Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Weather Update. (Pics)

Recommended Posts

Cowke   

roob1.jpg

 

Dooxadii Qardhood oo Doonyuhu Ka Dhoofi Karaan Biyo Darteed

 

May 23, 2010

 

 

Waxaa habeenaimadii xalay ka da’ay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar roob lixaadleh, roobka xoogiisa ayaa ka da’ay deegaanada dhanka galbeed magaalada uga beegan, kuwaas oo sababy in biyo xoogleh magaalada ay ku soo rogmadaan.

 

Khasaaraha ka dhashey biyaha magaalada ku soo rogmadey ayaa aad u badan, waxaa dumey guryo badan, waxaana biyuhu cagta mariyeen oo dumiyeen dhamaan meheradihii suuqa ganacsiga, inkasta oo aan weli la soo sheegin khasaare nafeed.

 

Magaalada Qardho ayaa waxa ay ku taala dhul biyo mareen ah waxaana magaalada afka ku haya laba waadi kuwaas oo kala ah Kubo iyo Xingood, waxaana biyuhu ka yimaadeen dhamaan waadiyada magaalada mara.

 

Goobaha ganacsiga iyo guryaha deegaanka ee laga dhistey meelihii ay biyuhu mari jireen ayaa sababay in biyhu magaalada dib ugu laabtaan isla amrkaana ay kor ugu baxaan xaafadaha kore sida Xorgoble iyo meel oka mid ah Wadajir (Qorayacad), sidoo kale biyaha ka soo dhacay xingood ayaa la soo sheegayaa in ay khatar badan geliyeen buundada weyn ee ku taala halkaas, waxaana aad looga shaki qabaa in aysan gawaari halkaas mari karin inta la ogaanayo khasaaraha gaarey buundada. Xaafadaha Xingood ayaa lagu soo waramayaa in roobku guryo ku duimiyey isla markaana ay biyuhu gaareen.

 

Si kastaba ha ahaatee biyaha ayaa xoogoodu ku dhacayaan dhanka bari ee magaalada sida togaga Shinbiraale, Bulaale iyo Ceelmur, waxaana la qiyaasayaa in biyuhu gaari doonaan ilaa masaafo aad u fog oo ka hooseysa xarunta rabiiciyada ee Adisoona.

 

Maamulka degmada ayaa qaylo dhaan soosaarey, waxaana buunda jiifka magaalada dhexceegaaga meheradihii biyuhu soo qaateen, waxaana laga cabsi qabaa in caafimaad daro ay ka dhalato biyahan faraha badan.

 

Kasokow khasaarooyinka biyaha ka dhashey ayaa roobabka gu’ga ee ka da’aya dalka Soomaaliya ay noqonayaan kuwii ugu wanaagsanaa ee muddo dheer halkaas ka da’a waxaana ka dhacdey barwaaqo caamiya ah

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Roob Saacado Badan Socday oo Ka Da’ay Bosaaso(Sawiro)

 

May 23, 2010

 

Waxaa magaalada Bosaaso maanta ka da’ay roob ay si weyn ku diirsadeen dadka degan kaas oo socday mudo badan,roobka ayaa bilawday xilli laga soo baxay salaada subax wuxuuna soo dhamaaday saacadu markii ay ahayd abaaro 10-saac subaxniimo.

 

Roobka ayaa Xaafadaha iyo wadooyinka dhexmara magaalada dhigay biyo aad u badan taas oo sababtay inuu xirmo isusocodka ganacsiga iyo gaadiidka,waxaana saaka xiran dhamaan goobihi ganacsiga iyo waxbarashada oo aan saaka la tegin.

 

Xaafadaha qaar ayaa waxaa xirmay wadooyinkooda,waxaana dadweynaha ay si aad ah ku mashquulsanyihin sidii ay u furi lahaayeen wadada oo biyo badan fariistay.

 

Ilaa iyo hadda waxaa isi soo taraaya khasaaraha uu roobkaan geystay,waxaana lasoo sheegaaya in ay jiraan guryo dumay ayadoo sidoo kale dadka Barakacayaasha ee ku nool kaamamka ku yaalla magaalada uu saamayn balaaran ku yeeshay uuna dumiyey guryaha ay degnaayeen.

 

Dadweynaha ayaa dhamaantood soo dhoweeyey roobkaan oo Alle ku maneystay,waxaana saaka jawiga magaalada si weyn uga duwanyahay maalmihi kale.

 

Maalmihi lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada laga dareemaayay saansaan roobka ah,waxaana uu roobkaan yimi xilli lagu guda jiro waqtiyada kuleylaha isla markaana ay dadku ka baxayaan oo ay aadayaan magaalooyinka kale.

 

Horseed Media

 

DSC02439.jpg

 

DSC02429.jpg

 

DSC02430.jpg

 

DSC02444.jpg

 

DSC02428.jpg

 

DSC02437.jpg

 

DSC02433.jpg

 

DSC02434.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ loool, cowke blames everything bad that happens in puntland on SNM or the so called USC nightmares of his.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Roobab Saacado Badan Socday oo Ka Da’ay Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Roobab qaatay mudo ku dhow 24 saacadood ayaa ka da’ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo roobabku biyo badan dhigeen. Magaalada.

