Sign in to follow this  
General Duke

Switching sides..???????

Recommended Posts

1446.jpg&w=210&h=157

Cali Baashi: Amaanka Muqdisho La Iskuma Halayn Karo Dawladu Inay Meel Kale Degtana Waa Ku Saxsantahay

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

Liban Ali, hayaan_8@hotmail.com

 

Cali Baashi

 

Xildhibaan Cali Baashe Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaannada dowladda kmg ah ayaa haatan u muuqanaya nin wax ka badalay mowqifkiisii hore ee ku aaddanaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Cali Baashe Xaaji oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa tilmaamay in magaalda Muqdisho ammaankeedu uu yahay mid aan la isku hallayn karin oo aad u liita.

 

Isagoo arrinkaa ka hadlanaya Cali Baashi wuxuu yiri

 

"anigu waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee naftooda ku soo biimeeya magaalada Muqdisho waana goob aan ammaankeeda la isku hallayn karin oo loo baahanyahay in wax badan laga qabto"

 

Cali Baashe waxa uu tilmaamay in madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisul wasaare Geeddi ay ku saxsanyihiin in ay dowladda geeyaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho inta ammaanka caasimadda uu ka hagaagayo, isagoo sheegay in beelaha ****** la siiyay 11 wasiir oo ka mid ah dowladda ra'iisul wasaare iyo ra'iisul wasaare ku xigeen, mudnaantaasina lagu siiyay in ay nabadeeyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,basle aanay ilaa hadda ku guulaysan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan ayuu sidoo kale ku tilmaamay nin gacanta ugu jira dagaal oogayaal aan doonaynin in dalku u hagaago.

 

Mar uu ka hadlayay arrinta keenista ciidammo ka socda dalalka dariska la ah somalia waxa uu sheegay in uusan filaynin in taasi ay dhacayso,balse waxa uu sheegay in inkastoo hadda aan Ethiopian joogin dalka somalia haddana ay gobol kasta oo somalia ka mid ah joogaan wakiillo dowladda Ethiopia la shaqeeya

 

Lama garanayo waxa sababay is baddalka ku yimid mowqifka siyaasadeed ee xildhibaan cali Baashe oo ka mid ahaa xildhibaanndii ugu horreeyay ee yimid magaalada Muqdisho oo ay ku tilmaameen xilligaasi in ay tahay mid la isku hallayn karo oo u baahan oo kaliya in la iska kaashado dhammanta waxa dhiman.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aadan Saransoor ayaa lagu soo waramayaa in uu u Baqooli doono Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, Isaga oo La sheegay in uu Gabi ahaanba Mowqifkiisii Siyaasadeed Badalay

Posted by : webmaster on Thursday, June 30, 2005 - 04:18 AM

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Aadan saransoor uu xiriir Khatka Telefoonka ah la soo sameeyay Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Xudur, isaga oo ku wargalinayay in uu Mowqfkiisii siyaasadeed wax ka badalay, doonayana in uu Dowlada Federaalka ah ku garab istaago howlaha nabadaynta ah ee ay ka wadaan Gobolada Baay iyo Bakool.

 

Mar aanu xiriiro Khatka Telefoonka ah la samanay xubno ku sugan Magaalda Xudur oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada Federaalka ah ee ku meel Gaarka ah, ayay waxa ay inoo sheegeen, in ay soo dhawaynayaa hadalka ka soo yeeray Aadan Saransoor, Balse lagu qaadi doono Qof walba danbiga uu galay.

 

Waxaan la ogayn sababta badashay Mowqifka Aadan Saransoor oo isagu ahaa nin gacan saar dhow la leh, Hogaamiya Kooxeedyada Muqdisho iyo Xildhibaan Ibraahim Xaabsade.

 

Waxaa ayaamahan soo badanaya Xubnihii Mucaaradka ku ahaan jiray Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo Iyagu Mowqifkoodii Siyaasadeed wax ka badalaya.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this