Sign in to follow this  
General Duke

Somali PM FM Ismael, scheduled to lead delegation to Indonesia[International Summit]

Recommended Posts

Nairobi: Wafdi ay kala hogaaminayaan ra'iisal wasaaraha iyo Wasiirka dibada Soomaaliya oo Todobaadkaan u dhoofaya Indoonisiya

- Sunday, April 17, 2005 at 13:26

 

capt.sge.axj78.240305174257.photo00.phot

 

Nairobi (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi oo ay hadda dagan tahay dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdi balaaran oo ka socda dawlada federaalka Soomaaliya ay caawa iyo dabayaaqada todobaadkaan ka duulidoonan Nairobi iyagoo kusii jeeda dalka Indoonisa.

 

 

wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/llahi Shiikh Ismaaciil

 

 

Wafdigaan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/llahi Shiikh Ismaaciil ayaa la sheegay in safarkoodu ka dambeeyay martiqaad dawlada Indoonisa u fidisay madaxda sar sare ee dawlada Soomaaliya, iyadoo warku sheegayo in wafdiga wasiirka Dibada ee caawa baxaya ay gogol xaar u yihiin wafdi balaaran oo uu horkacayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa ay maalmaha soosocda u amba baxayaan dalka Indoonisaya.

 

Wafdiga wasiirka dibada ee caawa baxaya oo u sii diyaarinaya wafdiga ra'iisal wasaaraha waxyaabihii ay kawada hadli lahaayeen labada dowladood ayaa waxaa xubno ka ah xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha dhawaan loo magacaabay gobolka Banaadir.

 

Masuuliyiinta Soomaalida oo maalmahaan ku jiray safaro ay ku raadinayeen sidii ay taageero caalami ah ugu heli lahaayeen dalkooda Soomaaliya oo la burbursanaa 15 sanno dagaalo sokeeye ayaa lagu wadaa inay dawlada Indoonisiya hor dhigaan dalab aykaga doonayaan inay gacan kusiiso dib u dhiska Soomaaliya.

 

Labada dal ee Soomaaliya iyo Indoonisaya oo uu ka dhexeeyay xiriir xagga dhaqanka iyo ganacsiga ah ayaa lagu wadaa in wadahadaladoodu inay u badnaan doonaan sidii loosoo noolayn lahaa xiriirkii u dhexeeyay labada dal, xiriirkaas oo aan hanaan dawli ah u shaqaynayn tan iyo intii ay burburtay dawladii Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

 

AllPuntland, Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wafdigii dowlada FKMG oo lacag shilin Soomali been abuur ah soosameynaya oo caawa ka anba baxayaan magalada Nairobi ayagoo ku sii jeeda dalka Indoonisaya

Wafdi hordhac ah uu hogaaminaya wasiirka arimaha dibada ayaa caawa ka duulaya magalada Nairobi si ay gogol xaar ugu sii noqdaan wafdi uu hogaaminya Ra´´iisal wasaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi Wafdigan ayaa soo sameynaya shilin Soomali been abuur ah la doonay in wadanka sicir barar lagu galiya dalka tasoo hadda la ciiray sicirbarka lacagaha been Abuurka ah ee ku soo qul qulya Soomaliya .

Wafdigaan oo damacsan lacag yar ay siisay dowlada Liibiya in ay ku soo bedeshan shilin Soomaliga been abuur ah ayaa ah mid ka dhaxeya madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad oo ayagu ku fashilmay siyaasada gudaha tasoo ay rabaan in ay laaluush ku bixiyaan si wadanka dagaal sokeye ku galiyaan tasoo lagu yaqaano kaligood taliyayaasha aan dooneynin in xukunka lala qeybsado .

Dalka Indoonisaya oo ah wadanka kaliya ee laga soo sameysta lacagaha been abuurka ah ayaan jirin xiligaan wax ay ugu safraan madaxda Soomaliyeed madaama aysan ka dhaxeyn wax xiir ah ayagoo laga sugaya gudaha dalka si ay bulshadooda wax ugu qabtaan .

Natiijadii shirkii mudada laga war sugayay dowlada dalka iyo dadka samata bixiso ayaan u muuqan mid dadka ka saari doonta dhibaatada ay ku jireen 15 sano tasoo shacabka Soomaliyeed u arkaan mid lagu hungoobay isterinkas ay u qabteen kuwa aan darawal fiican aheyn.

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKMG ah ee Soomaaliya oo lagu marti qaadey ka qayb galka Shirweyne Caalami ah

 

Nairobi-17.April.2005 Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu casuumay ka soo qeybgalka shirweyne Caalami ah oo lagaga hadlayo horumarka Qaaradaha Afrika iyo Aasiya iyo waliba sidii la iskaga kaashan lahaa Amuurahaasi.

 

Haweeneyda Dalka Koonfur Afrika u qaabilsan Arimaha Dibadda Mss Nakuusazaana Dalaamiini ayaa sheegtay in kulankaasi lagu casuumay dalal badan oo Afrikaan ah gaar ahaan kuwa sida weyn uga liita dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka Tiknoloojiyada waxaana wadamadaasi ka mid ah Suudaan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

 

Shirweynahan oo lagu casuumey 107 wadan ayaa lagu qaban doona Magaalada Banduunag ee Wadanka Induniisiya, waxayna Magaalada Banduunag hada ka hor mudo laga joogo 50 sano waxay marti galisay shirkan oo kale.

 

Wakaalada Wararka Shiinaha u faafisa oo ka hadlaysay Hogaamiyaasha lagu marti qaadey ee shirkan ayaa waxay sheegtay in ay jiraan Hogaamiyayaal ku cusub Shirkan kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Ingosiiniya Sosilio Bambang Yodayaano iyo waliba Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed inkastoo aan shaaca laga qaadin in Madaxweynuhu ka qayb gali doono shirkaasi iyo in ay u socdaali doonaan xubno kale oo ka mid ah DFKMG ah.