 

Roobabka oo bilawday xaley fiidkii ayaa sii xoogeystey xaley saqdii dhexe waxayna socdeen tan iyo maanta gelinkii dambe.

 

Ma jirto wax khasaare ah oo laga diiwaangeliyey roobabka, waxaase ay hakad geliyeen maanta guud ahaan socodkii ganacsiga iyo gaadiidka ee gudaha magaalada, waxaana guud ahaan maanta fasax ahaa waxbarashada iyo shaqooyinka roobabka dartood.

 

Waxaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada oo ay biyuhu fariisteen iyo dad biyo daad ah ka soo guraya guryahooda oo ay biyuhu soo galeen.

 

Magaalada Boosaaso ma leh meelo gaar ah oo biyaha ay mareen waxaana taasi ay sababtaa marka ay roobabku da’aan inay waddooyinka ciraan, taasina caqabad ay ku noqoto dadka iyo baabuurta.

 

Saameynta ugu weyn ayaa roobabku ku yeesheen shirkadaha isgaarsiinta iyokuwa korontada oo maanta waqtiga ugu badan la joojiyey.

 

Telefoonada dhulka iyo isgaarsiinta internetka ayaa magaalada ka maqnaa maanta, iyadoo sidoo kalena korontada laga jarey magaalada cabsi laga qabo inuu khasaare ka yimaado, hase ahaatee waxa taasi ay caqabad ku noqotay baahida dadku u qabo isgaarsiinta iyo korontada oo ah muhim u ah nolosha aadanaha ee maanta.

 

Qaar ka mid ah dadweynaya ayaa RBC u sheegay inay ku faraxsan yihiin roobabkan Guga ee ka biulawday Boosaasoiyadoo maalmihii la soo dhaafayna ay ka da’ayeen degaano kale oo ka tirsan gobolka.

 

Waxaana roobabku ku soo beegmeen xilli magaaladu ku jirtay waqtiga Xagaaga ee kuleylaha oo caadiyaan Boosaaso laga guuro, hase yeeshee waxaa roobabku ay hami geliyeen dad badan oo weli magaalada ku sugnaa.

 

Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayey xaley illaa maanta roobabku ka da’een, waxaana degmada Qardho ay roobabku ka geysteen burbur ku yimid suuqii weynaa ee degmadaasi oo biyuhu qaadween.

 

Labo ruux oo dhalinyaro ah ayaa iyaguna dhaawacyo soo gaareen sida la sheegay ka dib markii ay meel ku dhow ku dhacday biriq.

 

Cabdalle Axmed

RBC Radio

 

r13-300x225.jpg

 

r22.jpg

 

r31.jpg

 

r42.jpg

 

r5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Shilal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Boosaaso iyo Qardho (Sawiro)

 

Qardho (RBC Radio) Iyado saacadihii la soo dhaafay roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen magaalooyinka Boosaaso iyo Qardhoiyo degaanada u dhexeeya ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Qardho shilal baabuur oo dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

 

Ugu yaraan 1 ruux ayaa geeriyooday iyadoo 8 kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan ka dib markii gaari nooca bus ka ah uu kula rogmaday agagaarka buundada Laag oo 30-KM u jirta Boosaaso.

 

Shilkan ayaa dhacay saaka waaberigii xilligaasi oo roob dabeylo watey oo socday 24 saacadood ay ka da’ayeen magaalada iyo hareeraheeda.

 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ka wada tirsanaa halqoys waxaana dhaawaca haatan lagu daweynayaa isbitaalka Puntland ee magaalada. Waxaana dadka dhaawaca ka mid ah carruur yar yar.

 

 

Shil kale oo shaley ka dhacay tuulada Al-Xamdulilaah oo ku dhow degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa waxaa ku geeriyooday 2 ruux ka dib markii uu la qalibmay gaari nooca xamuulka qaada oo ay la socdeen, waxaa isla shilkaasi ku dhaawacmay hal ruux oo kale.

 

Shilalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta illaa shaley roobab culus ay ka da’ayeen magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho. Roobabkaasi oo sidoo kale sababay hakad ku yimid socodkii gaadiidka iyo ganacsiga labadaasi magaalo.

 

Inta badan xilliyada roobka waxaa dhaca shilal baabuur kuwaasi oo loo aaneeyo wadada oo aan fiicneyn iyo jawiga oo ah mid halis ah. Hase yeeshee wadayaasha baabuurta ayaan arimahaasi ka taxadarin.

 

Toddobaadkii hore ayaa roobab saacado badan da’ayey oo xiray wadada laamiga waxay sababeen shilal ay dhowr ruux ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

 

RBC Radio

 

sh11-300x225.jpg

 

sh31.jpg

 

sh22.jpg

 

sh52.jpg

 

sh62.jpg

 

sh71.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Mashallah for these rains, done good for the land. Theirs reports that rains have hit ssc regions!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this