Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The pirate state is doing a good Job As usual.

Recommended Posts

Xubno Ka Tirsan Maamulka Garoowe Oo Ka So Jeeda SSC Oo Bilaabay In Ay Magaca SSC Kaga Qaraabtaan Mudug

Written by Jidbaale.com

Sunday, 23 May 2010 16:11

 

Galkacayo(Jidbaale.com):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan maamulka Garoowe oo ka soo jeeda SSC in ay bilaabeen in ay beelaha gobolka Mudug Xaaladda ka jirta SSC ku baadhaan.

 

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnihii ugu darnaa ee ka soo horjeeday in deegaanka SSC laga safeeyo jabhadda SNM , garabna siinayey siyaasadda C/raxmaan Faroole ee ku wajahan gobolada SSC oo kala ah ninka ku magacaaban wasiirka Kaluumaysiga Maxmed Faarax Faruur . Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Xuseen Yaasiin Diiriye (Xaaji Waal Waal) iyo xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Faarax Sulub Jaamac bilaabeen in ay ku shaqaystaan magaca beelaha SSC taageerana kaga raadiyey Gaalkacayo arrimaha haatan ka socda Widhwidh iyo Buuhoodle.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka SSC ayaa sheegay in ay uga digayaan beelaha Mudug in aanay ku kadsoomin xubnahaasi oo iyagu dano gaar ah wata , magac shacabka colaadu haystana ku hadli Karin ee ay yihiin xubno maamulka Garoowe u soo dirsaday Gaalkacayo si ay dano gaar ah u fushadaan.

 

Xubnahan ka tirsan maamulka Garoowe kuna qaraabanaya magaca SSC ayaa lagu soo waramayaa in durtaba ay guda galeen hawlahaas ay ku tilmaamayaan in ay doonayaan in ay wax kaga qabtaan deegaankaasi, waxaana lagu wadaa wixii ay gacanta ku dhigaanba ay u leexinayaan goobo lagu dibin daabaynayo SSC , ilahan xog ogaal kahi oo ka gaabsaday in la xuso magacooda waxay uga digeen beelaha Mudug in aan laga majara habaabin cida hawlaha xaalada SSC ka jirta lagala xidhiidhi karo.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this