Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Djibouti to Send Troops to Somalia ?

Recommended Posts

Kampala (Ogaal/NV)- Dawladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay Ciidamo nabad-ilaalineed u diray Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaadan doona hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaan Magaalada Muqdisho.

 

Sida aanu ka soo xiganay barta uu Wargeyska New Vision ee dalka Uganda ka soo baxaa uu Internetka ku leeyahay, Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo toddobaadkii tegay ku sugnaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa dhiggiisa dalkaas Mr. Sam Kutesa kala hadlayay heshiis ku saabsan sidii Ciidamo dalkiisa ka socdaa ay ugu biiri lahaayeen Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Uganda Sam Guma, ayaa sheegay in Jabuuti ay aqbashay in Ciidamo dalkeeda ka socda loo diro Soomaaliya, hase ahaatee, aanay xusin tirada Ciidamada ay halkaa u dirayso. "Wasiiradu waxay shaaca ka qaadeen suurto-galnimada tabaruca Jabuuti ee ku aaddan taageerada Ciidamada Uganda iyo Burundi ee hore hawlaha nabad-ilaalineed u joogay Soomaaliya." Ayuu yidhi Mr. Sam Guma.

 

Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda Kutesha ayaa hore u sheegay in haddii aan la maamulin Soomaliya uu gacanta u gali doono Kooxaha ka dagaallama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Wadanka Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo nabad ilaalin ah ay u soo dirayso dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf oo isbuucaan booqashao ku tagay Magaalada Kampala ee xaruunta wadanka Uganda si masuuliyiinta Uganda oo ugala hadlo isku duba ridka howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ciidamo ka socda dalka Jabuuti ay ku soo biiri doonaan ciidamada Burundi iyo Uganda ee ka socda Ururka Midowga Africa ee jooga Soomaaliya.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Uganda oo lagu magacaabo Sam Gun ayaa sheegay in inkastoo dowladda Jabuuti aanay carab baabin tirada ciidamada ay u soo dirayso Soomaaliya hadana ay balan qaaday in ay ciidamo dalkeeda ka socda ku soo biirinayso kuwa Uganda iyo Burundi ee jooga Soomaaliya.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Jabuuti ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa dalka Uganda suurta galnimada balaarinta howlaha nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya.

 

Ururka midowga Africa oo ay xubno ka yihiin wadamada Burundi,Uganda iyo Jabuuti ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 5-kun oo askari oo ka socda wadamada Uganda iyo Burundi kuwaasi oo ku jooga magaca Ururka Midowga Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

Djibouti to send troops to somalia...loool !

 

looooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooool

 

looooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooool

 

wow, thats really really funny, why dont they send it to the border of Eriteria were there territory is under dispute.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why is it funny bal ??? ,,,,,,,

 

 

Djibouti has France and America to protect her ,,, then it can send few hundreds to Muqdisho and get some $$$$$

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djbouti has army! no way...lol. r u talking about the xalimoos there. they hot man, send them over, they will cool xamar like ice on yeey's lever!

 

i betchya u will see sharif doing the slow dance. grind that babe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this