Sign in to follow this  
General Duke

A great welcome for government ministers in Badoa

Recommended Posts

Baydhabo oo si diiran loogu soo dhaweeyey weftigii Dawladda ka socday

Posted to the Web Feb 17, 23:20

 

 

Nairobi:- Wararka naga soo gaaya Magaalada baydhabo ayaa waxay sheegayaan inay weftigii ka socday Dawladda FKMG ah ee ka koobnaa Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka s diiran loogu soo dhaweeyey imaatinkooda,islamarkaasna dadweynaha farabadan isugu soo baxeen Jadadka waaweyn ee Baydhabo,taasoo ay ku muujinayaan rabitaanka ah helitaanka Dawladda dhexe oo ay Soomaaliya yeelato.

 

Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka,Md. Ibraahim Aadan Xasan (Kiish-bur) ayaa waxa uu uga mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey,isagoo sheegay inay u diyaargaroobaan soo dhaweynta Dawladda FKMG ah oo dhawaan ka filayo inay dalkii dib ugu noqoto,wuxuuna u sheegay dadweynihi inay suurtagal tahay inay Dawladdu ka timaado Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socday maalmahii la soo dhaafay abaabul u diuaargaraw ah Dawladda,iyadoo wararka hoose ee ka soo baxaya ilaha muhiim ah tibaaxayaan inay jiraan olole xooggan oo ka socda Nairobi,kuwaasoo lagu doonayo inay Dawladda ka caga dhigato Baydhabo inta Magaalada muqdisho laga dhigayo goob ay xasiloon oo Dawladdu degi karto.

 

Wefti iyaguna ka socday Golaha Xukuumadda iyo Baarlaamaanka ayaa waxay ka degeen Magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeeladda Hoose,iyagoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyey,waxaana soo dhaweyntooda ka qaybqaatay dadaweye aad fara badan,kuwasoo muujinayey inay ka go'an tahay helitaanka Dawlad soo celisa nadaamkii iyo kala dambeyntii,wafuuddaas ayaa waxay qaarkood u sii gudbeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

 

Wafuuddaan ayaaa socdaalkoodu ku salaysan yahay ka dhaadhicinta Shacabka Goboladaas taageerida Dawladda FKMG ah oo dhawaan u guuri doonta dalka,iyagoo kulamo goono gooni ah la yeelan doona Madaxda iyo waxgaradka Deegaankaas,waxayna wararka xog ogaal sheegayaan inay halkaas u tageen la kulanka Weftiga Xaqiiqa raadiska ah ee socda Midawga Afrika oo booqasho ku maraya Magaalada Muqdisho.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this