Meiji Posted November 2, 2009 Mid ka mid ahaa 5 nin oo uu maamulka Puntland ka qabtay Dekadda Boosaaso oo maanta geeriyooday Nin ka mid ahaa 5 nin oo uu Maamulka Puntland ka qabtay Dekeda Magaalada Boosaaso kana yimid Dalka Yemen ayaa Maanta ku geeriyooday Xabsi uu ku xidhnaa waxaana ninkaa lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan Cali. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Somalimirror u sheegay in Ninka dhintay intii uu xanuunsanaa ay ciidankii hayay u diideen in la geeyo goob caafimaad , balse maanta markii ay xaaladiisu sii xumaatay ay ogolaadeen in la geeyo goob caafimaad si loo ogaado xanuunka haya. Ila Wareedyadaasi waxa ay intaa ku dareen in Saaka ninkaas la geeyay Xarunta Caafimaadka ee Sadex Xidigood ayna dawooyin u qoreen kadibna uu sidaa ku geeriyooday. Ilahaasi waxa ay intaa raaciyeen in dadkii dhaqay Maydka C/laahi aysan ku arag jidhkiisa wax nabar ah oo muuqan kara , waxaana duhurnimadii maanta lagu soo aasay qabuuraha Biyo kulule . Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ciidankii goobta caafimaad geeyay C/laahi Xasan Cali ay sheegeen in uu meyd ahaa markii ay goobta caafimaad geeyeen taas oo shiki ka galineysa geeriyada ninkaas oo tibaaxaysa ma gacanta Maamulka ayuu ku dhintay mise intii xarunta la keenay walow warkaas aan la isku haleyn karin jiritaankiisa. Maamulka Puntland ayaa bilowgii bishii tagtay ee October Dekedda Boosaaso ka qabtay 5 nin oo u dhalatay Gobolka Somaligalbeed (********iya) oo xiligaa ka yimid dhanka Yemen , wuxuuna Maamulka Puntland Xukuumada gumeysiga Itoobiya u gacan galiyay mid ka mid ah 5-taa nin taas oo tiradooda u kala qeybineysa mid Itoobiya loo gacan galiyay, mid dhintay , iyo Sadex wali ku jirta gacanta Maamulka Puntland. Ma jiraan ilaa iyo hadda cid xaqiijineynsa sida uu ku bilowday xanuunka uu u geeriyooday C/laahi , sidoo kale ma jiraan wax maamulka ka tirsan oo ilaa iyo hadda ka hadlay geerida ninkaas. Isku soo wada duuboo Maamulka Puntland mas’uuliyiin ka tirsan sida C/raxmaan Faroole iyo Maxamed Jaamac Ilka jiir ayaa waraysiyo ay biyeen ku sheegay in ay Itoobiya u gacan galinayaan cidii dambi sida ay sheegaan ka soo gasha ii timaada deegaanada hoos yimaaada Maamulkooda . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted November 2, 2009 Illahay ah u naxaristo. Its a dark day for Somalis everywhere. Somali people who are not even save in Somalia from Ethiopian puppets. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted November 2, 2009 Allah u naxaristo...amiin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted November 2, 2009 Whats the source? If you are too lazy to give us a link, I understand. Atleast show us the whole artice and don't purposely cut and paste the article so there is no indication where you got it from. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Complicated Posted November 2, 2009 Originally posted by Meiji: Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Somalimirror u sheegay in Ninka dhintay intii uu xanuunsanaa ay ciidankii hayay u diideen in la geeyo goob caafimaad , balse maanta markii ay xaaladiisu sii xumaatay ay ogolaadeen in la geeyo goob caafimaad si loo ogaado xanuunka haya. ^^ I might be wrong but I would thought this bit told you what the source is. If still in doubt try www.somalimirror.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 2, 2009 Ilaah ha u naxariisto, eheladiisana samir iyo iimaan Ilaah haka siiyo. Kuwa masuuliyedda lehna kolleey mar ay noqotaba waa lala xisaabtami. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted November 2, 2009 Cabdulaahi Xasan Gali Inshalah Janadii Fardwasa ayuu ku danbeyn waayo Dal ama caro muslim dhexdeeda ayuu cadowgu ku dilay Arintana waxay u talaa qofkasta oo islaam ah, waa ONLF inta la dhaho looga hari maayoo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted November 2, 2009 oo anigu nimanka waxaan u haystay in ethopia loo dhiibay ma boosaaso ku xiranyihiin maalamhaan oo dhan xabsiyada ethopian ka baadi goobayay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 2, 2009 Alla ya raxma. Sad news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted November 2, 2009 Eebe ha u naxariisto, Samir iyo Iman Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted November 3, 2009 Misleading title Murdered in cold blood is a more accurate description Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 Allah ha u naxariisto ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted November 3, 2009 Originally posted by Geel_jire: Misleading title Murdered in cold blood is a more accurate description I think he was murdered too. Its sick that Somalis can do this to fellow Somalis in Somalia on behalf of abbysinians! Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 3, 2009 Ilaahay ha u naxaristo. All for avoiding Ethiopia's wrath. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted November 3, 2009 haday nimaknai waxuun ama dhaqaale, ama taageero kale oo siyaasadeed Ethiopia kaga helayaan ma ciil baan qabi lahaa! All for nothing. Ilka-dahable, I don't think it matters that much where you die. In Bosaso or in Wardheer. The whole notion was to save the lives of the boys. As long as they get same treatment in Bosasso, i reconkon it might even have been better to send them to Wardheer, si unbaa loo furdaamin lahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites