Xudeedi Posted November 7, 2009 C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media Bosaaso,Soomaaliya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Axmed Maxamed Doonyaale ayaa waxaa u sheegay in Dowlada Puntland ay soo dhowaynayso go’aanki dhowaan ay Dowlada Sacuudiga ay ku fasaxday Xoolaha Soomaalida. Waxaa u intaasi ku daray Wasiirku in ganacsatada Soomaliyeed iyo kuwa Reer Puntland ee doonaaya in ay wax dhoofsadaan in ay u furantahay Dekada weyn ee magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Dowlada Puntland. ”Cidi doonaysa in ay dhoofsato Geel,lo’a,Ari iyo waxyaabaha la midka ah waanu soo dhowaynaynaa” ayuu yiri Wasiirku. Mar Wasiirku uu ka jawaabayay Su’aal ahayd halka la geeyo xoolaha laga helo cudurka Burseelka ayaa waxa u sheegay in xoolahaasi dalka dib loogu soo celiyo,isla markaasina laga daaweeyo. Maxamed Faarax Maxamuud oo ah Maamulaha Maxjarka Puntland ee xaruntiisu ay tahay magaalada Bosaaso ayaa waxaa uu sheegay in ay ka go’aantahay maamulkooda in ay ganacsatada kala shaqeeyaan Caafimaadka Xoolaha ay dhoofsanayaan iyo ka caawinta shuruudii xoolaha ay ku xirtay Boqortooyada Sacuudiga ee ku aadanayd caafimaadka xoolaha Soomalida ee loo iibgaynaayo wadankaasi. “Ganacsatada waxaan ku soo dhowaynaynaa gacmo furan,kana fa’ideysta fursadaasi qaaliga maadaama xoolaheenu ay xayirnaayeen mudo dhowr iyo toban sano ah”,ayuu yiri maamulaha maxjarka gobolada Puntland Maxamed Faarax Maxamuud. Maxamed ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Dowladaha khaliijku ay umada Soomaaliyeed u ogolaadeen in xoolahooda ay u dhoofsan karaan,hasa yeeshe aysan ka daalayn in xoolahooda ay u raadiyaan Suuqyo kale. Hadaladaan ayaa Wasiirka Xannaanada xoolaha Puntland iyo maamulka Maxjarku ay ka sheegeen xilli maanta ay Shir Saxaafadeed ay ku qabteen gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. D.r Abshir Siciid Aw-Yuusuf oo ka mid ah Dhaqaatirta maxjarka oo inta Shirka Jira’id soconaayay goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xoolaha umada Soomaaliyeed ay u diyaariyeed daawooyin,Xanaanayn iyo agab kale oo lagula socon karo habsami u socodkooda xaaladeed. Maxjarka weyn ee Dowlada Puntland oo qaar ka mid ah Saxafiyiinta ay indha indhayn ay ku sameeyeen markii shirkaasi Jira’id uu soo dhamaaday ayaa waxaa ka muuqanayay xoolo badan o isugu jira Geel,lo’a iyo Ari kuwaasi oo ay baaritaano ku samaynaayeen Dhaqaatir Caafimaad ah. Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli maalinimadi khamiista ay Dowlada wadanka Sacuudigu ay fasaxeen Xoolaha Soomaalida Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 7, 2009 Dawladda Soomaaliyeed ee Puntlanda ayaa aad usoo dhowaysay furitaanka ay dawladda Sucuudigu Furtay xoolahaSoomaaliya, dawladda puntland ayaa waxa ay sheegtay in arrintani ay tahay mid aad loogu baahan yahay islamarkaana wax ka qaban doonta baahida dad farabadan oo Soomaali ah. Kullan ballaaran oo maanta kadhacay Maxjarka dawladda Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay kullankaasi masuuliyiin ka socotay dawladda Puntland iyo masuuliyiinta Maxjarka dhamaantoodna waxa ay aad usoo dhoweeyeen furitaanka xoolaha Soomaaliya ee ay xayiraada kaqaaday Dawladda Sucuudiga. Kullanka ayaa ugu horayn waxaa kahadlay wasiirka xanaanada xoolaha ee dawladda soomaaliyeed ee Puntland Axmed Maxamed"Doonyaale" wasiirka ayaa waxa uu shaaca kaqaaday in arrintani ay tahay mid ay ka dawlad ahaan aad usoo dhowaynayaan dhamaan dadka soomaaliyeedna ay dani ugu jirto. "Waa wax aad u wanaagsan in maanta aan maqalno in xayiraadii laga qaaday xoolaha soomaaliya runtii waa mid ay danweyn ugu jirto dhamaan umadda soomaaliyeed maadaama ay u badan yihiin soomaalidu xoolo dhaqato, xoolahooda ayaa iyaga oo u baahan waxay mari jireen cidla islamarkaana waxaa qaadan jiray dad aan wax arxan ah u galayn kuna qaata qiimo aad u jaban", ayuu yiri wasiirka xanaanada xoolaha ee dawladda Puntland. Wasiirka ayaa waxa uu intaasi kudaray in dawladda Puntland ay soo dhowaynayso