Sign in to follow this  
Shaakirullaah

A change in the leadership of the Islamic Administration in Bay and Bakol

Recommended Posts

Hogaanka sare ee Maamulka Islaamiga ah ee Bay & Bakool oo la badelay

 

Kulan Maanta gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka ay ku yeeshee xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Xarakatul Shabaabul Mujahidiin ee Bay iyo Bakool ayaa waxaa uu ahaa mid is badel loogu sameynayay Maamulka.

 

Gudoomiyaha Maamulka Xarakatul Shabaabul Mujahidiin ee labadani gobal Sheekh Xasan Maxamed Cali Abuu-eyman waxaa uu goobta uu kulanku ka dhacey ka sheegay in wixii maanta ka danbeeya uusan aheen Gudoomiye.

 

Waxaana intii kulankaasi uu socodey Abuu-eyman si dhab ah uga wareejiyey xilkaasi loo magacaabay Sheekh Mahad Cumar C/kariim oo noqonaya Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Bay & Bakool oo hoos taga Dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab.

 

Hase yeeshee Guddoomiyaha cusub mar uu isna goobta kulanka ka hadley ayaa waxaa uu sheegey in uu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabey isagoona balanqaadey in uu is badel uu ku sameyn doono labadani Gobal.

 

Qeybaha kale duwan ee Bulshada Bay & Bakool ayaa magacaabista Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ah ee Goboladan soo dhaweeyay, balse Gobolaha Aqoonyahanada ee Goboladan ayaa ku booriyay Maamulka in balaarin Maamulka lagu sameeyo.

 

3 Bilood ka hor ayey aheed markii Abuu-eyman xilka loo dhiibey bacdanaa maanta isna xilkaasi iska wareejey.waxaana sidoo kale uu sheegey in aaney jirin wax dhib ah oo isagu xilka u wareejiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this