Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Soo Maray Talisyada Ciidamada

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Soo Maray Xeryaha Iyo Talisyada Ciidamada

 

 

 

Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kormeer kadis ah ku soo maray Talisyada Guud ee Ciidamada qaranka Iyo Booliska,iyadoo uu isaga iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranku ay shalay galab ka soo laabteen Wadanka Itoobiya.

 

Madaxweyne Rayaale oo ay weheliyaan koox Wasiiro ah, waxa Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Warbixin ku saabsan Xaalada ciidanka Qaranka uu kaga dhagaystay Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md C/Laahi Cali Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani.

 

Afhayeenka Madaxtooyada JSL Siciid Cadaani Mooge,ayaa qoraal uu soo saaray si kooban uga hadlay xaalada Kormeerka Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin,waxa uu saaka Booqasho gaaban ku soo maray Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland,waxana Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka gaashaan-dhiga C/Laahi Cali Ibraahim,Taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha sarsare ee Ciidanka Qaranka.

 

Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaalada Ciidanka Qaranka,isagoo warbixino kala duwan ka dhegaystay Taliyeyaasha iuyo Madaxda sar-sare ee Ciidanka qaranka “Booqashada Madaxweynuhu waxay sare u qaadaysaa mooraalka iyo niyada Ciidanka”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani.

 

Booqashada Madaxweynaha JSL uu kutagay Taliska ciidanka qaranka waxa ku weheliyay dhawr Wasiir oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi Ismaaciil Cali[Cirro],Wasiirka Ganacsiga Md Cismaan Qaasim Qodax,Wasiirka Dib udejinta Abshir axmed Xasan,Wasiirka macdanta Iyo Biyaha Qaasim Sh.Yuusuf Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaan-dhiga md axmed Maxamed Filanwaa

 

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu maanta booqasho ku soo maray Miiska Saraakiisha iyo Taliska guud ee Ciidanka Booliska,waxana uu soo eegay dhismaha ka socda Miiska Saraakiisha oo imika gabo-gabo ku dhow.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu maanta ka qeyb-galay Aaskii Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed cumar [Jabaalul]oo ka tirsanaa golaha Wakiilada lagana soo doortay Gobolka Sanaag,oo maanta duhurkii lagu aasay Xabaalaha qaranka ee Magaalada Hargeysa.

Waxana uu Madaxweynuhu tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee oo uu uga tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaankaas.”

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this