dhamaan umadda soomaaliyeed in xoolahooda gashadaan Maxjarka dawladda Puntland kadibna ay ka dhoofsadaan marka labaaro caafimaadka xoolaha dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawladda Puntland. Waxaa ugu dambayntii kahadlay maamulaha Maxjarka magaalada Boosaaso Faarax Maxamed Maxamuud waxa uuna sheegay in ay aad u soo dhowaynayaan furitaanka xoolaha soomaalida ee ay furtay dawladda Sucuudiga, waxa uuna intaasi ku daray in Maxjarka dawladda Puntland ee magaalada Bosaaso uu yahay mid u furan dhamaan umadda soomaaliyeed. Kullankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli maalintii Khamiista ay dawladda sucuudigu sheegtay in ay gebi ahaanba furtay xoolaha ayna kaqaaday xayiraad ay saartay muddo hore waxaana la oran karaa waa mid muhiimad weyn ugu fadhida dhamaan shacabka soomaaliyeed oo iyagu u badan xoolo dhaqato. Jaamac Axmed Cali (Jaamac Joofane) Joofane11@hotmail.com Laasqoray.net Boosaaso Puntland Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 7, 2009 Kulan dhinacyo badan lahaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Maamuka Pl ayaa ka dhacay Magaalada Bosaaso, Kulankaasi ayaa waxa ka soo qayb Galay Ganacsato iyo waliba maamulka sare ee Maxjarka Xoolaha ee magaalada Bosaaso. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Axmed Xuseen Doonyaale ayaa Kulankaasi Ugu Horayn ka hadlay waxana uu sharaxaad ka Bixiyay Ujeedooyinka Kulankas, Wasiirka ayaa Cadeeyay inay aad Ugu Faraxsanyihiin in Xayiraadii Mudo saaray Xoolaha Somaalida laga qaado. Doonyaale ayaa Cara baabay in qaabka loo dhoofinyo Xoolaha ay tahay iyaga oo aan Dekeda Bosaaso Haba Yaraatee laga dhoofin Karin xoolo aan soo marin Hangarka Xooolaha lagu Xanaaneeyo ee duleedka Magaalada Bosaaso. Wasiirka ayaa dhan kale u sheegay Ganacsatada Xoolaha dhoofisa inay Ilaaliyaan SHuruudahaasi oo aanay Jabin Hashiiska Si Buu yiri loo Gaadho Hadafka xoolaha dhoofinta ee Pl. Dhawaan bay ahayd markii Dawlada Sucuudiga ay Xayiraadii ka qaaday Xoolihii Somaliada oo Mudo Lagu hayo taako ka dib markii la sheegay inay xoolaha Soomaliada qabaan Cudurka Rift Valig. Laasqoray.Org Jama Ayaanlle. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 7, 2009 Bosaso:-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Axmed Yusuf Doonyaale ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxda Maxjarka Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland ,Waxaana ay ka wadahadleen Wasiirka iyo Qaybaha kale ee Wasaaradu sidii loo tayeynlahaa xoolaha ka dhoofaya Dekeda Magaalada Bosaso ee Xarunta ganacsiga dowlada PL. Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sidoo kale Madaxda Dalka sucuudiga ee Maxjarka waxay isla soo qadeen inay yihiin xoolaha degaanada dowlada Puntland laga dhoofiyo kuwo aad loogu kalsoonyahay islamarkaasina dalalka qaarkood ay aad u danayaan. Wasiirka ayaa kula dardaarmay Masuuliyiinta dalka iyo kuwa debedaba inay si wanaagsan u baadhaan xoolaha oo ay dhaqaatiirtu xaqiiqada jidha ka sheegto xoolaha Nool ee degaanada PL ka dhoofaya,Waxaana uu xusay Wasiirku inay xoolo aad u tirabadan ka dhoofayaan Maxjarka dowlada ee Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga dowlada PL. Maxjarka Bosaso ayaa todobaadkan gudihiisa xoolaha Noole ee loo dhoofinayo Dalka Sucuudiga ay xariga Soo jabsan donaan iyadoo xoolo aad u tirabadan ay Iminka ku soo daabulayaan Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga dowlada PL Qaybaha kala duwan ee Xooladhaqatada iyo kuwa ka baayac Mushartara xoolaha Nool. Maxamed Axmed Ciise Radio Dhahar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted November 7, 2009 Puntland Livestock measures are excellent, they been taking this measures such as livestock vaccination for years now to guarantee customers that only the best and safest livestocks are transported of Bossaso Port. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 8, 2009 The minister is doing a good job, long may it continue. Quote Share this post Link to post Share on other sites