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asia-Africa Summit aims at new cooperation

 

 

 

After 50 years of suspension since the Asia-Africa Conference in Bandung in April 1955, nearly 60 leaders of Asian-African countries are expected to gather in Jatarta from next week to rebuild a bridge and structure for strengthening political and economic cooperation between the two continents.

 

Altogether with 105 countries, Asia and Africa have a total of 4.6 billion population, which is 70 percent of the world's total, and their land covers nearly half of the world total. Currently, the general domestic product (GDP) of the Asian and African countries stands around 9.3 trillion US dollars, which could harbor the largest potential market in the world.

 

Under the logo of "Reinvigorate the Bandung Spirit, Working Toward Asia-Africa Strategic Partnership," the Second Asia-Africa Summit was initiated by South Africa in November 2002 and has been warmly responded and welcomed by Indonesia and other Asian and African countries.

 

After a series of ministerial conferences and working sessions in Indonesia and South Africa in 2003 and 2004, major documents and principles have been worked out, paving the way for the Second Asia-Africa Summit in Jakarta and the Golden Jubilee of the Bandung Conference in its birthplace.

 

According to the preliminary agenda, the first sideline event will kick off on April 18, when a forum over promotion of renewable energy and an energy exhibition on the same topic would be held.

 

In a bid to enhance the role of women and youth, a workshop on strengthening Asian-African strategic cooperation in promoting the status and role of women and youth will take place on April 19 in Jakarta.

 

To promote the trade and investment sectors, a business summit and trade fair are also scheduled to be held from April 18 to April 22.

 

As the last preparations for the Asia-Africa Summit, the ministerial meeting is to be held on April 20, to finalize the documents that will be signed by the heads of state or government during the summit. These documents include a declaration on the Asian-African strategic partnership and an action program in implementation of the continental cooperation in the political, economic as well as social and cultural fields.

 

The Second Asia-Africa Summit is to be held in Jakarta on April 22 and 23, up to now some 56 heads of state/government have confirmed to attend and around 25 member countries of the Non-aligned Movement, mostly from Latin America, along with 20 sub-regional organizations and several donor countries as observers will participate in the summit.

 

The Golden Jubilee to mark the Bandung Conference will be held in Bandung of West Java province, some 160 kilometers southeast of Jakarta on April 24.

 

Outside the summit and sideline events, hundreds of activists from several NGOs are planning to have international conferences in a number of cities in the country.

 

Since last week, Jakarta has started to beef up security two weeks ahead of the second Asian-African Summit here and the 50th anniversary celebrations to mark the first Asia-Africa Bandong conference.

 

Nearly 25,000 security personnel from Jakarta police, the Indonesian Military Force (TNI) and municipal administration have been mobilized and deployed to safeguard the key places and public areas in the city with over 10 million population.

 

Except the terror bombing, the security authority are also anticipating other possible disturbances, such as sabotage of the city's power or food supply, illegal massive rallies and traffic jams in the downtown, where the summit and a series of events would take place. The city police have arrested over 70 people in various raids in the past week in an effort to tighten security prior to the summit.

 

A Jakarta police officer said the police would continue to conduct similar raids until all the foreign guests return home on April 25.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

More than 80 Countries Confirmed for Asia-Africa Summit

 

Jakarta, Apr 15 (Prensa Latina) More than 80 countries have confirmed their attendance at the Asia-Africa Summit on April 22-24, with an agenda covering cooperation in the fields of security, politics, economics and sociocultural issues.

 

 

The gathering at the top will coincide with the 50th anniversary of the first Asian-African conference celebrated in the Indonesian city of Bandung, which founded the Non-Aligned Movement on the principles of anticolonialism and anti racial segregation.

 

 

Indonesian Foreign Minister Hassan Wieajuda said over 50 Heads of State have been invited and UN Secretary General Kofi Annan will also be attending.

 

 

Indonesia advised that security would be reinforced with nearly 24,700 military and police agents, and the Mayor of Jakarta said "they will prove to the world that Indonesia is a safe venue to host international events."

 

 

msl/mh/emw/dor/jwp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Another trip eh?

Sadly the transitional government has become an exact replica of the Carta government, except without the same glitz and glamour that accompanied Abdiqasims'tenure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo Lagu

Casuumay Shir Caalami ah

 

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya oo haatan fariisn u ah DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan safar uu uga ambabixi doono Ra’sal wasaraha DFKMG ah ee Somaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo.

 

Wafdiga Ra’iisal wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ay socdaal ku tagi doonaan Magaalada Jakarta ee Caasimada Wadanka Indoonisaya,iyadoo halkaas saaka gaareen Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil

 

Socdaalka Prof.Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha kale ee raacaya ayaa la sheegay inuu yimid ka gadaal markii ay marti qaad ka haleen Xukuumada Wadanka Indoonisaya, waxaana lagu wadaa inay halkaasi kaga qayb galaan shirweyne Caalami ah oo ay ku kulmayaan 107 wadan oo isugu jira Afrika iyo Aasiya.

 

Shirweynaha ayaa waxaa martigalinaysa Xukuumada Wadanka Indoonisaya waxaana loogu magacdarey Shirka Iskaashiga Wadamada Aasiya iyo Afrika, kaas oo dhawaan halkaasi ka furmi doona.

 

Wafdiga C/laahi Sheekh Ismcaaiil ayaa waxaa ka mid ah Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ah Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho ee dhawaan uu magacabay Cali Maxamed Geeddi.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this