Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The President of somaliland Arrives in France Paris

Recommended Posts

Madaxweynaha iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Paris ee Dalka Faransiiska

Written by Qarannews

May 02, 2010 at 07:37 AM

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigiisii oo beryahanba hawlo shaqo ku joogay Magaaladda Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay ka dhoofay Madaarka Magaaladaasi.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo gaadhay abaaro 1:30 duhurnimo ee shalay Madaarka Magaaladda Paris, waxa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Faransiiska, iyadoo halkaasi Protocol loogu tallo galay ka hoos qaaday diyaaradda, waxana loo galbiyay qolka nasashada ee VIP-da.

 

Waxa kale oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Madaarka Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaaladda Paris, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin iyo xubno kale.

 

Madaxweynaha waxa la dajiyay huteel loogu tallo galay, Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa ay Magaaladda Paris maalinta shaqaalaha adduunka, iyagoo wixii ka danbeeya Axaddana guddo geli doona hawlahooda shaqo ee ay u yimaadeen dalka Faransiiska.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Mudane, Cali Maxamuud Axmed , ayaa isagu jooga magaaladda Dubai, isagoo hawlo caafimaad u jooga oo isku dawaynaya, maalmaha soo socdana ka daba tegi doona Wefdiga Madaxweynaha.

 

 

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ah, Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Maareeyaha Dekedda Berbera, Mudane, Cali Cumar Maxamed iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed Maxamed Ciise.

 

Last Updated ( May 02, 2010 at 07:45 AM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Paris ee Dalka Faransiiska

Sunday, 02 May 2010

Hargeysa (Somalilandnation)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigiisii oo beryahanba hawlo shaqo ku joogay Magaaladda Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay ka dhoofay Madaarka Magaaladaasi.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo gaadhay abaaro 1:30 duhurnimo ee shalay Madaarka Magaaladda Paris, waxa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Faransiiska, iyadoo halkaasi Protocol loogu tallo galay ka hoos qaaday diyaaradda, waxana loo galbiyay qolka nasashada ee VIP-da.

 

Waxa kale oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Madaarka Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaaladda Paris, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin iyo xubno kale.

 

Madaxweynaha waxa la dajiyay huteel loogu tallo galay, Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa ay Magaaladda Paris maalinta shaqaalaha adduunka, iyagoo wixii ka danbeeya Axaddana guddo geli doona hawlahooda shaqo ee ay u yimaadeen dalka Faransiiska.

 

 

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Mudane, Cali Maxamuud Axmed , ayaa isagu jooga magaaladda Dubai, isagoo hawlo caafimaad u jooga oo isku dawaynaya, maalmaha soo socdana ka daba tegi doona Wefdiga Madaxweynaha.

 

 

 

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ah, Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Maareeyaha Dekedda Berbera, Mudane, Cali Cumar Maxamed iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed Maxamed Ciise.

 

 

Source Somalilandnation

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this