8, 2007 Muqdisho: Maamulka G.Banaadir oo gacanta ku dhigay goob iyo rag farsameynayey waxyaabaha qarxa amrayna in la xero shirkaddaha Hormuud iyo Telcom 8. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen xarun lagu farsameynayey waxyaabaha qarxa iyo afar qofood oo arrimahaasi ka shaqeynayey isla markaana sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo soo taagi doono. Md. Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa arintan maanta kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Taliska ciidanka Booliska isagoo halkaasina ku soo bandhigay qaar ka mid ah hubkii ay laga farsameynayey waxyaabaha qarxa oo uu sheegay iney isugu jireen rasaasta sabanada oo biro iyo masaamiir laga buuxshay iyo qalab kale oo ka mid ahaa haraadigii diyaarad dhawaan ku soo dhacday duledka magaalada Muqdisho. Dhanka kale Maxamed Dheere ayaa sheegay in in maamulka gobolka Banaadir uu amray in maanta albaabada loo laabay xarunaha shirkaddaha isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom isagoo sheegay in shirkadda Hormuud qeybteeda Huriwaa dhowr jeer halkaasi rasaas xoogan looga soo furay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya isla markaana ay goob u aheyd kooxaha weerarada gaadmada ah ka wada deegaanadaasi, sidoo kale shirkadda Telcom ayaa iyaduna lagu eedeeyay markii la amray in ay hubkooda soo dhiibaan ay soo wareejiyeen afar qori oo kali ah baaritaan uu maamulka gobolka ku sameeyayna xaruntaasina uu sheegay Maxamed Dheere in laga helay hub, qoryo, rasaas iyo waxyaabaha qarxa, wuxuuna amray in la xero maanta shirkaddahaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 Shirkadaha isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom oo irdaha laysugu dhuftay (WYNET)Muqdisho:-Waxa irdaha loo laabay shiradaha telefoonada ee Hormuud iyo Telecom, ka dib markii lagu eedeeyey in hub fara badan laga soo saaray gudohooda. Dawlada FS ayaa amar ku bixisay in irdaha loo laabo labadan shirkadood iyagoo ku eedeeyey in shirkadahaan baaritaanadii hubka ee dawlada FS ay fulinaysay gudohooda laga soo saaray hub iyo waxyaabaha qarxa. Shirkadahaan ayaa sida sheegtay DFS horay loogu wargeliyey inay soo diiwaan gashadaan wixii ay hub haystaan,waxaana mid ka mid ah shirkadaasi ay diiwaan gashatay inay haysato 3 qori halka shirkada kale ay sheegtay inaysan haysan wax hub ah. Guud ahaan shirkadahaan ayaa dawladu sheegtay in loogu tegay hub iyo budooyin laga sameeyo waxyaabaha qarxa,waxaana adag in la kala saaro hub iyo ganacsiga magaalada Muqdisho. Dhinaca kale shirkadaha ayaan iyagu weli wax war ah arintaan ka soo saarin,oo aan wax ka oran eedaymaha loo soo jeediyey. Dadka arimaha u dhuun daloola ayaa sheegaya in dawladu marna aysan shirkadahaan ku faraxsanayn oo ay lahaayeen rag ka tirsanaa MMI taasina ay tahay sababta loo xirayaa ee aysan jirin wax hub ah loo laga soo saaray. Si kastaba ha ahaatee arinta xariga shirkadahaan ayaa dharbaaxo weyn ku ah dad weynaha magaalada Muqdisho oo si weyn ugu xirnaa shirkadahaan oo kala go,ay dad ban oo ku xiriiri lahaa is gaarsiinta shirdahan. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 Goob qaraxa lagu sameyo oo la helay 8 Jul 8, 2007 - 4:42:25 AM Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo saakay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay in baaritaan iyo howlgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugida ee gobolka ay gacanta ku soo dhigeen rag farsameynayey waxyaabaha qarxa oo xarun qarsoodi ah ku lahaa xaafada Beexaani ee degmada Shibis. “Baritan dheer kadib waxaan gacanta ku dhignay goob lagu farsameynayey waxyabaha qarxa iyo farsameyaqaanadoodii, waxaana dhawaan soo taagi doonaa sharciga si loo marsiiyo waajibaadkooda” ayuu yiri Maxamed Dheere oo warbaahinta u soo bandhigay qaar ka mid ah qalabkii ka koobnaa waxyaabaha qarxa Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa shirkiisa ku sheegay in albabada loo laabay xarumaha shirkaddaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom qeybtooda Huriwaa kadib markii uu Guddoomiyuhu ku eedeeyay in shirkadda Hormuud ay xaruntooda rasaas xoogan ugu soo rideen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya isla markana ay goobtaasi aheyd meel keyd u ah ama gacan siisa kooxaha hubeysan ee nabad diidka waa sid auu hadalka u dhigaye. Sidoo kale shirkadda Telcom ayuu sheegay Guddoomiyaha in markii la amray iney soo dhiibaan hubkooda ay keeneen afar qori oo nooca BKM-ka loo yaqaan balse markii baaritaan lagu sameeyay laga helay hub iyo rasaas aad u tiro badan taasoo mujineysa ineysan diyaar u aheyn wada shaqeyn dhex marta shirkaddaas iyo maamulka gobolka. Ciidamada DFKMG ah ayaa baaritaano ka wadey goobo ka tirsan Muqdisho iyada oo ay magaalada ka dhacyaan qaraxyo iyo dilal la beegsanayo saraakiisha Dowlada. Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 Dowladda KMG ah oo shaacisay in la xiray xarumaha Hormuud iyo Talecom ee deg. Huriwaa. Muqdisho, Axad, 08 July - 2007 [Radio Simba] Wareegto maanta kasoo baxday dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu amray Shirkadaha Hormuud iyo Telecom, in ay xiraan xarumahooda degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere, ayaa waxaa sababta ka dambeysay arintaasi lagu sheegay kadib markii Hub goobahaasi laga helay. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ahna agaasimaha waaxda war faafinta oo wareegtadaasi saxaafadda u aqrinaayay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkadahani lagu eedeynayo in aysan soo wareejinin hubkii hore loogu amray in ay soo wareejiyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 Mogadishu:-(KP)Dowladda KMG ah oo shaacisay in la xiray xarumaha Hormuud iyo Talecom ee degmada Huriwaa Gobolka Banaadir Wareegto maanta kasoo baxday dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu amray Shirkadaha Hormuud iyo Telecom, in ay xiraan xarumahooda degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere, ayaa waxaa sababta ka dambeysay arintaasi lagu sheegay kadib markii Hub goobahaasi laga helay. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ahna agaasimaha waaxda war faafinta oo wareegtadaasi saxaafadda u aqrinaayay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkadahani lagu eedeynayo in aysan soo wareejinin hubkii hore loogu amray in ay soo wareejiyaan. Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com,Mogadishu,Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gordon Gekko Posted July 8, 2007 Good move. I read an article lately that their also introducing auction and licensing of spectrum rights. This will improve the service for end-customers as well as provide solid telecom ventures for investors and entreprenurs. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 ^^^GG, these firms are against law and order and competition. Theyw ant to keep their armed monopoly. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gordon Gekko Posted July 8, 2007 ^^ Naturally, their the architects and innovators behind the whole ICU concept itself. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 ^^Indeed and now they are under a curfew throwing small grenades at the streets. Quote Share this post Link to post Share on other sites