Sign in to follow this  
General Duke

Barawe Lower Shabbele: Local admin takes over

Recommended Posts

marduuf12476wirethumb.jpg

 

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Md. Cali Marduuf

 

Mamulka Sh/Hose oo la wareegay Barawe

16 Jul 16, 2007 - 2:51:11 PM

 

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday xarunta maamulka ee degmada Baraawe oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka kala socotay maamulka cusub ee gobolka Sh/Hoose iyo kuwii hore ayaa maanta ka dhacday xarunta degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

 

Munaasabadaas oo la xiriirtay sidii ay xilka kula wareegi lahaayeen maamulka cusub ee degmada Baraawe ay dhawaan u soo magacowday dowladda halkaasoo Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Cabdullaahi Xalane Dhuxulow uu si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee degmada Baraawe Md. Cali Maxamuud Sheegow.

 

"Hadaan nahay maamulkii hore ee degmada Baraawe waxaan hortiina ka caddeynayaa uguna wareejinayaa xilkii degmada Guddoomiyaha cusub ee dhawaan la soo magacaabay anigoo u rajeynayo inuu xilkiisa u gudan doona si muwaadinimo ah" ayuu yiri Cabdulaahi Xalane Dhuxulow oo halkaasi ka muujiyay Tanaasul iyo nidaam dimoqraadi.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha cusub Md. Cali Maxamuud Sheegow oo xilkaasi la wareegay ayaa ugu mahad celiyay in si diiran oo ay ku dheehan tahay Dimoqraadiyad loogu wareejiyo maamulka degmada isagoo xusay inuusan aheyn shaqsi ku cusub degmada Baraawe oo horay ugu soo shaqeeyay, wuxuuna ka codsaday dadweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee degmada iney gacan ku siiyaan xilka cusub ee loo soo magacaabay.

 

Degmada Baraawe oo horay uu gacanta ugu hayey Cabdullaahi Xalane Dhuxulow oo xiligii Dr. C/qaasim halkaasi si xoog ah kula wareegay maamulka degmada Baraawe ayaa iminka u muuqata iney tahay mid ku timid awooda ciidan ee dowladda Federaalka KMG ah, iyadoo Dhuxulow uu yahay dadka aan u dhalan deegaankaas ee xiliyada burburka iyo dagaalada sokeeye uu halkaasi degay.

 

Gabagabadii wafdiga ayaa isla maanta lagu wadaa iney u sii gudbaan degmada Sablaale si ay halkaasi iyaguna xilka ula wareejiyaan maamulka cusub ee loo magacaabay degmada Sablaale.

 

Cali Muxiyaddin, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Baraawe oo horay uu gacanta ugu hayey Cabdullaahi Xalane Dhuxulow oo xiligii Dr. C/qaasim halkaasi si xoog ah kula wareegay maamulka degmada Baraawe ayaa iminka u muuqata iney tahay mid ku timid awooda ciidan ee dowladda Federaalka KMG ah, iyadoo Dhuxulow uu yahay dadka aan u dhalan deegaankaas ee xiliyada burburka iyo dagaalada sokeeye uu halkaasi degay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamullada Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale oo si nabad ah ku gaarey degmooyinkooda:

 

Labada degmo ee oodwdaagta oo ku yaalla koonfurta gobolka shabeellada hoose ee Baraawe iyo Sablaale,ayaa si nabad ah ku gaarey fariisinkooda,sida uu noo sheegey xoghaynta guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose Bashiir Cabdi Gooje.

 

Labadan degmo ayaa noqdey degmooyinkii ugu dambeeya ee la gaarsiiyo ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo mamulka dhowaan loo dhisey gobolka shabeellada Hoose,inta ay safarka ku jireen iyo markii ay gaareen degmooyinkan ayaan wax dhibaato ah aysan ka dhicin.

 

degmada Baraawe ayaa waxaa muddo dheer si xoog ah ku haystey C/llaahi Xalane Dhuxuloow,haatanna ka mid noqdey maamulka ay dowladdu dhowaan u magacowdey gobolka iyo degmoooyinkiisa.

 

Degmadan ayaa waxay muhiim u tahay maamulka gobolka shabeellada Hoose,maxaa yeeley waxay isku xirtaa gobollada Jubbooyinka iyo gobolka Sh.Hoose, sidoo kale waxay xuddun u ahayd isku xirka isbaheysiga dooxada Jubba oo haatan la doonaayo in dib loo soo abaabulo.

