General Duke Posted November 16, 2009 Garoowe: Kulan looga hadlayay Xiriirka dawladda Puntland, Bulshada rayidka ah iyo Bulshada Caalamka oo ka dhacay Puntland. 16. november 2009 Garowe(AllPuntland)- Kulan balaaran oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa lasoo dhameeyey, kaas oo looga hadlayay Xiriirka dawladda Puntland, Bulshada rayidka ah iyo Bulshada Caalamka oo ka dhacay Puntland. Kulankan waxaa ka qeybgalay soo xiritaankiisii Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru dowladdaha Dawlad-Wanaaga iyo wasiiro kale oo ka hadlay madashii, uguna baaqay dalalka Deeqaha bixiya in ay si deg deg ah ku taageeraan Puntland. Wasiiru dowladdaha Dawlad-Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in ay dawladdiisa Puntland, diyaar utahay la xariirka dadweynaha oo iskugu jira kuwa gudaha iyo Bulshada Caalamka. Mr, Gaashaan wuxuu sheegay in ay dawladda Puntland muhiimada ugu weyn siisay talooyinka dadweynaha ka imaanaya iyo lahadalkooda, isagoo ugu baaqay in ay door wanaagsan ka qaataan horumarka deegaanada Puntland. Shirkan waxaa soo agaasimay Aaran International , waxa ayna Masuuliyiintu sheegayaan in ay aad ugu faraxsan yihiin qodobadii ka soo baxay wada xaajoodyadii ay uqabteen dadweynaha Puntland, Bulshada Caalamka. Ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay qodobo ku saabsan xaaladihii laga doodayay, waxaana laysku raacay in ay xiriir sugan yeeshaan dhinacyada Bulshada Puntland, dawladda Puntland iyo Bulshada Caalamka, isla markaasna sadexdii biloodba mar la qabto wada xaajoodyo ku saabsan Iswareysi iyo waxyaabihii la qabtay. Dawladda Puntland ayaa sheegtay in ay mudooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay dadaalo xoog leh oo ku aadan xaaladaha xiriirka caalamiga ah, isla markaasna ay dooneyso in ay xiriir toos ah oo adag layeelato Deeq bixiyaasha iyo dhinacyada daneeya xaaladaha dalka Soomaaliya. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites