Sign in to follow this  
General Duke

Puntland leader on route to Kenya + Lucky Shariff+

Recommended Posts

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cade Muuse ayaa Safar ku tagaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Safarkaas oo lagu sheegay in uu yahay Mid ay isku waraysanayaan Labada

Madaxwayne, Xaflada Sagoontiska Xubnaha labada Golena ay uga wada qayb :: (138 Reads)

 

Posted by webmaster on Wednesday, June 08, 2005 - 04:44 AM

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland Md.Maxamuud Musse Xirsi (Gen.Cadde) ayaa lagu wadaa in dhamaadka Todobaadkan uu safar ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay hada ku sugan yihiin madaxda dowlada Federaalka.

 

 

Madaxweynaha safarkiisan uu ku tagayo Dalka Kenya ayaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha uu ka qeyb geli doono xaflad ka dhici doonta magaalada Nairobi maalinta Axad taasi oo loogu talo galay xiritaanka Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo guuritaanka dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntlland ayaa sidoo kale laga sheegay in uu wada hadal dhinacya badan la yeelan doono Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi yuusuf, waloow aan la sheegin wax yaabaha ay ka wada hadli donaan ayaa hadana warar hoose oo aanu helay waxa ay sheegayaan in uu donayo in uu ka qayb qaato nabad ku soo dabaalida Koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa rasaas lagu weeraray ka badbaay, isaga oo ka soo baxayay Hoteelka uu ka daganaa Magaalada Muqdisho ee Saxafi :: (430 Reads)

 

Posted by webmaster on Wednesday, June 08, 2005 - 06:49 AM

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa goor dhaweyd Rasaas lagu weeraray isagoo ka soo baxaya Hoteelka Saxafi, in kastoo aan la sheegin cida wax ku noqotay.

 

Hadana Masuuliyiin ka ag-dhow Gudoomiyaha waxay sheegeen in Rasaasta ka dhacday Hoteelka hortiiisa goor uu Gudoomiyaha isu diyaarinayay inuu banaanka u baxo aysan ahayn duulaan la doonayay in lagu khaarajiyo Gudoomiyaha, balse ay ahayd bay yiraahdeen Rasaas ay rideen Maleyshiyo doonaysay inay dhawacaan gaari yaalay meel Hoteelka u dhow.

 

Rasaasta lagu furay Gudoomiyaha Goor dadku ay wada arkayeen ayaa la sheegay in ay argagax galisay dhamaan dadkii ka agdhawaa Gudoomiyaha.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa Hoteelkii uu ka daganaa Magaalada Muqdisho dib loogula cararay, iyadoo amaankiisana aad loo sii adkeeyay.

 

Waa markii labaad oo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka bad baaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo, laakiin xubnaha labada Gole ee Muqdisha ku sugan ay dabooleen si aan Amaanka Magaalada loo dhaliilin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this