Sign in to follow this  
General Duke

Barre hiiraale the clown for the ages.

Recommended Posts

Al shabaab iyo Maleeshiyo beeleed ku daalamay degmada Kismaayo.

 

(Muqdisho,Arbaco,20 August 2008,Hornafrik Media).

 

Dagaal culus oo u dhaxeeya xoogaga hubeysan ee Al shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka gacanta ku haysa degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhacay degmadaas halkaasoo ay dhasheen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka guud ee Magaalada kismaayo ayaa sheegaya in la soo gaarsiinayo dhaawacyada dad rayid ah iyo qaar ka mid ah maleeshiyada dagaalka kula jirta xoogaga hubeysan ee Al shabaab.

 

Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhaca koofurta Magaalada Kismaayo waxana la maqlayaa sida dadka deegaankaasi sheegeen daryanka hubka culus.

 

Warar ku dhaw dhaw Al shabaab ayaa sheegaya in dagaalka iyaga lagu soo qaaday,waxayna sheegeen in kooxaha maleeshiya beeleedka ah ee gacanta ku haya kismaayo ay weerareen sadex barood oo Al shabaab Maalmihii dambe ay gacanta ku haysay.

 

Inta la ogyahay 4 qof oo u badan kooxaha ka horjeeda Al shabaab ayaa dhintay dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen.dadka dhaawacmay badankoodu waa rayid.

 

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan kismaayo ayaa sheegay in qarax ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo ay ku dhinteen sadex oo rayid ah.

 

Al shabaab ayaa sheegtay in inta badan Magaalada ay iyagu gacanta ku hayaan.

 

Maleeshiyada dagaalka kala horjeeda Al shabaab oo deegaanka ka soo jeeda ayaa la sheegay inuu hor boodayo xildhibaan Barre shire hiiraale oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya.

 

Xaalada ammaan ee Magaalada kismaayo ayaa xumaatay kadib markii halkaasi ay ka dhaceen dilal dad rayid ah ay ka mid yihiin.lamana oga waxay Al shabaab ka bedeli doonto ammaanka Magaaladaasi.

 

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this