Goodir Posted March 17, 2009 Mid kamid ah Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada uu wato Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kusugan doolow ayaa lagu soo waramayaa in uu is soo dhiibay. Sarkaalkani oo lagu magacaabo Korneel Cabaas Ibraahim ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Alshabaab ee kusugan Gobolka Gedo kadib markii uu isaga soo tegay Doolow oo Ciidamada Barre Hiiraalena uu isaga soo baxay. Korneel Cabaas wax hadal ah ma uusan siinin saxaafadda lakin in uu isku soo dhiibay Xarakada Shabaab waxaa cadeeyay Mas’uuliyiin katirsan Xarakada oo kusugan Gobolka Gedo. La garanayo illaa iyo hadda sababta keentay in Cabaas uu isku soo dhiibo xarakada shabaabka, waxaana horey uu uga mid ahaa saraakiisha Barre Hiiraale uu hoggaaminayay ee doolow u cararay kadib markii Kismaayo iyo Gedo laga wada saaray iminkana abaabul dagaal ku maqnaa. Barre Hiiraale oo horey uu ugu shaqeyn jiray iminkana uu kula jiray dhanka Doolow ayaanan weli la hadlin saxaafadda kana warbixinin sababta keentay in laga soo goosto ama haddii ay jiraan waxyaabo kale oo sababay in Korneel Cabaas uu goosto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kashafa Posted March 18, 2009 Sarkaalkani oo lagu magacaabo Korneel Cabaas Ibraahim ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Alshabaab ee kusugan Gobolka Gedo kadib markii uu isaga soo tegay Doolow oo Ciidamada Barre Hiiraalena uu isaga soo baxay Ku: Shaykh Hotel Ku: Shaykh Janaqow Ku: Shaykh CabdulQaadir Cali Ku: Shaykh Ciise Cadow Ku: Shaykh Ibrahim Cadow Ka: Umada Soomaliyeed oo Xalaasha Wareegeto: Halkaan waxaa lagu wargelinaa Mr. Hodheel iyo asxaabtiisa inay isku dhiibaan sida ugu dhaqso badan sarakiisha Al-Shabaab oo ku sugan magaladaasi ee Muqdisho. Mr. Hotel waxaa loo balan qaadaa hadoo isa soo dheebo sareer macaan oo markee aad aragtid alayle isku-toor ku qabanayso, mukayf oo Panasonic ah oo daaran 24 saac, iyo weliba talafeeshan oo qabanaayo LBC, MBC, ART, iyo Al-Jazeera. Laakin Mr. Hodheel hadoo isa soo dhiibiwaayo, markaasi sheekada meel xun bay gaaraysaa runtii. Ha ku waantoobo oo ha ku caqli-ceshado ninka ka horeeyay oo ku magac-dheer Cabdullahi Amxaar oo maanta qaxooti ku ah Jaxeemo ee dal-kaasi ee Yemen. Quote Share this post Link to post Share on other sites