Sign in to follow this  
General Duke

Ethiopia laughs off IndaCade's threat... Clan Court media reports..

Recommended Posts

First of the BBC/SOMALI service...

 

Zenawi oo sahashaday digniintii la siiyey

 

Ra'iisalwasaaraha Ethiopia, ayaa wax aan sidaas u sii weyneyn ka dhigey digniin ay Maxakiinta Islaamku ku sheegeen in todobaad ay ciidamada Ethiopia kaga baxaan Soomaaliya.

Mudadad todobaadka ah ee Maxaakiinta Islamlu u qabteen ciidamada Ethiopia ayuu Meles Zenawi ku sheegey iney tahey hanjbaad horeyba loo sameeyey.

 

Isagoo arinkaas ka hadlaya waxa Zenawi yiri "waxa cusub kuma arko, horey ayeey u hanjabayeen ooy ku dhaqmayeen ficiloo ku saleysan hanjabaaddooda; wax cusubna kama dhex arko".

 

Zenawi 'hanjabaaddu nagu cusba'

 

Waxa Zemnawi intaas raaciyey Maxkamaduhu muddo dhowr biloodba wey wadeen hanjabaaddaas sheegeysa iney dagaal ku qaadayaan Ethiopia, weyna ku soo qaadeen. Iminkana ma muuqadaan wax kuwaas ka duwan oo cusub oo mudan in laga jawaabo".

 

Waxa kale Mr Zenawi intaas ku darey in waxa dowladdiisu waddo ay tahey in arimhaas logu dhameeyo si nabadi ku jirto.

 

Ugu dambeyn waxa Zenawi uu carabku ku adkeeyey in haddii nabad lagu dhameen waayo arimha socda, ay aatsi horseedi karto nasiib-darro weyn oo dhacda,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn-Afrik + Onkod website, report heavy Ethiopian troops movements.

 

Maxaakiimta Islaamka oo hadlay iyo Zenawi oo jawaabay.

 

Posted on Wednesday, December 13 @ 16:16:24 EST by editor

 

Onkod News, Muqdisho: Sida ay u sheegeen Maxaakiimta islaamka Saciid Nabadoon oo ka tirsan Onkod oo socdaal shaqo ku jooga haatan magaaladda Muqdisho in Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay dhaqdhaqaaq xoog leh ka waday magaalada Baydhabo kuwaas oo u soo ruqaansaday goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada golaha maxaakiimta Islaamka iyo kuwa dowladda fedraalka ee gobolka Bay. hase yeeshee Melez Zenaawi ayaa isna ka sheegay Addis Aaba in Maxaakiimtu ay dhibaato ku hayaan dalkiisa isla markaana Hanjabaado soo jireen ah ayuu ku tilmaamay maxaakiimta Islaamka.

 

 

Illo madax banaan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in ciidamadan oo watay in ka badan 45 gawaarida oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa ciidamada lagu daabulo ayaa soo maray xalay bartamaha magaalada Baydhabo iyagoo ku sii jeeda duleedka magaalada halka lagu magacaabo Maaya fuulka oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada Itoobiyaanka dhufeyso ka sameysanayeen kaddib markii ay ka soo ruqaansadeen gooba ay hore fariisimo u ahaa oo ay ka mid yihiin Mooda-mooda, Deynuunaay iyo kuwa kale oo qaarkood imminka ay ku sugan yihiin ciidamada maxaakiimta Islaamka.

 

Dhaqdhaqaaqan oo si weyn looga dareemay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii xoogaga maxaakiimta ay maalmihii ugu dambeeyey ku sii saqayeen deegaano ku dhow dhow magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladda oo Itoobiyaanka ay wehliyaan ay isaga baxayeen fariisamahooda kaddib markii ay ku soo dhawaadeen kuwa maxaakiimta Islaamka iyadoo aaney wax dagaal ah dhexmarin.

 

Ma cadda ilaa iyo imminka ujeedada ka dambeysa in ciidamada Itoobiyaanka mar kale ay dhaqdhaqaaq ka bilaabaan gobolka Bay gaar ahaan xarunta dowladda fariisinka u ah ee Baydhabo.

 

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay golaha maxaakiimta Toddobaad u qabteen inay kaga baxaan ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya ku sugan haddii kale ay la jihaadayaan.

