General Duke Posted May 12, 2006 Jaamacadda Carabta Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhexdhaxaadineyso Kooxaha Ku Dagaalamaya Muqdisho Posted to the MOL May 12, 2006, 9:42 am Muqdishu:- Ergeyga Jaamacada Carabta ee arimaha Soomaaliya samiir Xusni ayaa daboolka ka qaaday in Jaamacada Carabta ay si aad ah uga walaacsan tahay dagaalada maalintii lexaad ka soconaya magaalada Muqdisho. Samiir Xusni oo saaka ka qeyb galay Barnaamijka Maa Waraa Alkhabar ee ka baxa Taleevishinka Aljaxeera oo looga hadlayay dagaalada ka socda magaalada Muqdiso ayaa carabka ku dhajiyay in dagaalada ka soo noqnoqday ee Muqdisha ka dhaca ay sbaab y yihiin beesha caalamka oo ka gaabisay doorkii kaga aadanaa taageerida dowlada Soomaaliya oo haddii ay hesho taageero caalami ah ku guuleysan lahyed sugida amniga gacana laga siin lahaa hub ka dhigis ay ku sameyso maleeshiyaadka. Ergeyga Jaamacada Carabta ee arimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Ergey gaar uu Caamir Muusaa u soo dirayo magaalada Muqdisho si uu gacan uga geysto Joojinta dagaalada ka socda Muqdisho uuna soo gaari doono Muqdisho dhawaan. Dagaalada maalintii lexeed ka soconaya Muqdisho ayaa dadka ku geeriyooday wax ay sii cagacageynayaan 150ruux inta laga war hayo halka dadka ku dhaawacmayna ay sii marayaan 250ruux . Dagaalkii maanta ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 10ruuux halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.iaydoo dhawaqa rasaastna ay weli ka jirto magaalada . Cismaan Xasan Cali(fantastic) Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites