Sign in to follow this  
General Duke

March for peace in Beledweyne

Recommended Posts

BANNAANBAX WEYN OO LAGU TAAGEERAYO HESHIIS KAMA DAMBEYS AH OO MAANTA KA DHACAY BELED WEYNE

 

odayaal.jpg

 

Beled Weyne, June 17, 2005 (HOL) - Kaddib markii ay si fool ka foolka isu soo horfariisteen odayaashii beelihii dhowaan ku dagaalamay xaafadda Howl wadaag ee degmadan beled weyne, ayaa waxay si buuxda uga heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyay labada beelood.

 

Dhexdhexaadinta beelahan oo ay hormuud ka ahaayeen Ugaasyada, Odayaal dhaqameedyada iyo qaar ka mid ah ganacstada reer Hiiraan ayaa waxay si weyn xil isaga saareen sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskan.

 

ugaasyo.jpg

 

Labada beelood oo laysa soo horfariisayay ayaa waxay si wada jir ah uga codsadeen guddiga dhexdhexaadinta bal in marka hore ay ayagu wadahadlaan, kaddibna waxyaabaha ay isku mari waayaan uu guddigu uga garsooro. Kaddib labada beelood markii ay maalin dhan wada hadlayeen ayaa waxay soo saareen hal qodob oo ay ku soo afjareen colaaddii dhextiillay, qodobkaas oo ah.

 

qanyare.jpg

1. In ay beel waliba u cafiso beesha kale wax kasta oo khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalka dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba oo aysan jirn beel wax u raacata beesha kale.

 

Intaa dabadeed, waxa la furay suuqyadii xaafadda howl wadaag, dadkuna si caadi ah isu dhexmarayay, maalintii shalayto ahayd ayaana laga saxiixay beel walba heshiika ay gaareen, waxana lagu mariyay dhaar, beel walbana halkaas waxa lagu guddoonsiiyay kitaabka quraanka ah.

 

 

ugaas_cabdiraxman.jpg

Haddaba manta ayaa fagaaraha weyn ee ku yaalla xaafadda howl wadaag lagu sameeyay xaflad weyn oo lagu soo afmeerayo heshiiskan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan. Dadkii halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood waxay fekerkooda ku cabireen sida ay xun yihiin dagaaladan micno darrada ah, waxayna uga digeen inaysan shacabka u horseedin burbur dambe.

 

 

Markaa kaddib, waxay halkaas labad beelood ku gowraceen 4 subeynood oo ay Soomalidu u taqaanno "Sumal iyo Subayn" taasoo lagu micneeyay inay si dhab ah oo kama dambeys ah ay u qaateen heshiiska beelahan.

 

Intaa kaddib, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo soo gebegebeeyay shirkii manta ayaa marka hore waxa uu uga tacsiyadeeyay qoyskii uu ka dhashay wiil dhallin yaro ah oo ka mid ahaa ciidanka nadab ilaalinta oo habeen hore halkaas ku lagu dilay kuna geeriyooday oo aanan la garanayn illaa iyo hadda cidii dishay.

 

Ugaaska ayaa waxa uu uga mahad celiyay sidii wanaagsanyd ee ay beeluhu u qaateen waanada ugana oggolaadeen in ay wada hadlaan, waxana uu sheegay inay sharaf weyn u tahay iyo guul u soo hoyatay reer Hiiraan heshiiskan waxana uu ugu baaqay Ugaaska meelaha ay colaaddu ka socoto ee dalka gudihisa ah ay joojiyaan colaadda ayna wadahadlaan.

 

Ugu dambeytiina waxay dhammaan dadkii saakay isugu yimid oo ay horkacayeen Ugaasyadu halkaas socod ka soo bilaabeen fagaarahaas kuna soo dhex wareegeen dhammaan xaafadda howlwadaag, dadweynahana ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn. Isu soo baxa maanta ayaa ku dhammaday jawi farxadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this