 

Onkod News, Muqdisho

Onkod + HornAfrik.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Simba radio a Waagacusub news media corp.. Also reports the Ethiopian response..

 

Dowlada Ethiopia oo ku gacan seertay waqtigii 7 cisho ah ee Maxkamadaha ugu qabatay iney ciidamadeeda kala baxso Somalia.

 

Addis-Ababa, Arbaco, 13 Dec 06 Simba Radio

 

Dowladda Ethiopia, ayaa ku gacan seertay waqtigii toddobada maalmood ahaa oo ay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ugu qabteen inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, waxaana ay sheegtay inaysan ciidamo ka joogin dalka Somalia.

 

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia Zemedkun Tekle, ayaa sheegay inuu ku wareeray go'aanka kasoo baxay Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

"hadalka ku saabsan in Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, waa hadal aan saldhig lahayn,, oo dhowr jeer oo horey lagu soo cel celiyay, nagama joogaan Somalia wax ciidan dagaal ah, sidaa darted waxa ay ka hadlayaan arrin aan xaqiiqdii meeshaba oolin”ayuu yiri

 

Zemedkun Tekle , waxa uu sheegay in dalkiisa aanu wax qorshe ah ka lahayn in la taliyayaasha military uu kasoo saaro dalka Somalia, kuwaasi oo u jooga sida uu sheegay inay tabbaraan ciidamada Dowladda KMG ah.

 

Waxa uu sheegay in marka ay la Taliyayaashaasi dhameysteen howshooda dalka Somalia laga soo daad gureyn doono.

 

“Dowladda KMG ah eee Somalia, ayaa ina weydiisatay inaynu u diro la taliyayaashaasi, mar allaala markii ay dhameystaan shaqadooda halkaasna, waxa ay noqon doonaan kuwa lasoo daad gureeyo”ayuu yiri

 

Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa shalay ku hanjabay in ay weerari doonaanaan Goobaha Ciidamada Itooobiya ay ka joogaan Dalka Soomaaliya, hadii Itoobiya ay ciidamadadeeda uga saari weydo dalka Muddo 7 cisho ah.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Ethiopian ah oo lagu soo daad gureeyay Magaalada Baydhabo.

 

Baydhabo, Arbaco, 13 Dec 06 Simba Radio

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah oo dheeri ah halkaasi lagu soo daad gureynayo ilaa habeenimadii xalay, iyadoo dabaabado aad u fara badan ay Ciidamadaasi keeneen Magaalada Baydhabo.

 

Dad goob joogayaan ah oo Magaalada Baydhabo degan ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyeen in Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah xalay ilaa saakay ay kusoo qulqulayeen Magaalada Baydhabo, Xili Maxkamadaha Islaamiga ay toddobo cisho u qabteen iney Dalka ugu baxaan.

 

Warar saakay aan ka helnay dadka beeraleyda ah oo beerahooda ay ku dhow dhow yihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaarado ay leedahay Dowlada Ethiopia ay saakay garoonkaasi kasoo degeen, iyadoo dadka deegaanka loo diiday iney ku dhawaadaan aagaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog badan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, xili Golaha Ammaanka ee QM ay sheegeen in Ciidamo Nabad Ilaalin ah loo soo diri doono Dalka Somalia si ay u taageeraan Dowlada Federaaalka Somalia .

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ The title of the thread isn't complete.

 

It should read: "Ethiopia laughs of IndaCade's threat..........making General Duke feel warm and fuzzy inside."

 

Only Somali I know that's actively gloating the Etho presence in Somalia. Our very own Lord Haw-Haw. Yo, collaborating with the enemy during wartime is a hanging offense. So thank online anonymity, cuz if you voice half the ish you're saying here(Ethiopia is our friend/Not our enemy = 4 legs good/2 legs bad) in real life, you'll get the five-finger salute and then some. Walk up to any Somali cat and try to convince him that the Ethos are in Somalia to help us(LOL) and see the response.

 

Allah yahdeek.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Amusing indeed. Though the bullies, IndaCade and Xasan Dahir who have been a plague on the people of Somalia notably the Lower Shabbele have found an even bigger bully facing them. No longer can they hide and their media is all so confused, like they were when the warlords where losing.

 

I am again, not a player in Somali affairs, though I can sense where the wind is blowing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this