Liibaan Posted July 13, 2010 Taliyaha Sirdoonka Somalidiidka Oo Baxsaday Una Cararay Dhinaca Ethiopia Jamhuuriya "Gaadiid sirdoonku leeyahay oo la waayey iyo madax-weynaha la doortay oo soo saaray waaran lagu soo qabanayo taliyaha baxsaday" Hargeysa-(Lug)- Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa la sheegay inuu dalka ka baxsaday, iyada oo lagu jiro xili kala guur ah oo aanay xilka la kala wareegin madaxweynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Ma jiro war rasmi ah oo ****olka ka qaaday sababta xiligan keentay inuu dalka ka baxo taliyaha sirdoonka Somaliland iyo meesha uu u baxsadayba, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday in la magacaabo, waxa taliyaha sirdoonku dalka ka baxay maalintii Sabtida, isaga oo xuduuda uga tallaabay dhinaca Itoobiya, iyada oo aan ilaa hadda la garanayn inuu halkaa ku sugnaan doono iyo inuu dal saddexaad uga sii gudbi doono. Waxa kale oo wararku sheegeen in ilaa hadda la la’yahay laba baabuur oo ka mid ah gaadiidka siroodnka Somaliland, kuwaasi oo aan la ogayn in talihuhu kaxaystay iyo inay cid kale oo sirdoonka ka tirsani sifo sharci-darro ah u kaxaystay. Madaxweyaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaan ilaa hada la hubin inuu ogyahay baxsashada tailyaha sirdoonka iyo tallaabada arrintaa uga qorshaysan, balse sida ilaha xogogaalka ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen, madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya inuu baxsaday taliyaha sirdoonku, waxa uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo taliyaha sirdoonka iyo hantida kale ee maqanba. Taliyaha ciidanka sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa mudadii uu xilka hayey, waxa dhawr jeer lagu eedeeyey inuu ku mashquulsanaa xan-dhagaysiga asxaabta mucaaridka ah ee tartanka kulajiray madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa laga guulaystay ee UDUB, iyada oo maalmihii ololuhu socdayna la sheegay in taliyuhu shaqada ka fadhiisiyey saddex sarkaal oo ka tirsan sirdoonka, kadib markii ay diideen inay basaasaan guriga Axmed Siilaanyo. Jamhuuriya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 13, 2010 Taliyihii Ciidanka Sir doonka S/L oo baxsaday Taliyihii sirdoonka Mohamed Nuur ayaa la sheegay inuu la goostay saad ,baabuur iyo dhamaan wixii kayd xafiiskiis yaaley.. Taliyahan ayaa la sheegayaa inaan la garanayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay iyadoo hada dadka labadaa gobol degani ay ku jiraan waqti kala guur ah oo uu maamul cusubi labadan gobol la wareegi doono bishan july 26keeda. Ninkan baxsaday ayaa la sheegayaa inuu ahaa nin dad badan jeelasha labadan gobol ay ugu xidhnaayeen ka dibna uu cabsi ka qabey in maamulka cusubi maxakamada la tiigsan doono. Mohamed Nuur ayaa la sheegayaa inuu magaalada ka baxay maalintii Sabtidii warar lagu kalsoonyahay baa sheegaya inuu dhinaca Ethopia u kicitimay. XOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 13, 2010 I believe jamhuuriyaa doesn’t say talihyaha sirdookna somalidiidka , cant you copy right it’s not that hard its just copy and paste The same way we correct the right political term when are referring to the khusuusi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 13, 2010 You all ways insult Xaglotoosiye and SSC Movement So you should follow your advice before you preach Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted July 13, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: I believe jamhuuriyaa doesn’t say talihyaha sirdookna somalidiidka , cant you copy right it’s not that hard its just copy and paste The same way we correct the right political term when are referring to the khusuusi Xaaji update me plz, I was offline last couple of weeks.. When did you start using the correct and right political terms against your opponents in this case khusuusi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted July 13, 2010 Back to the thread.. Since the Riyaale lost the election, looting became the new Somaliland gov, it's every where.. I guess Mr. Siillaaye will start from scratch. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 14, 2010 Taliyaha Sirdoonka Qaranka Oo Sheegay Inuu Addis -Ababa U Tagay Shaqo Saddex Cisho Ah, Rayaale Iyo Siillaanyo Ay Ka Warhayeen Safarkiisa Addis Ababa, July 13, 2010 (Haatuf) - Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu halkaas u tageen hawlo saddex cisho ah oo la xidhiidha shaqadooda. Mr. Nuur oo uu wahelinayey sarkaal kale oo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa Axadii doraad Hargeysa uga amba baxay dhinaca dalka Itoobiya. Hasa yeeshee qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa ay safarka taliyaha sirdoonka iyo sarkaalka wehelinayey ay ka faafiyeen warar ay iska qiyaasteen oo ay dadka ugu dhigeen inay Baxsanayeen. Hadaba Taliyaha Sirdoonka Qaranka oo ay Haatuf khadka Telefoonka kula xidhiidhay xalay ayaa waxa uu noo sheegay in socdaalkooda ay la socodsiyeen maamulka Madaxweyne Rayaale iyo waliba Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo oo isna ay sii mareen kohor intii aanay ka amba bixin caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaana la sheegay in madaxweynaha la doortay uu ka xumaaday sida khaldan ee looga warmay nimanka safarkooda iyo shaqada ay u tageenba uu ka warqabay. Arintan iyo kuwo kaleba waxa ay ka mid yihiin warar kutiri-kuteen ah iyo Boro-bogaando ay dadka qaarkii isku dayayeen inay kaga dhex faa’idaystaan muddada kala guurka labada maamul ee la filaayo inay bishan gudaheeda talada dalka la kala wareegaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites