Sign in to follow this  
General Duke

Cagaare: nomads fight over wells: now calm.

Recommended Posts

Nugaal: Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Cagaarre oo ku taalla meel u dhaxaysa gobolada Nugaal iyo Sool.

Sabti, February 10, 2007

 

Nugaal (AllPuntland)- Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay 9 kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad ka dhacay degaanka Cagaarre oo hoos yimaada degmada Magacley oo 40 Km u jirta degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

 

Dagaalkaasi oo dhex maray laba beelood oo wada daga halkaasi ayaa waxa uu ka dhashay muran ku aadan dhinacyada deegaanka iyo biyaha.

 

Wariye Axmed Sh. C/qaadir ayaa waxa uu inoo cadeyay in ciidamada darawiishta ee DGPL ay haatan kala dhex galeen beelihii halkaasi ku dagaalamayay, haatanna xaaladdu ay qaboowdahay.

 

Deegaankaasi ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo noocaasi oo kale ah kuwaasoo ku saabsan muran dhanka biyaha iyo deegaanka ah.

 

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa waxaa la soo garsiiyay magaalada Gaalkacyo, iyada ay jiraan dad aan wali la soo gaarsiin goobaha caafimaadka.

 

Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay tahay degmo ay ku yaallan barkado kuwa ay dadka reer guuraaga ahi biyaha ku kaydsadaan ah oo fara badan.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

CAGAARE : Deegaanka Cagaare oo dagan maanta kadib markii ay halkaasi gaareen Odayaal iyo Ciidan kala dhexgalay 2 maleeshiyo-beeleed oo halkaasi ku dagaalamayay

Posted to the Web Feb 11, 14:41

 

Cagaare:-Deegaanka Cagaare oo magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal u jirta 50-Km dhanka waqooyi oo 2-dii maalmood ee u dambeeyay uu dagaal ku dhexmaray 2 beelood oo halkaasi wada-dagan ayaa maanta dagan kadib markii ay halkaasi gaareen Odayaal iyo Ciidamo ka tirsan Puntland islamarkaasna kala dhexgalay beelahaasi.

 

Warka ka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in Odayaasha iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo iyo Buurtinle ay iminka ku kala dhexjiraan 2-da maleeshiyo-beelood islamarkaasna uusan wax dagaal ah iminka socon.

 

C/laahi Ciise Aw-axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa Puntlandpost u sheegay in Odayaashu ay talaabada u horaysa ay ka bilaabayaan in la kala qaado 2-da ciidan ee ishorfadhiya , kadibna ay guda galayaan sidii heshiis-waara loo kala dhex dhigi lahaa labada garab.

 

Dagaal dhexmaray 2-dan maleeshiyo-beelood oo la xiriira dhanka deegaanka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 qof tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii si wayn la iskugu maandhaafay baraago halkaasi laga qodi lahaa.

 

 

 

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Beel ka mid ah 2-dan beelood ee dagaalku dhexmaray ay si wayn uga soo horjeedsatay in baraago lagu kaydiyo biyaha laga qodo deegaankaasi , balse ay beesha kale ku adkaysatay in ay halkaasi baraago ka qodanayso.

 

 

 

Beesha ka soo horjeeda in baraago laga qodo deegaanka ayaa waxay ku doodaysaa in uu deegaankaasi uu yahay daaqsin uuna xaaluf noqonayo haddii baraago laga qodo.

 

 

 

Odayaasha ayaa lagu waddaa in ay si dhakhso ah u bilaabaan wadahadalsiinta 2-dan beelood islamarkaasna ay ku heshiisiiyaan muddo gaaban gudahood.

 

 

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this