 

Markaas haddii awoodeeda maamul iyo ciidan uu si rasmi ah ugu gacangaley Maamulka gobolka iyo xukuumadda kumeelgaarka ah oo culeys weyn,uu ka haysto gacan ku dhigista gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Caasimadda gobolka ee Kismaanyo,sidoo kale degmadan ayaa waxay sahleysaa kontoroolka iyo gacan ku haynta amaanka wadada dheer ee isku xirta Caasimadda iyo gobolada Koonfureed.

 

Si kastaba ha ahaatee waxay labadan magaalo ee Sablaale iyo Baraawe ay u gacan galeen maamulka rasmiga ee ay madax ka yihiin shacabka ku abtirsada degmooyinkaas oo muddo dheer si xoog ah lagu haystey,inkasta oo uu maamulku weli barxan yahay,oo ay ka mid noqdeen kuwii xoogga ku haystey.

 

Maalmaha soo socda ayaa waxaan wareysi la yeelan doonnaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Qoryooleey,K/waareey,Sablaale iyo Baraawe,kuwaas oo aan ka wareysan doonno dhinacyada nabadgelyada,siyaasadda iyo bulshada

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kurtunwaareey: Maamulka Cussub oo Weli La Hortaaganyahay, Dhuxuloow oo Baraawe Wareejiyey.

 

Dadweynaha Reer Baraawe oo Maamulka Cussub soo Dhoweeyey.

 

Dhuxuloow oo si Nabad ah iska Wareejiyey Maamulkii Baraawe.07/17/07

Aadan Cusmaan - DMC-Marka

Marka [DMC] 17 July 2007.

 

Waxaa maanta magaalada Marka dib ugu soo laabtey wafdi ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baraawe ka dib markii ay Maamullka Degmada ku soo hubsadeen xaruntiisa, waxaana Maamulka Degmada si nabad ah ku wareejiyey C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo aan muujinin wax diidmo ah haba yaraatee sida ay noo sheegeen wafdiga dib ugu soo laabtey xarunta Gobolka ee Marka.

 

Wafdiga dib u soo laabtey waxaa ka mid ah Xog-hayaha Gobolka C/llaahi Cali Cumar, Maxamed Ibraahim oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Dhaqalaha ee Degmada Baraawe, Taliye Kuxigeenka Asluubta Gobolka iyo xisaabiyaha Gobolka oo ah Cali Axmed Abtiddoon. Wafdiga ayaa sheegey inay si nabad ah ku dhacdey wareejinta Maamulka Degmada islamarakaasna shacabka magaaladu oo aan kala harin ay si fiican u soo dhoweeyeen.

 

Xubanahaan dib ugu soo laabtey magaalada Marka ayaa warbixin dheer siiyey Guddoomiyaha Gobolka Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur. Sidoo kale maamulkii hore ee Degmada Sablaale ayaa sidaas si la mid ah ku wareejiyey Maamulka Degmada oo ay soo magacowdey Xukuumadda Kumeelgaarka.

 

Sidoo kale wafdiga ayaa Maamulka Gobolka iyo Taliyaha Militeriga ee Guutada Sagaalaad waxay ka codsadeen in labadaas Degmo loo diro ciidamo dheeraad ah si ay uga qeyb qaataan sugidda ammaanka labada Degmo.

 

Dhinaca Maamulkii sida xoogga mudada 17ka sano ku haystey Degmada K/Waareey Salaad Cali Koofi ayaa ku gacan seyrey inuu wareejiyo maamulka ka dib markii Maamulka Degmada loo soo magacaabey uu halkaas gaarey asagoo ku andacoonaaya inaan la siinin mudnaanta uu lahaa. Waana ‘Guddoomiyaha’ keliya ee diidey inuu Maamulka si nabad ah ku wareejiyo. Waxaana shir arrintaas ku saabsan maanta xarunta Gobolka u fadhiya Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan Ciidanka Guutada 9aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Waxaa laga fikirayaa sidii halkaas ciidamo dheeraad ah loo geyn lahaa kaas oo culeys lagu saarayo Salaad Cali Koofi laguna xoojinaayo awoodda Maamulka cussub ee Degmada K/Wareey oo Bartamaha Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Salaad Cali Koofi ayaa Degmadaas wuxuu xoog ku haystey laga soo billaabo burburkii Xukuumaddii Militeriga ahayd illaa iyo maanta. Wuxuuna doonayaa sida saaxiibadiisa kale ee uu Dhuxuloow ka mid yahay in loo magacaabo Maamulka Degmada ama kan Gobolka waana taas sababaha uu u diidey inuu maamulka wareejiyo.

 

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka ayaa wuxuu u socdaa si habsami ah marka laga eego dhinaca Maamulka iyo nabdgelyada inkasta oo aan weli la xareeynin malleeshiyaadkii halkaas ka talin jirey.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Marka

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this