Sign in to follow this  
Haatu

Afeey - Reer NFD magdhaw ayey mudan yihiin

Recommended Posts

Haatu   

Nairobi, Khamiis, October 22, 2009 Xogta Online

 

 

 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa wada olole uu ku doonayo in magdhaw lagu siiyo dadkii ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacey NFD todobaatameeyadii.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay iney doonayaan baarlamaanka iney hor geeyaan sharci xad gudub ku ah ummadda gobolka ku nool iyo ummadda ku nool deegaanka Tana River, Mar sabad iyo Lamu District oo waagii hore loo yaqaaney NFD districts.

 

Ololaha mudanaha ayaa waxaa saldhig u ah badalidda sharci uu waa hore baarlamaanka Kenya ansixiyey, kaasoo dhigayey in ciidanka Kenya ay fasax buuxa u heystaan iney wax alaale iyo wixii ay rabaan ay ku geystaan NFD, maadaama uu waagaas ka socdey dhaq dhaqaaqyo dadka halkaasi ku dhaqan ay ku doonayeen in Soomaaliya ay dib ula midoobaan.

 

Waxaa dhacey xasuuq loo geystay dadka halkaasi kunool iyadoo ilaa iyo haatana aan waxba laga qaban, maadaama uu jiro wali sharcigii waagaas la ansixiyey oo aan wax xuquuq ah siineyn dadka Soomaalida ah ee ku nool waqooyi bari Kenya .

 

Sharcigan ayaa ka hortagaya iney helaan dadka ku nool NFD magdhaw dalbadaan maadaama dhibaatooyin waa weyn loo geystay. Sharcigan waxaa la yiraahdaa Indemnity Act, wuxuuna ka reebaya dadka reer NFD iyo dadka ku dhaqan degmooyinka Lamu, Tana River iyo Marsabed iney kamid noqdaan dadka xasuuqa uu saameeyey.

 

Sharcigan ayaa sidoo kale dadka ku dhaqan degmooyinka la isku oran jirey NFD ka reebaya in badan kood ay cabashooyin u gudbiyaan guddiga runta iyo cadaalada oo loo abuurey inuu baaro cadaalad daradii horey Kenya uga dhacdey. Degmooyinka Tana River, Marsabad iyo Lamu district iyo gobolka waqooyi bari ee haatan ayaa waagii hore loo yiqiiney NFD districts.

 

 

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey ayaa difaacay ololaha doorashada 2012 ee madaxweyne ku xigeenka kalonso Musyoka oo lagu eedeynayo inuu waqti hore bilaabey ololihiisa dhanka doorashada. Waxaana uu ku tilmaamey Mr. Afey kuwa Kalonso ku eedeynaya in ololihiisa uu waqti hore bilaabey iney kuwa baqdin ka qaba ololihiisa, isagoo ku nuux nuxsaday madaxweyne ku xigeenku inuu xaq u leeyahay in waqtiga uu rabo uu olole sameyn karo.

 

Rayi ururin ay sameysay kooxda "Stead man" oo dadka lagu weeydiiyey qofka ay rabaan iney u doortaan madaxweyne doorashada 2012-ka ayaa muujisey inuu ku horeeyo ra'iisal wasaare Raila Odinga.

 

Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ah gobol dhanka horumarka ka danbeeya gobolada kale ee Keyna, taas oo muujineysa sida aan daacad loogu aheyn wax u qabashadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this