Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa; Courts deny reports of attack

Recommended Posts

Maxaakiimta oo Beenisay wararka sheegaya inay Baydhabo weerar ku yihiin

Posted to the MOL June 12, 2006, 7:49 am

 

 

Duhurnimadii maanta ayaa Waxaa ay Maamulka Maxaakiimtu Shaaca ka Qaadeen inay Been yihiin wararka sheegaya inay Duulaan ciidamada Maxaakiimtu ku sii yihiin Magaalada Baydhabo oo ah Saldhiga Dawlada fadaraalka ah,iyaga oo sheegay inaysan ahayn wax loo baahanyahay in la weeraro Deegaan nabadi ka jirto & kala danbayn Dawladeeda isla markaasna dawlada uga mahad celiyay Amniga Gobalka Bay gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo ay dawladu ku hawlnayd Maalmihii lasoo dhaafay.

 

Afhayeen u hadlay Maxaakiimta ayaa Sheegay Baydhabo inay tahay meel Dawlada fadaraalka ah ay ka taliso wax dhib ah ama kacdoon shacab oo ka jiraana aysan jirin iyadoo dawladu ay isku xilqaamtay Xalinta Mushkiladihii gaystay Dhaawac & Dhimashadaba ee Dhawaan ka dhacay magaalada Badyhabo, wuxuu yiri Waan soo dhawayanaynaa Tilaaba kasta oo horkacaysa Nabadaynta dalka soomaaliyeed isaga oo Carabka ku dhuftay in dalka soomaaliya ay nabadayn karaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dawlada Fadaraalka ah Haday is kaashadaan kana wada shaqeeyaan danaha guud. Wuxuuna af hayeenku gaashaan ku dhuftay Wararka lagu doonayo In Ciidamo Shisheeye wadanka soomaaliya Yimaadaan wuxuuna Dawlada ugu Baaqay Inaysan horseedayn waxaan dhib ahayn hadii ay dhacdo in loo Codeeyo Imaansha Ciidamo Shisheeye oo gaalo ah.

 

Mar wax laga waydiiyay Abaabulka ciidan ee illaa xalayba socday Meesha uu ku wajahanyahay iyo Cida ay weerarka ku yihiin ayuu wuxuu ku Jawaabay Afhayeenku, Qofwalba oo Lasocda Siyaasada Dalka Soomaaliya wuu ogyahay cida aan weerarka ku nahay Inay tahay Isbahaysigi aan dhawaan ka sufaynay Magaalada Muqdisho Firxadkii ka haray oo ku sugan Magaalada Jawhar wuxuuna intaas ku daray inaan Nabad la gaari karin inta Isbahaysiga iyo Xulufadoodu ay isku kaashanayaan Dhibka Dadka rRayidka ah ee Soomaaliyeed isaga oon Sheegin Xulufada Isbahaysigu cida ay tahay.

 

Dhanka kale Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xogogaal ah ayaa bogeeda hore ku daabacday in, in ka badan 1500- Dagaalyahan oo Maxaakimta Islaamka ka tirsan haatan la isugu geeyey Xerada Hiilweyne.

 

Ciidankan ayaa sida la sheegay waxa hogaaminaya Xasan Cabdulaahi Xirsi (Turki) oo ka mid ah Madaxda lagu Tuhunsanyahay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacidda ee ku jira liiska Maraykanka uu ku daabacay dadka lala xiriirinayo Argagixisanimada.

 

Mukhtar Abshir Diiriye

London, England

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this